Dheeman weyn oo laga helay Sierra Leone

Macdan qodayaal reer Sierra Leone ah ayaa waxay heleen dheeman cabbirkiisu yahay 476 carat, kaas oo ah kii 29 aad ee ugu weynaa ee dunida laga helo Dheemankan hadda la helay waxa laga soo saaray degmada Kono ee dalka Sierra Leone. Shirkadda heshayna waxay ku guulaysatay qandaraas ay dawladdu ugu ogolaatay in ay u iibgeyso dheemankaa suuqyada caalamka.
Bishii maarso ee la soo dhaafay ayaa baadari Emmanuel Momoh waxa uu isna isla degmaas ka helay dheeman lagu qiyaasay inuu ahaa dhagaxii ugu waynaa ee Sierra Leone laga helo muddo nus qari ah gudaheed.
Waxaanu weriyaha BBC-da Umaru Fofana u sheegay in uu Ilaahay ballan ugu qaaday inuu lacagta laga siisto dheemankaa ku daryeeli doono bulshada halkaa ku nool. Baadarigaa Momoh dhagaxaa dheemanka ah ee uu helay waxa bishii hore loo iib geeyey magaalada New York.
Sierra Leone ayaa rajaynaysa in dheemankan ay haatan iibinaysaa noqdo mid ka duwan kii waayadii dagaalku socday loo bixiyey "dheemanka dhiigga leh" ee dakhliga ka soo baxa lagu geli jiray dagaalkii sokeeye ee dalkaa ka socday kow iyo tobanka sanadood.
Tobanaan kun oo qof oo reer Sierra Leon ah ayey jabhadihii dagaalka ku jiray ku qasbi jireen in ay ugu shaqeeyaan sida adoomaha oo kale oo ay dheemanka u qodaan, qofkii diidana waxay ka goyn jireen lugaha iyo gacmaha, xataa dhegaha iyo xubnaha taranka ayey ka goyn jireen.
Dheemankii ugu weynaa ee laga helo dalkan ayaa waxa berigaa loo bixyey "xidigtii Sierra Leone" waxaana laga soo saaray uun isla degmada Kono sannadkii 1972-kii.
Laakiin guud ahaan marka la eego taariikhda dheemanka kii ugu weynaa ee dunida laga helaa wuxu noqday kii loo bixiyey Cullinan Diamond oo laga helay Koonfur Afrika sannadkii 1905-tii waxaana loo kala jajabiyey gobol gobol yar oo lagu dhejiyey taajka boqorada Ingiriiska ee Elizabeth.










