Dhegeyso: Muuse Biixi oo xisbigiisa ugu baaqay in aan hore laga mucaaradin dawladda cusub ee imaan doonta
Dhegeyso: Muuse Biixi oo xisbigiisa ugu baaqay in aan hore laga mucaaradin dawladda cusub ee imaan doonta
Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, ayaa taageerayaasha xisbiga Kulmiye ugu baaqay inaanay hore ka mucaaradin xukumadda cusub ee xisbiga Waddani ee kaga guulaystay doorashadii Madaxtinimada ee 13 November ka dhacday Somaliland.
Madaxweyne Biixi oo kulankii u dambeeyey ee Sagootin ah la yeeshay golihiisa wasiirrada ee xilalka banaynaya, ayaa ka hadlay qaabka ay u mucaaradi doonaan xukuumadda cusub.
Wuxuu dhanka kale sheegay in xukuumaddiisu ku guulaystay in ay qabato doorashooyin isa saar ah oo 90% ay dhaqaalaheeda bixisay. Weriye Saleebaan Saxansaxo ayaa warbixintan Hargeysa ka soo diray.


