Muxuu yahay xanuunkan cusub ee soo ridanaya carruurta Mareykanka iyo Yurub?

Young girl sitting on a hospital bed with a teddy bear next to her

Xigashada Sawirka, Getty Images

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay inay haatan baarayaan kiisas xanuunka cagaarshowga ah oo aan wax badan lafa fahansaneyn kaas oo lagu arkay carruurta afar dal oo Yurub ku yaalla iyo Mareykanka.

Kiisaska cagaarshowga, oo ah xanuun beerka ku dhaca, ayaa laga sheegay dalalka Denmark, Ireland, iyo Netherlands, Spain iyo Mareykanka, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Toddobaadkii la soo dhaafay dowladda UK ayaa sheegtay in waaxaha caafimaadka ee UK sheegeen inay ka war heleen kiisas aad u badan oo caabuq ah oo carruurta laga helay.

Sababaha caabuqan ayaanan weli la ogeyn.

Xarunta Yurub ee Xakameynta Cudurrada (ECDC) ma aysan sheegin inta kiisas ee laga helay guud ahaan afarta dal ee Yurub ka tirsan.

Balse Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in tiro ka yar shan kiis laga helay Ireland, iyadoo saddex kalena laga helay Spain. Waxay WHO intaas ku dartay in kiisas badan ay soo bixi karaan maalmaha soo socda.

Baaritaannada waxa sababay caabuqan ayaa ka socda dhammaan dalalka Yurub ee kiisaska laga helay, sida laga soo xigtay ECDC.

Gudaha Mareykanka, waaxda caafimaadka bulshada ee Alabama ayaa sheegtay in sagaal kiis laga helay caruurta ay da'dooda u dhaxeyso hal ilaa lix sano, oo ay labo ka mid ah u baahan yihiin in beer lagu tallaalo.

Waxay waaxdu intaas ku dartay in la baarayo kiisas kuwaan la mid ah oo lagu arkay gobollo kale.

UK waa meesha lagu arkay tirada kiisaska ugu badan - iyadoo ilaa iyo haatan laga helay 74 kiis.

Toddobaadkii la soo dhaafay Hay'adda Ammaanka Caafimaadka UK ayaa sheegtay in caabuqyada caadiga ah ee sababa cagaarshowga (hepatitis A ilaa E) aysan ku jirin kuwa lagu arkay UK.

Sidaas darteed, baarayaasha ayaa u kuur galaya waxyaabaha kale ee laga yaabo inay sababeen, waxayna u maleynayaan in fayraska Adenovirus laga yaabo inuu sabab u yahay.

Fayrasyada Adenovirus waxay ka mid yihiin fayrasyada caadi ahaan sababa xanuun aan daneyn sida hargabka, matagga iyo shubanka.

Waxay si kastaba sheegtay in arrimaha kale ee laga yaabo inay sababeen la baarayo, meeshana kama aysan saarin Covid-19. Waxay intaas ku dartay inuusan jirin xiriir ka dhaxeeya caabuqan iyo tallaalka Covid-19.

Waa maxay cagaarshow?

cagaarshow

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waa magac ballaaran oo loo adeegsado in lagu qeexo beer dillaaca.

Caadiyan waxaa sababa caabuq faafa, waxaa sidoo kale sababi kara walxo kiimiko ah, cabidda aalkolo badan, daroogo iyo hiddo-sidayaal aan caafimaad qabin.

Waxaa jira shan nooc oo ugu weyn oo cagaarshow ah oo ay sababaan caabuqyada - waxaa loo yaqaannaa A, B, C, D iyo E - balse midkoodna uma muuqdo inuu sababay kiisaska lagu arkay carruurtan.

Noocyada qaar ee cagaarshowga ayaa laga bogsan karaa iyagoo aan wax dhibaato ah sababin, halka kuwo kalena ay noqon karaan wax qofka noloshiisa la socda.

Dowladda UK ayaa sheegtay in waaliddiinta looga baahan yahay inay isha ku hayaan calaamadaha scagaarshowga.

Calaamadahee ayay waaliddiintu ka eegayaan carururta?

cagaarshow

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waalididinta, dhaqaatiirta iyo shaqaalaha kale ee daryeelka caafimaadka ayaa laga codsaday inay carruurta ka eegaan calaamadaha waraabowga, baro yar yar oo jaalle ah oo maqaarka lagu arko iyo qeybaha kale ee jirka, waxaana inta badan si fudud looga arki karaa qeybta cad ee indhaha.

Calaamadaha kale ee cagaarshowga waxaa ka mid ah:

  • Kaadi madow xigeen ah
  • saxaro midabkeedu madow xigeen yahay
  • maqaar cun cun
  • xanuun murqaha iyo kala goysyada ah
  • xummad daran
  • inaad dareento xanuun
  • inaad mar walba daal badan dareento
  • cunto xumo
  • xanuun caloosha ah