Jacaylka dhabta ah: "Waxa uu i tusay sida uu u egyahay jacaylka shuruud la'aanta ah"

Pte Seán Rooney

Xigashada Sawirka, IRISH DEFENCE FORCES

Askari ayrish ah ayaa toogasho lagu dilay asagoo ku jira hawl galka Qaramada Midoobey ee nabadsugidda Lubnaan, “wuxuu ahaa qof cajiib ah, oo hagar laawe ah,” ayey tiri gabadh u doonanayd.

Pte Seán Rooney oo 23 jir ahaa kana soo jeeda Newtowncunningham, ayaa saarnaa mid ka mid ah laba gawaarida gaashaaman ah oo rasaas ay qabsatay ayaga oo usii socda Beirut habeenimadii Arbacada.

Waxaa lagu dhawaaqay geeridiisa markii la gaarsiiyey cisbitaal ku dhow Sidon.

Waa askargii ugu horreeyay ee ayrish ah kaas oo ku dhinta hawl galka UNIFIL moddo ka badan 20 sano.

Pte Rooney wuxuu ahaa “qofka ay aad u wanaagsantahay in lala noolaado” ayey tiri saaxiibtiis Holly McConnellogue.

Dhimashadiisa ayaa timid 3 sano kadib markii ay is barteen , sida Holly ay u sheegtay The Irish Times.

Pte Seán Rooney iyo Holly McConnellogue ayaa qorshaynayey inay is guursadaan bisha agoosto ee sanadka soo socda.

“wuxuu ahaa nin rageed, sida ay dhahaan dadku: wuxuu I baray wax badan oo naftayda ku saabsan,” ayey tiri Holly oo 22 jir ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

“Wuxuu runahaantii i tusay waxa uu yahay jacayl shuruud la’aan ahi.”

“Budhcad” ayaa hareeraysay

Pte Rooney iyo saddexda askari ee ku dhaawacmay weerarka ayaa ka tirsanaa guutada 121-aad ee ciidamada lugta, UNIFIL (Ciidanka ku meel gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Lubnaan).

Sida la sheegay gaariga gaashaaman ee askarta ayey hareereeyeen koox budhcad ah oo rasaas ku furay xilli ay u socdeen Beirut abaare 21:00 Arbacadii.

Labada gaari ee gaashaaman waxay sicdaal caadi ah ugu socdeen Beirut, ayuu yiri wasiirka difaaca Ireland Simon Coveney.

"Labadan baabuur ee gaashaaman ayaa kala baxay, ka dib mid ka mid ah ayey hareereeyey koox cadaw ah.

"Rasaas ayaa la riday, nasiib darro mid ka mid ah nabad ilaaliyeyaasha ayaa la dilay mid kalena dhaawac culus ayaa soo gaaray," ayuu u sheegay raadiyaha RTÉ.

UNIFIL waxaa loo xilsaaray inay kormeerto nabadda nugul ee ka jirta xuduudka u dhexeeya Lubnaan iyo Israa'iil.

UNIFIL ayaa waxaa xarun u ahayd koonfurta Lubnaan tan iyo 1978 inkastoo howlgalkoodu uu balaadhay ka dib dagaalkii 2006 ee u dhaxeeyay Israa'iil iyo xoogaga Muslimiinta Shiicada ah ee Xisbullah ee Lubnaan.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xisbullah oo lagu magacaabo Wafiq Safa, ayaa Khamiistii sheegay in "dhacdo aan ula kac ahayn" ay horseedday in askarigan la dilo, isla markaana kooxda hubeysan aysan ku lug lahayn.

Calamada sudhan dhamaan xarumaha militariga ee Ireland ayaa ahaan doona kuwa hoos loo dhigay ilaa Pte Rooney la aasayo.

.

Ms McConnellogue ayaa sheegtay in ninkeeda uu ahaa "qofka cajiib, oo naf-hurnimo leh, kaas oo dhintay isagoo ku guda jira waxa uu jecel yahay".

Waxa uu aad u jeclaa shaqadiisa Ciidanka, wuxuuna ka yimid yahay qoys leh xiriir militeri oo xooggan , ayay raacisay.

Aabihii iyo saddex adeeradiisa ka mid ah ayaa iyaguna ka mid ahaa ciidanka.

Aamusnaan hal daqiiqo ah oo lagu maamuusayay Pte Rooney ayaa lagu qabtay shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee New York Khamiistii.

Hadda waxa la diyaarinayaa sidii maydkiisa loogu soo celin lahaa Ireland.

Isagoo la hadlaayay Raadiyaha BBC ee Foyle, ayuu Donegal Fianna Fáil, Paul Canning, oo yaqaanay Pte Rooney, sheegay in bulshada deegaanka ay aad uga naxeen geeridiisa.

"Iyadoo haraadiga ay weli ku maqan yihiin Lubnaan, aad bay ugu adag tahay hooyadii inay fahamto waxa dhacaya," ayuu yidhi.

Dowladda Ireland ayaa sheegtay in uu socdo baaritaan la xiriira weerarkan hubeysan.

Ciidamada Difaaca Ireland waxay soo dirayaan koox khaas ah si ay u baaraan dhammaan sababaha horseeday weerarka.

Baaritaankooda ayaa diiradda lagu saari doonaa sida gaariga looga soocay gaariga gaashaaman ee la socday.

Waxaa la fahamsan yahay in baabuurta ay kala leexdeen inta lagu jiray safarka caadiga ah ee aagga hawlgallada UNIFL.

Baabuurka Pte Rooney ayaa galay tuulada Al-Aqbieh, halkaas oo ay ku sugnaayeen dadweyne aad u tiro badan oo daawanayay ciyaartii Koobka Adduunka ee Morocco ay la ciyaareysay Faransiiska.

UNIFIL ayaa sidoo kale baaraysa oo sheegtay in ay la shaqeyneyso Ciidamada Qalabka Sida ee Lubnaan si loo ogaado sida saxda ah ee wax u dhaceen.

Isagoo ka hadlaya jimcihii, Taoiseach (Raysal wasaaraha Ireland) Micheál Martin ayuu ka digay in runta la gaaro ay noqon doonto caqabad.

"Baaritaannadan waa inay noqdaan kuwo aad u ballaaran, waxaa naga go'an inaan helno xaqiiqda," ayuu yidhi.

Mr Martin waxa uu intaas ku daray: "Waxay xusuusinaysaa naf-hurnimada aan caadiga ahayn ee nabad-ilaaliyeyaasheennu ay si joogto ah u bixiyaan, waxay ku hawlgalaan si hawl karnimo ah, mararka qaarkoodna meelo aad u adag oo khatar ah ayey ka hawl galaan, waana inaan ka digtoonaano taas.

Pte Rooney ayaa horay loo geeyay Lubnaan 2021, isagoo ku biiray Ciidamada Difaaca Ireland 2019.

Askariga sida xun u dhaawacmay waa Pte Shane Kearney, 22, ka yimid Killeagh ee County Cork.