Maxay tahay kiiska 'jirdilka' ku saabsan ee loo haysto madaxa booliska Interpol ka?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Laba muwaadin oo British ah oo hore loogu xiray Imaaraadka ayaa ku baaqay in la xiro taliyaha booliska caalamiga ah ee Interpol Gaashaanle Sare Ahmed Nasser Al Raisi, oo u dhashay imaaraatka oo booqanaya dalka Ingiriiska maalinka isniinta si uu uga qayb galo shirka sanadlaha ah ee hay’ada dambiyada caalamiga ah ee Interpol, waxay ku eedeeyeen in uu kormeere ka ahaa jirdil iyaga loo gaystay.

Maamulka Imaaraatka Carabta ayaa xiray aqoonyahan ingitiiska ah oo lagu magacaabo Matthew Hedges iyo muwaadin kale oo isna Ingiriis-Sudanese ah oo lagu magacaabo Ali Issa Ahmed, waxaana la xiray sanadihii 2018 iyo 2019.

Hedges ayaa si lama filaan ah loogu xiray garoonka diyaaradaha ee Dubai xilli uu dalka ka dhoofayay ka dib markii uu soo dhameystay safar cilmi baaris ah bishii May 5 teeda, 2018, isagoo lagu eedeeyay "jaajuusnimo", ka hor intii uusan Abu Dhabi sii deyn lix bilood kadib.

Hedges oo u safray Imaaraadka si uu u sameeyo cilmi baaris shahaadada PhD-da oo uu diyaarinayay, ayaa sheegay in lagu joojiyay garoonka diyaaradaha, kadibna la geliyay meel cidlo ah, su’aalo la weediiyay, dawooyinna la siiyay muddo lix bilood ah oo uu xirnaa.

Labo bilood ka dib markii la sii daayay Hedges, maamulka Imaaraadka Carabta ayaa xiray muwaadin kale oo British ah, Cali Ciise Axmed, kadib markii uu xirtay shaarka kubadda cagta Qatar, taasoo Abu Dhabi ay u aragtay xilligaas " dambi lagu mutaysan karo xabsi dheer iyo ganaax weyn", xilligii khilaadka ka dhaxeeyay khaliijka iyo Qatar.

.

Xigashada Sawirka, DANIELA TEJADA

Jirdil iyo tooreeyayn

Hedges iyo Axmed ayaa sheegay in la jirdilay intii ay xirnaayeen. Hedges waxa uu sheegay in su'aalo la waydiin jiray ilaa 15 saacadood maalin walba, si xoog ahna loogu qasbay daroogo, waxaana lagu hayay qol aan daaqad lahayn oo aan sariirna oolin.

Dhanka kale, Axmed, oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ee Wolverhampton (bartamaha Ingiriiska), ayaa sheegay in dhowr jeer la garaacay oo xitaa la tooriyeeyay intii lagu jiray muddadii bilaha ahayd ee uu xirnaa oo u dhaxaysay Janaayo iyo Febraayo 2019kii, isaga oo ku xirnaa imaarada Sharjah.

Laakin saraakiisha Imaaraatka ayaa sheegay in Axmed uu naftiisa dhaawac u geystay, isla markaana uu sheegay hadallo been abuur ah, uuna uu waqti ka lumiyay booliska. Ka dib waxaa sii daayay mas'uuliyiinta Imaaraatka 12-kii Febraayo, 2019 kii.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Labada shaqsi ee Ingiriiska ah waxay ku eedeeyeen Al Raisi, oo loo doortay madaxweynaha Interpol tan iyo sanadkii 2021 kii, inuu ugu dambeyntii mas'uul ka ahaa jirdilka iyo xarigga aan sharciga ahayn ee ay sheegeen in loogu geystay Imaaraadka, iyadoo la og yahay inuu sidoo kale soo qabtay jagada Isbatooraha Guud ee Booliska. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Imaaraadka oo uu hayay ilaa 2015 kii.

Magacaabida Al-Raisi waxa ay dhalisay dibad baxyo ka yimid difaacayaasha xuquuqul insaanka oo sheegay in doorashadiisa ay wiiqday hadafkii ururka. Dhaqdhaqaaqayaasha ayaa sidoo kale farta ku fiiqay, inta lagu guda jiro magacaabistiisii, dhaqaalaha deeqda ah ee ururku ka helo Imaaraadka.

Dacwad ooge Faransiis ah ayaa waxa uu qoray dacwad ka dhan ah Al Raisi, isaga oo ku eedeyay “tacadi iyo falal waxuushnimo ah” oo ka dhan ah Axmed iyo Hedge.

Mar uu soo gaaray Lyon, oo halka ay uu ku yaallo xafiiska way nee Interpol ka, ayaa waxaa u yeeray Al-Raisi garsoore Faransiis ah si uu su’aalo u waydiiyo, bishii June ee sanadkii 2023, balse ma uusan soo xaadirin.

Hedges iyo Issa waxay ugu baaqeen booliiska Scotland inay furaan baaritaan ku saabsan eedeymaha Al-Raisi ee ku lug lahaanshaha jirdilka.

Ingriiska ayaa sidoo kale dacwad ka dhan ah Al-Raisi ka furay Norway, Sweden iyo Turkiga.

.

Xigashada Sawirka, Interpol

“Boos Sharafeed”

Hay’adda Booliska Caalamiga ah ee Dambiyada (INTERPOL) waa urur ujeeddadiisu tahay la dagaalanka dembiyada ka dhaca adduunka.

Booska Madaxweynaha Interpol ayaa ah xil sharafeed, iyadoo Xoghayaha Guud ee Ururka uu maamulayo arrimiha ururka.

Sida laga soo xigtay Interpol, "Xoghayaha Guud wuxuu mas'uul ka yahay arrimaha maalinlaha ah" halka "Madaxweynuhu uu hayo boos aan mushahar lahayn, oo galin barkii la shaqyano" oo shaqadiisa ugu weyni ay tahay inuu hoggaamiyo Golaha Guud iyo saddex kalfadhi ee Guddiga Fulinta ee snad walba dhaca.

Ururku wuxuu sharraxay in madaxweynahooda "uu si rasmi ah u guto waajibaadkiisa rasmiga ah ee waddankiisa oo uusan ahayn degane joogto ah oo ku sugan Lyon," sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.

Waxa kale oo ay carrabka ku adkaysay in xubnaheeda, oo uu ku jiro Madaxweynuhu, ay ku naaloonayaan mudnaan iyo xasaanad gudashada waajibaadkooda shaqo iyo gudashada waajibaadkooda shaqo ee ururka, laakiin aan la eegaynin arrimahooda gaarka ah.