Netflix oo shaacisay inay raqiis ka dhigayso adeeggeeda si uu qof walba u isticmaalo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkadda Netflix ayaa sheegtay in ay iskaashi la samaynayso shirkadda Microsoft si ay macaamiisheeda ugu keento adeeg ka raqiisan sidii hore oo dadka isticmaala ay arki doonaan xayeysiimo.
Qorshahan ayay shirkaddan wayn ee filimada laga daawado kusoo "kordhin" doontaa adeegyadeedii horay u jiray, oo ahaa kuwo aysan xayeysiin ka muuqan jirin.
Ilaa hadda shirkaddi shaaca kama aysan qaadin inta ay la ekaan doonto lacagtala raqiisiyay ee loogu talogalay adeegga cusub.
Netflix ayaa ku dhawaaqday tallaabadan kaddib markii ay soo tebisay hoos u dhaceedii ugu horreeyay ee dhinaca tirada macaamiisha, muddo toban sano ah gudahood.
Waxay sidoo kale horaantii bishan joojisay boqollaal fursado shaqo ah oo ay bixin jirtay.
Waxay Netflix waysay macaamiil gaaraysa ilaa 200,000 intii u dhaxaysay bilihii January iyo March ee sanadkan.
Dadka wax falanqeeya ayaa filayay in muddadaas gudaheeda ay shirkadda kusoo biiri doonaan 2.5 milyan oo macaamiil cusub ah, balse taas baddalkeeda waxaa yimid hoos u dhac.

Xigashada Sawirka, NETFLIX
Netflix ayaa sidoo kale hadda filaysa inay ka tageen labo milyan oo macmiil oo kale intii u dhaxaysay bilihii April ilaa June.
Mas'uuliyiinta shirkadda ayaa sheegay in ay Microsoft u xusheen inay noqoto saaxiibkooda caalamiga ah ee u qaabilsan dhinaca tiknoolojiyadda xayeysiinta iyo waliba suuqgeynta.
Microsoft ayaa Netflix u suuq geyneysa "adeegga qiimaha jaban ee xayeysiimaha wata".
"Xilli hore ayaa hadda lagu jiraa waxaana noo taalla shaqo aad u badan," ayuu yiri madaxa howlgallada ee Netflix, Greg Peters, oo soo saaray bayaan.
"Balse ujeeddadeenna muddada fog way caddahay. Fursado dheeri ah ayaan u samaynaynaa macaamiisheenna, dadka wax xayeysiistana waxay helayaan adeeg horleh."
Shirkadda Netflix ayaa hadda isku dayaysa inay wadahadal la gasho shirkadaha waaweyn ee madadaalada si ay xayeysiimo ugu samayso, sida uu Talaadadii qoray wargayska Wall Street.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ilaa hadda waxaa lasoo tebiyay inay mas'uuliyiinta Netflux kulamo la yeesheen shirkadaha kala ah Warner Bros, Universal and Sony Pictures Television.
Warner Bros oo aan xiriir la samaynay ayaa ka gaabsatay inay wax jawaab ah bixiso.
Shirkadaha Universal iyo Sony ayaan iyagana wali kasoo jawaabin codsiyada ay u dirtay BBC-da.
Horay Netflix waxay uga soo horjeedday in adeeggeeda lagu soo daro xayeysiimo, balse waxay hadda qaadday tallaabo ay ku burburinayso sharcigeeda.
Bishii April, Netflix waxaa qiimaheeda suuqa ka go'day lacag dhan $50bn kaddib markii ay shaacisay in ay macaamiisheeda si lama filaan ah hoos ugu dhaceen.
Waxa uu ahaa hoos u dhicii ugu horreeyay tan iyo sanadkii 2011-kii.
Shirkaddan oo malaayiin qof ay ku biireen xilligii uu socday cudurka safmarka ah ee COVID-19 ayaa sheegtay in ay 700,000 oo macaamiil ah ku waysay markii ay adeeggeeda ka joojisay waddanka Ruushka.












