You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Waa tuma xaaska Erdogan ee 45 sano garabkiisa ahayd?
Aamina Erdoğan [Aamina Gülbaran) waxa ay February 1955 ku dhalatay magaalada Istanbul. Waalidkeed waxa ay dhaleen shan carruur ah oo ay iyadu gabar ka tahay.
Waxa ay wax ku baratay mac-hadka farsamada gabdhaha ee Mithatpaşa ee ku yaalla Istanbul, waxaana ay tan yaraanteedii ka shaqeynaysay arrimaha bulshada.
Bishii July 1978 ayaa waxaa guursaday Rajab Tayib Erdoğan oo ay muddo is yaqaaneen, waxaana ay garab u ahayd tan iyo waagaas.
Waxaa lagu amaanaa in ay gacan ka geysatay ka qeybgalka siyaasadda ee haweenka Turkiga, gaar ahaan markii uu seygeeda ahaa duqa Istanbul.
Mudadii uu seygeeda ahaa maayarka Istanbul (1994-1998), waxa ay magaaladaas ka fulisay mashaariic u badan kuwa arrimaha bulshada, gaar ahaan “afur ay u siman yihiin dadka saboolka ah iyo maalqabeennada.”
Aamina oo Erdoğan u dhashay afar carruur ah (laba wiil iyo laba gabdhood) ayaa xoogga saartay hawlaha caawinta dadka tabaalaysan ee gudaha Turkiga iyo daafaha caalamka.
Iyadoo kaashanaysa wasaaradda waxbarashada ee Turkiga ayaa waxa ay bilowday mashruuca lagu xaqiijinayo in dhammaan hablaha waddankaas ay wax bartaan.
Qiyaastii saddex boqol oo kun oo gabdhood ayaa ka faa’iideystay mashruuceeda “hablayahow aan iskuullada aadno”. Waxa ay sidoo kale xoogga saartay in dumarka aan wax baran ay helaan fursan waxbarasho.
Waxa ay si weyn uga hadashay dhibaatooyinka iyo musiibooyinka ka dhacay daafaha caalamka sida Gaza, Myanmar iyo Pakistan.
Markii uu socday duullaankii ay Israa’iil ku qaaday Gaza 2009, Aamina Erdoğan ayaa kulan u qabatay xaasaska diblomaasiyiinta ku sugan Ankara ee waddamada Carabta iyo Galbeedka, waxaana ay ku baaqday in caalamka uu “joojiyo dagaalka”.
August 2011, waxa ay seygeeda oo markaa ahaa Ra’iisal wasaaraha Turkiga u raacday booqashadii caan-baxday ee uu ku tegay Soomaaliya, halkaas oo ay ku soo aragtay dadkii ay saamaysay abaartii ba’nayd.
Sanadkii 2017, waxa ay booqatay xerada qaxootiga Kutupalong ee ay ku nool yihiin dadka Rohingya ee ka soo barakacay Myanmar. Waxa ay caalamka ugu baaqday in wax laga qabto xaaladda dadkaas.
Waxaa lagu sharfay abaalmarino dhowr ah oo ay kamid tahay mid lagu siiyay hawlaha ay ka qabatay bani’aadannimada.
Dhaliilaha loo jeediyay
Sanadkii 2016, waxaa si weyn loogu dhaliilay khudbad ay ku difaacday guryihii gaarka u ahaa haweenkii madaxda Cusmaaniyiinta.
Waxa ay sheegtay in goobahaas ay ahaayeen kuwo waxbarasho oo dumarka u diyaarin jiray nolasha.
Kooxaha u doodda xuquuqda aadanaha ayaa tilmaama in goobahaas ay ahaayeen kuwo dumarka ay ku lumiyaan xuquuqdood.
Sanadkii 2018, waxaa Aamina Erdoğan lagu dhaliilay in ay iibsatay boorso kuwa ay dumarka ku xaragoodaan ah oo qiimaheeda lagu sheegay 50 kun oo dollar.
Dadka wax ku qora baraha bulshada ayaa tilmaamay in shacabka saboolka ah ee Turkiga ay u baahan yihiin lacagtaas, oo u dhiganta mushaarka ay shaqeysan karaan 11 sano.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in mar ay seygeeda u raacday booqasho rasmi ah oo uu ku tegay caasimadda Warsaw ee dalka Poland, ay ku soo adeegatay lacag ka badan 49,000 oo dollar.
Si kastaba, Aamina Erdoğan ayaa dowr muhiim ah ka qaadatay guulaha uu siyaasadda ka gaaray Rajab Tayib Erdogan oo hadda loo doortay in Turkiga uu hogaamiyo shanta sano ee soo socota.