You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Toddoba arrimood oo cajiib ah oo ku saabsan Pele
Edison Arantes do Nascimentos, oo caalamka ciyaaruhu isku raacay inuu yahay Boqorka Kubadda Cagta, kuna magac dheer Pele ayaa ah ciyaartoyga kali ah ee saddex jeer ku guulaystay Koobka Aduunka goolal aad u badanna dhaliyey.
Pele oo toddobaadkii aan kasoo gudubnay geeriyooday ayaa ah mid ka mid ah magacyada ugu caansan ee kubadda cagta, waxaanay sheekooyinkiisu ay ahaayeen kuwa laga sheego caalamka 60-kii sano ee u dambeysay.
Haddaba inkastoo sheekooyinka Pele badanaa la qoray ama la sheegay, halkan waxaad ka akhrisataa toddobo waxyaabood oo ku saabsan boqorka kubadda cagta oo aan wax badan laga sheegin.
Ma ogtahay in garsoore shaqada looga saaray Pele dartiis?
Sannadku markuu ahaa 1968 kooxda kubadda cagta ee Brazil ayey ciyaar ku kulmeen dhiggooda Columbia, magaalada Bogota ee Columbia kulankaas oo ahaa mid saaxiibtinnimo oo ay isugu diyaarinayeen ciyaaraha olombikada.
Maaddaama oo kaarka cas aan markaas la isticmaali jirin, garsooraha ciyaarta Guillermo Velasquez, ayaa Pele ku amray inuu ka baxo garoonka ciyaarta maaddama uu riday mid ka mid ah ciyaartoyda reer Columbia.
Taageerayaasha kooxda Brazil ayaa si aad ah uga xanaaqay in laga saaro garoonka ciyaartoygooda aadka muhiimka u ah, sidoo kale daawadayaasha Columbia ee ayaguna u yimid inay daawadaan ciyaarta xiddiggan ayaa ka mudaharaaday bixinta Pele bannaanka loo saaray.
Intii muranka lagu jirya ayuu garsoorihii ciyaartu iska wareejiyey firimbiga kuna wareejiyey ku xigeenkiisa asigoo garoonka iskaga baxay. Pele ayaa markaas kadib loo oggolaaday inuu kusoo laabto garoonka ciyaartana way sii socotay.
Xabbad-joojin, si loo daawado pele
Sanadihii 1960-maadkii, kooxda Pele ee Santos ayaa ahayd mid ka mid ah kooxaha kubadda cagta ee ugu caansan caalamka, iyaga oo adduunka oo dhan ku safrayey si ay kulamo saaxiibtinnimo u ciyaaraan.
Mid ka mid ah ciyarahan waxay ahayd kulan ay kooxda Pele ku ciyaareysay dalka Nigéria, kulankan oo ay isku heleen koox kasoo jeedda dalka Benin halkaas oo ay gool labo iyo hal ah ku hanteen.
Dalka Nigeria Xilligaas wuxuu badhtamaha uga jiray dagaal sokeeye. Kooxda Pele ee Santos ayaa markaas muujisay walaac dhanka amnigooda ah saas darteed dhinacyadii is dagaalayey ayaa ku heshiiyey xabbad-joojin inay hirgasho ka hor inta aanay ciyaartu billaaban.
Dhinacyada dagaallamayey ayaa xaqiijiyey in ay dagaalka joojiyeen xabbadna aanay isku rideynin inta kulan ciyaareedka lagu guda jiro.
Waxaa la aaminsan yahy in sababta ugu weyn ee keentay in xabbad-joojintan ay dhacdo ay ahayd ka mid ahaanshaha Pele ee kooxda Santos oo halkaas ka ciyaareysay.
Maxaa Pele u diiday inuu u ciyaaro koox reer Yurub ah?
Dadka Pele dhaliila ayaa sheega in sababta uu Pele u noqday Boqorka Kubadda Cagta inay tahay in aanu waligii u ciyaarin koox reer Yurub ah.
Balse tani ma ahayn cillad dhanka Pele ka timid. Waxaa la sheegaa in Pele laga mamnuucay inuu ka ciyaaro Yurub xilliyadiisii ugu caansanaa.
Koxaha ayaa xilligaas aad uga taxadari jiray mustaqbalka ciyaartoyga, waxayna kooxda Pele ee Santos ku gacan saydhay codsiyo uga yimid kooxaha Real Madrid iyo AC Milan oo ay ku doonayeen inuu heshiis u saxiixo.
Cadaadiska ah in Pele uu Brazil oo kali ah u ciyaaro ayaa ka yimid dhanka dowladda Brazil. Sanadkii 1961-kii ayuu madaxweynihii xilligaas ee Brazil, Janio Quadros ku dhawaaqay in Pele uu yahay ‘’hanti qaran oo aan la dhoofin karin.”
Hase ahaatee Pele ayaa sanado kaddib fursad u helay in uu u ciyaaro kooxda Maraykanka ee New York Cosmos.
Markii Pele laga afduubtay garoonka ciyaarta dhexdiisa
Markii ciyaartoyda kooxda Santos ay aadeen dalka Kaaribiyaanka ku yaal ee Trinidad and Tobago si ay kulan ciyaareed halkaas ugu soo qaataan sanadkii 1972 kii, waxay u hiloobeen inay dalkooda kuso laabtaan waayo nabad kama jirin dalkaas.
Balse daqiiqaddi 43-aad ee ciyaarta, markii uu Pele dhaliyey gool, ayaa waxaa dhacay wax aan la filaynin kaddib markii daawadayaasha ay kuso xoomeen garoonka dhexdiisa farxad awgeed.
Ka dib waxay xambaareen Pele oo gool dhaliyey, waxayna ka saareen garoonka iyagoo waddada la aaday, halkaas oo ay ciyaarayeen iyaga oo tunka ku wada Pele farxad darteed.
Pele ayaa markii uu ka war helay in garoonka laga saaray kooxdiisana laga fogeeyay ayaa ka booday taageerayaashii dhabarka ku siday wuxuuna fuulay meel sare, dib ayuuna ugu laabtay garoonka.
Markii uu Pele filimka ku beddelay atooraha caanka ah ee Rambo ku magac dheeraa
Atooraha caanka ah ee Sylvester Stallone oo ku caan ah magaca Rambo oo qaar ka mid ah filimadiisa ugu caansanaa loogu yeeri jiray ayaa aad caan uga ahaa saaxadda filimada markii la duubay filimkiisii ‘’Escape To Victory’’ 1980-kii.
‘Escape to Victory’ wuxuu ahaa filim khiyaali ah oo ku saabsan kulan ciyaareed kubadda cagta oo dhex marayey koox Naasigii Jarmalka ah iyo maxaabiis dagaal oo u xiran Jarmalka dagaalkii labaad ee adduunka.
Filimka waxaa jilayey ciyaartoy caan ah sida Pele, Bobby Moore iyo Ossie Ardills iyo Sylvester Stallone oo gool haye ku jilayey.
Haddaba waxaa jirtay meel filimka ka mid ah oo Pele uu tuurayo darbada maqaska loo yaqaan, isku daygii u horreeyay markii xalqadan la duubay, waxaa la arkayey Pele oo ganaya darbadii maqaska ee loo baahnaa.
Sida Pele lagasoo xigtay, Sylvester Stallone ayaa qorshuhu ahaa in uu ka maqnaado filimka qaybtiisan balse ma aanu ka maqnaanin saas darteed waxaa la duubay Pele oo gool ku dhalinaya darbada maqaska.
Markii Pele uu gool hayaha ahaa
Pele wuxuu caan ku ahaa kartidiisa dhanka boosaska weerarka, balse wax badan lagama yaqaan ahaanshihiisa gool hayenimo…
Markii kooxdiisa ay ku qasbanayd inay baddasho hal ciyaartoy oo kali ah, Pele ayaa qaatay kaalinta gool hayenimo si ciyaartoy muhiim ahi usoo galo ciyaarta.
Wuxuu sidoo kale gool haye noqday afar jeer xilligiisii kooxda Santos, oo mid ka mid ah ay ahayd markii kooxdiisu ay gaadhay nus dhammaadka horyaalka Brazil. Pele ayaan dhalinin wax gool ah intii uu hayey kaalinta gool hayenimo.
Markii Pele uu u tartamay madaxweynanimo
Sanaddii 1990-kii Pele ayaa warbaahnta caalamka u sheegay inuu yahay musharax madaxweyne u taagan xilka madaxtinnimo ee dalkiisa Brazil.
Hase ahaatee sida uu sheegay, inkasta oo aan loo soo bandhigin musharax ahaan, wuxuu galay siyaasadda kana qayb qaatay. Wuxuu soo noqday wasiirka ciyaaraha laga billaabo 1995 ilaa 1998.
Xilligaas, wuxuu isku dayey inuu dhimo cadaadiska ciyaartoyda u diidayay inay u ciyaaraan kooxo ajaaniib ah iyo in uu sameeyo sharciyo u oggolaanaya ciyaartoyda inay go’aansadaan mustaqbalkooda.