Dhagax cirka kasoo dhacay oo malaayiin doollar lagu xaraashay

Xigashada Sawirka, EPA
"Fadeexo! Waa fadeexo!' ayuu khadka taleefoonka kaga yiri Prof Paul Sereno oo jooga Chicago.
Ma uusan qarsan caradiisa la xiriirta in waxyaabo naadir ah oo ka yimid xiddigga Mars (Farraare) kaas oo laga helay labo sano ka hor dalka ku yaal galbeedka Afrika ee Niger in lagu xaraasho New York bishii la soo dhaafay. Cid aan magacooda la sheegin ayaa iibsatay.
Khubarrada aqoonta u leh ee xiriirka dhow la leh dalkaas ayaa aaminsan in loo celiyo dhagaxaas Niger.
Dhagaxaan oo malaayiinta sano jiray ayaa ah kii ugu weynaa ee laga helo dhulka. Waxaa lagu xaraashay 4.3 milyan oo doolar. Sida loo qariyay cida iibsatay si la mid ah ayaa loo qariyay kuwa sii iibiyay. Ma cada in lacagtaas ay Niger wax ka soo gaartay.
Walxaha samada ka yimaada ee dhulka ku soo dhaca inta badan waa wax qiimo weyn ugu fadhiya bani'aadaanka. Qaarkood waxaa la geeyaa meelo lagu bandhigo halka kuwa kalena loo isticmaalo in lagu sameeyo daraasadaha seyniska.
Sawir laga qaaday dhagaxa ayaa muujinaya in uu leeyahay muuqaal iftiimaya oo qalin iyo casaan isugu jira. Dadka qaar ayaa su'aalo ka keenay sida ay ku dhacday in la xaraasho.
Dowladda Niger waxay shaki ka muujisay in si sharci ah dalka looga saarin, taasina waxay keentay walaac ku saabsan in si dhuumaaleysi ah dalka looga saaray.

Xigashada Sawirka, Reuters
Shirkadda Sotheby si weyn ayey u diiday, waxayna sheegtay in la raacay nidaamka saxda ah. Dowladda Niger waxay billowday baaris lagu sameynayo sida lagu helay iyo xaraashka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In yar ayaa laga ogyahay sida lagu geeyo xarunta caanka ee alaabaha lagu xaraasho ee ku taal Mareykanka.
Warbixin Talyaaniga lagu daabacay sanadkii la soo dhaafay ayaa lagu sheegay in 16-kii Nofembar sanadkii 2023-kii laga helay Saxaraha Niger meel 90 kilomitir u jirta Chirfa.
Dhagaxa ka yimaada samada meel kasta oo dhulka ka mid ah ayuu ku soo dhici karaa balse sida dhulka balaaran ee Saxaraha uu cidlo u yahay ayaa ka dhigeysa in uu noqdo meelaha ugu horeeya ee laga arki karo.
Sida uu qoray wargeyska Talyaaniga, ganacsade shisheeye ayaa ka iibsaday dadka deegaanka kaddibna waxaa la dhigay xarun ku taal magaalada Arezzo ee Talyaaniga.
Wargeyska jaamacada Florence ayaa ku tilmaamay qofka keenay in uu yahay milkiilaha xarunta oo ah qof muhiim ah.
Koox seynisyahano ah oo uu horkacayo Prof. Giovanni Pratesi oo ka tirsan jaamacada ayey u suuragashay in ay baaraan si ay wax badan uga ogaadaan qaab dhismeedka iyo halka uu ka yimid dhagaxa. Muddo kooban ayuu dhagaxa yaalay Talyaaniga.
Markii xigtay ee dhagaxa si muuqato loo arko waxay aheyd bishii la soo dhaafay markii New York lagu soo bandhigay. Labo cad oo baaris dheeri ah lagu sameynayo ayaa lagu reebay Talyaaniga.
Shirkada Sotheby's waxay sheegtay in dhagaxa laga soo qaaday Niger la soo mariyay dhammaan hab-raacyada caalamiga ah ay tahay in la maro.
Afhayeen u hadlay Sotheby's waxa uu sheegay in ay la socdaan wararka sheegaya in Niger ay baareyso sida lagu soo dhoofiyay, wuxuuna sheegay in ay eegayaan xogta la heli karo ee la xiriirta su'aalaha taagan.

Xigashada Sawirka, EPA
Aqoonyahan ka tirsan jaamacada Chicago kaas oo sanado baarayay lafaha Daaynasoorka ee saxaraha ayaa u ololeeya in waxybaaha dhaqanka ee dalka leeyahay dib loogu soo celiyo.
Madxaf ku yaal meel u dhow wabiga Niger ee dhexmara caasimada Niamey ayaa la qorsheynayaa in la keeno waxybaaha dalka taariikhda u leeyahay ee laga qaatay.
"Qeynuunka caalamiga waxa uu dhigayaa in aadan si fudud ku qaadan karin wax muhiim u ah taariikhda dal, hadii ay noqon laheyd mi dhaqan, qalab muuqda ama mid dabiici ah. Waad la socotaa waxaan oo dhan waxaa la soo qaatay xiligii gumeysiga markaas oo ay caadi aheyd," ayuu yiri Prof. Sereno.
Niger waxay ansixisay qeynuun u gaar ah sanadkii 1997-dii kaas oo ujeedkiisu ahaa in lagu ilaaliyo waxybaaha ay hidaha u leedahay.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Morocco ayaa arrin tan la mid ah la kulantay. Dhagxaan samada ka soo dhacay oo ka badan ilaa iyo 1,000 ayaa laga helay dalkeeda oo ay ku jiraan qeybo ka mid ah saxaraha.
Labaatan sano ka hor wadanka waxaa soo maray sida qoraa helen Gordan ay sheegeyso wax lagu tilmaamay "Dahab raadiskii Saxaraha", taas oo ka timid xeerarkii dabacsanaa ee dalka.
Buug ay dhawaan qortay ayey ku sheegtay in Morocco ay tahay dalka ugu badan adduunka ee laga dhoofiyo dhagxaanta ka soo dhaca samada.
Prof Hasnaa Chennaoui Aoudjehane, 25 sano ayey ku bixisay dhagaxda dalkeeda ku soo dhacda. Waxay sheegtay in aysan diidaneyn in laga ganacsado balse loo baahan yahay in loo sameeyo xeerar lagu xadidayo beecmuhstarkaas.
Prof Sereno isna waxa uu rajeynayaa in iibkii Sotheby' uu sameyn doono isbeddel. Ugu horeyn waxa uu ku dhiirogelinayaa madaxda Niger in ay tallaabo qaadaan.













