Macdan qaali ah oo ay soo saaraan "dad gaajeysan"

rough diamonds

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dowladda Mareykank ayaa horraantii bishan mamnuucday in dalkeeda la geeyo dheymanka laga keeno Zimbabwe.

Mareykanka ayaa sheegay in shaqaale la qasbay ay qabtaan shaqada soo saaridda macdantan qaaliga ah ee dalkaas.

Xukuumadda Zimbabwe ayaa beenisay eedaha. Wasiirka Warfaafinta ee dalkaas, Nick Mangwana ayaa sheegay in Mareykanka uusan hayn caddeynta iyo in xukuumadda Washington "si khalad ah wax loogu sheegay ama la marin habaabiyay".

Gobolka macdant laga qodo ee Marange ee bariga dalka Zimbabawe, waxaa lgu qiimeeyaa in lga helo dheymanka ugu qaalisan dunida, iyadoo dalkaas shaqaalihiisana ay mushaar la'aan ba'an hayso, dhaqaale xumana ay ka jirto.

Maxay tahay eedda Mareykanka?

Mareyknka wuxuu muujiyay in hannaanka shaqada ee dadka doonaya in ay macdanta qodaan ay tahay in ay laluushaa ciidamada Amniga si ay u helaan meelo iyaga u gaar ah.

Marka dadka shaqaalaha ah ay gudaha u galaan, loom ogolado in ay baxaan, kuwa is adkeeyana waxaa loo geystaa jirdil, kufsi ama xarig, sida ay sheegtay Brenda Smith oo ka tirsan waaxda Canshuuraha iyo xuduudaha Mareykanka.

Dowladda Mareykanka waxay ku doodeysaa in "caddeyn buuxda la hayo".

Maxay tahay Caddeynta?

Waxa si adag loo xakameeyay in goobtaas ay gudaha u galan suxufiyiinta iyo dadka u dooda xuquuqda aadanaha, iyadoo amar heer sare ah loo bahan yahay si meeshaas gudaheeda loo galo.

Koox kor joogto ah oo eegta qaabka shaqada ee goobaha dheymanka laga qado ee Marange, waxay soo uruuriyeen caddeymo muujinya in shaqaalaha si qasab ah lagu qorto ayna ku shaqeeyaan juujuub.

Guddoomiyaha Shirkadda Dheymanka ka shaqeysa ee Bocha, Moses Mukwada, wuxuu BBC-da u sheegay in ay jiraan kiisas muujinaya tuulooyiin la weeraray oo dhallinyaro laga soo raafay, ka dibna lagu qasbay in ay ka shaqeeyaan macdan qodista.

Kooxaha kale waxaa ka muuqata feejignaan badan.

Xarunta Maamulka Kheyraadka dabiiciga ah ee CNRG, oo ah hay'ad u dooda xuquuqda macdan qodayaasha, ayaa sheegtay in ay diiwaan gelisay dhacdooyiin muujinaya xadgudb loo geystay shaqaalaha, balse aysan hayn macluumaad la xiriira in shaqaale la qasbay.

"Hay'ad ahaan, si guud arrinta uma beenineyno [oo ah shaqaale si qasab ah lagu qortay] waana jeclaan lahayn inaan ogaano dadka shaqaalaha qasbaya," ayuu yiri Simiso Mlevu, oo ah afhayeen u hadlay CNRG.

A file photo from 2011 shows a private security employee guarding a diamond processing plant in the diamond-rich eastern Marange region of Zimbabwe

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images

Ma ahan markii ugu horeysay oo dowladda Zimbabwe lagu eedeeyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha in ay ka dhacaan goobta macdanta laga qodo ee Marange.

Ururada u ololeeya xuquuqda Aadanaha ayaa markasta dalbada in dheymanka lagu tilmaamo "dheymanka dagaalka" si dhoofintiisa loo xakameeyo.

Sannadkii 2011-kii, BBC waxay heshay caddeyn muujineysa jirdil xun iyo kufsi ka dhacay goobtaas.

"Runta xanuunka badan waxay tahay in dheymanka Marange lagu soo saaro si xad gudub ah iyo sidoo kale meelo la mid ah, kaas oo weli gaara suuqyada caalamka," ayey tiri CNRG.

Waxaa lagu qiyaasayaa in 40 qof ay ku dhintaan halkaas sannadkasta, taas oo natiijo u ah sida xun ee loola dhaqmo shaqaalaha macdan qodista.

Xuquuqda Shaqaalaha ee qeybaha kale ee Zimbabwe

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa 2018-kii daabacday warbixint sheegeysay in dadka ka shaqeeya beeraha tubaakada la qasbo.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sannadkii la soo dhaafay soo saartay warbixin lagu muujiyay shaqaaleysiinta carruurta.

Si kastaba, Zimbabwe waxay sheegeysaa in ay waddo dadaallo looga hortagayo shaqaalaha la qasbo. Sidoo kale sannadkan 2019 waxay saxiixday Xeerka Shaqaalaha ee Qaramada Midoobeey, kaas oo ah go'aan lagu cirib tirayo falalka xun ee shaqaalaha lagula kaco.

Presentational grey line