Maxaad ka taqaannaa dalalka dadkooda ku baryaya 'ilmo badan dhala' si lacag loo siiyo?

Madaxweynaha Ruushka ayaa toddobaadkan soo saaray amar lagu xoojinayo abaalmarinta loogu magac daray "Hooyooyinka Halyeeyada ah", barnaamijkaas oo ay hirgelisay dowladdii Midowgii Soofiyeeti sannadkii 1944-tii.
Abaalmarintan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiirigaliyo qoysaska si ay dhalaan caruur badan.
Putin wuxuu sheegay in abaalmarintan ay isugu jiri doonto lacag iyo waxyaabo kale oo qaali ah oo la siin doono hooyo kasta oo dhasha 10 carruur ah iyo wixii ka badan.
Waxay tallaabadan kamid tahay dadaallada sare loogu qaadayo kororka tirada bulshada Ruushka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa la sheegay in 15,000 oo askari oo Ruush ah lagu dilay dagaalka ka socda Ukraine ilaa 45,000 oo kalena lagu dhaawacay. Si kastaba ha ahaatee, abaal-marintan ayaan la xiriirin saameynta dagaalka Ukraine.
Sidoo kale waxaa jiraa shan dal oo kale oo dadkooda u sheegay inay abaalmarin siin doonaan waa haddii ay dhalaan carruur badan:
Finland

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka Finland oo ka mid ah wadamada Yurub oo ay ku nool yihiin tirada caruurta ugu yar ayaa dadkiisa lacag ku siinayaa si ay u dhalaan caruur. Laga soo bilaabo sanadkii 2013, ilmo kasta oo ku dhashay magaalada Lestijärvi waxaa waalidka la siiyay €10,000 oo lacagta Euro ah. Lestijärvi waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu dadka yar ee dalka Finland.
Estonia
Dalka Estonia oo ka mid ah dalalka dhaca Yurub oo in muddo ahba dhaqaale badan ku bixin jiray sidii loo xoojin lahaa dhalmada, waxay dawladda si gaar ah ugu faraxsan tahay qoysaska haysta carruur badan. Qoys kasta oo u dhashay dalkan oo leh saddex carruur ah ayaa waxaa la siiyaa €520 lacagta euro bishii, taasoo oo lagu dhiirigelinaya waalidiinta si ay carruur badan u dhalaan.
Japan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka Japan, tirada carruurta dhalaneysa ayaa gaartay heerkii ugu hooseeyay afar iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay, sida uu sheegay Business Insider. Laakiin meelaha horumarka weyn ka sameeyay tirada carruurta badan ee dhalaneyso ayaa ah meelaha lacagta gunnada ah lagu siiyo hooyada umusha. Tusaale ahaan magaalada Ama, oo ka tirsan jasiiradda Nakanoshima, ayaa waalid kasta oo ilmihiisii ugu horreeyay dhala waxaa la siiyaa lacag dhan 940 oo doolar.
Australia
Dalka Australia ay ka mid tahay dalalka ku dadaalayo sidii uu sare ugu qaadi lahaa kordhinta tirada dhalmada, inkastoo aysan jirin lacag gaar ah oo la siiya waalidiinta. Laakin dalkani waxa uu ka mid yahay wadamada bixiya adeegyada gaarka ah waalidiinta caruurta badan haysta, waxay dowladda waalidiinta ka caawisaa waxyaabo badan oo dhinaca adeega caruurta ah.














