Sidee ayay Soomaaliya ugu suuragashay in qof dambi ku eedeysan ay ka soo qabtaan dal kale?

Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SNTV

Boliiska Soomaaliya ayaa ku guuleystay in dalka ay dib ugu soo celiyaan nin ku eedeysnaa dil oo dalka ka baxsaday.

Booliska ayaa eedeysanahani ka soo xiray dalka Koofurta Sudan iyaga oo kaashanaya booliiska Koonfurta Sudan iyo booliiska caalmiga ah ee Interpol.

Eedeysanahani oo sida ay booliska sheegeen lagu magacaabo magacaabo Zakariye Cali Axmed Cosobow ayaa waxaa xalay laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe) oo BBC la hadlay ayaa sheegay in muddo dheer ay ku raadjoogeen edeysanahani.

Ninkan ayuu afhayeenka sheegay in sanadkii aanu soo dhaafnay uu dil u geystay sargaal ka tirsanaa booliiska.

"Waxaa uu dil ugu geystay degmada Deyniile sarkaal ka tirsanaa ciidanka booliiska oo la dhihi jiray Cali Xasan siyaad 28 bishii July 2022, marka in uu dil bareer ah u geystay sargaalkaas ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed sidaa-na uu ku baxsaday ayuu ku eedeysan yahay" ayuu yir Mr Doodishe.

Sidee ku suuragashay in la soo qabto?

Afhayeenka booliiska Sadiiq Aaden Cali (Doodishe)

Xigashada Sawirka, SNTV

Qoraalka sawirka, Afhayeenka booliiska Soomaaliya Sadiiq Aaden Cali (Doodishe)

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe) ayaa sheegay in booliiska caalamiga ah ee Interpol ay gacan ka geysteen sidii loo soo qaban lahaa ninkani uu sheegay in uu dilka geystay sanadkii aanu soo dhaafnay.

Waxaa uu farta ku fiiqay in muddo dheer ay dabagal ku hayeen ninkan islamarkana ay sidoo kale gacan ka geysteen booliiska dalka Koonfurta Sudan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Dabagal iyo raad-raac dheer ayaa la soo ogaaday in uu in eedeysanuhu uu ku sugan yahay dalka Koonfurta Sudan halkaas-na uu baxsad ku ahaa," ayuu yiri afhayeenka booliiska.

Mr sadiiq ayaa sheegay in xeer ilaalinta ciidamada qalabka side ay xiriir la sameeyeen waaxda arrimaha dibadda ee booliiska ka dib-na lala wadaagay booliiska caalamiga ah ee Interpol.

"Xeer ilaalinta maxkamada ciidamada qalabka sida iyo taliska booliiska Soomaaliyeed oo eedeeyay ayaa la wadaagay hoggaanka arrimaha dibadda ee interpol oo isaga la shaqeeya booliis waynaha aduunka ee Interpol islamarkana ah kanaalka isku xira booliiska caalamiga ah ee interpol iyo booliiska Soomaaliyeed , halkaas ayaa warqadda lagu soo xirayo ay maxkamadda ciidanka qalabka sida soo jartay sidaa ayaa lagu soo qabtay eedeysanaha" ayuu yir Mr Doodishe.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe) oo aan wax ka waydiinay in ay jiraan dad dambiyo geystay oo gudaha dalka ku baxsaday oo ay soo qabteen ayaa sheegay in ay jiraan kiisas badan oo ay ku guuleysteen oo dad dambiyo loo haystay lagu soo qabtay.

"Waxaa jira eedeysanayaal fal-dambiyeed ka geystay magaalada Muqdisho oo gobolada dalka u baxsaday oo laga soo qabtay, sidoo kale waxaa jira dad inta ay gobolada dalka dambiyo ka galaan muqdisho yimaada ayaa jira kuwaasi oo aanu qabano oo dowladaha dowladda dhexe xubnaha ka ah ku wareejinay ayaa jira" ayuu intaa ku daray.

Muxuu yahay booliiska caalamiga ah ee Interpol?

Interpol

Xigashada Sawirka, interpol

Hay'adda booliska caalamiga ah ee dambiya adduunka ayaa magaalada Vienna ee dalka Austria lagu aasaasay sannadkii 1923-kii, waddamadii ugu horreeyay ee xubnaha ka ahaana waxaa ka mid ahaa Jarmalka, Faransiiska iyo Shiinaha.

Dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa goor dambe ku biiray.

Sannadkii 1956-kii ayuu si rasmi ah magaceeda u noqday Interpol waxaana markaas ka dib xubno ka noqday ilaa 194 waddan.

Ujeeddada ugu weyn ee Interpol waa iney wada shaqeyn la yeeshaan macluumaadkana la wadaagaan booliska dhammaan dalalka xubnaha ka ah.

Waxaa imika xubin ka ah booliiska caalamiga ah ee Interpol 195 wadan.

Madaxa booliiska caalamiga ah ee INTERPOL ayaa waxa hadda ah Major General Ahmed Naser Al-Raisi, oo u dhashay dalka Imaaraadka.