Ra'iisul wasaare Xamse ma ahane madaxda kale ee caalamka ee fagaare ka ilmeeyay

Baraha bulshada waxaa lagu baahiyay muuqaal raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo shalay ka hadlayay munaasabad lagu qabtay Muqdisho laguna xusayay maalinta haweenka ee sideeda Maarso . Xamse Cabdi Barre ayaa ilmada ceshan waayay mar uu ka hadlayay duruufihii ay la soo martay hooyadii oo geeriyootay.

Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay in aabbihii geeriyooday markii uu dhashay isla markaana hooyadii ku soo korisay nolal qurux badan.

Warbaahinta gudaha iyo baraha bulshada ayaa muuqaalka uu ilmeynayo aad loogu baahiyay.

waxaan soo qaadannay qaar ka mid ah madaxda kale ee caalamka kuwooda ugu awoodda badan oo meel fagaare ah ka ooyey, waxaana ka mid ah;

Vladimir Putin

Waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay ragga ugu qalbiga adag aduunka, waligiisna indhihiisa illin laguma arag, balse waxaa jirta maalin uu ooyay.

Waxa ay ahayd 24-tii bishii sanadkii 2000, xiligaas oo uu wax yar uu xilka hayay, waxayna ahayd aaskii loo sameeyay Anatoly Sobchak.

Wuxuu ninkani ka mid ahaa dadkii soo afjaray midoowgii Soviey ee shuuciga ahaa, waxayna aad saaxiibo u ahaayeen Vladamir Putin.

Waxa uu aad usoo gacan qabtay Putin isaga oo markaas ahaa sargaal darajadiisa ay hooseyso oo ka mid ah hay'addii sirdoonka Ruushka ee KGB, wuxuuna siiyay shaqadii ugu horeysay ee siyaasadeed.

Markii la joogay aaskiisa, Putin waa uu ooyay, ogoowna Putin ma ahan nin jili kara waxa uu samaynayo, mana ahan qof soo bandhiga shucuurtiisa meel fagaaro ah.

Waxaa markaas la is weeydiinayaa in uu la ooyay baroordiiq ama in uu dareemayay in uu dambi weyn ka galay saaxiibkiis soo gacan qabtay?.

Waxaa jira fikrada badan oo sheegaya in Sobchak la dilay, loona dilay sababo la xiriira Putin, balse waa uun shaki.

Narendra Modi

Rysala wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi wuxuu hogaanka u hayaa mid ka mid ah waddamada aduunka ugu awoodda badan marka la eego dhanka, dhaqaalaha, tirada dadka, baaxadda dhuleed ee dalkiisa iyo awoodda ciidan oo ka dhigaysa mid ka mid ah toban waddan ee ugu quwadda weyn caalamka waxaanu dalkani ku hubeysan yahay hubka Nukleerka.

Hadaba raysal wasaaraha dalka Hindiya ayaa mar uu la hadlayay dadkiisa kana hadlayay dhibaatada Covid-19 sanadkii 2021-kii waxaa uu xajin waayay ilmada maadama xilligaas dalkiisu wajahay mid ka mid ah xilliyadii ugu adkaa ee uu sababay cudrkani iayada oo dalkan oo aad u dad badan ay dhimashadiisu badatay. Balse markan oo kali ah ma aanu ooyin Modi, waxay warbaahinta Hindiya warineysaa in oo sidoo kale ooyay shucuur badanna muujiyey ka dib markii ay hooyadii geeriyootay bishii Diseembar ee sannadkii 2022.

Barack Obama

Madaxweynihii hore ee dadlka Maraykanka Barack Obama oo laba jeer xilka dalkaas ugu sarreeya soo qabtay ayaa asna ilmeeyay xilli uu ka hadlayay weerar ka dhacay magaalada Newtown ee dalkaas oo ay ku dhinteen 20 carruur ah, sanadkii 2012 -kii.

"Mar kasta oo aan ka fikiro carruurtaas, waan caroodaa," Obama ayaa yiri sidaa iyadoo ilmadu ay ka daadanayso idnhihiisa. "Obama ayaa xilligaas wuxuu khudbad ka jeedinayay Aqalka Cad, taasi oo uu ku soo bandhigay waxqabadkiisa isagoo sheegay markaa inuu wax ka qaban doono rabshadaha

Kim Jong Un

Waxaa laga yaabaa inay dad badan qadan waayaan in uu ooyay madaxweynahan an aan jixinxin ee quwadda nukleerka haysta balse hogaamiyaha kuuriyda waqooyi Kim Jong Un ayaa isana ilmeeyay xilli uu ka qayb glayay aaska aabihii oo ahaa hoggaamiyihii hore ee kuuriyada waqooyi Kim Jong-il, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Isla markii uu geeriyooday aabihii Kim waxaan lagu amaanay in uu yahay hoggaamiyihii aabihii ku xigi lahaa iyadoona loo magacaabay madaxa xibiga ee gobalka iyo ciidamada mudo labo todobaad gudahood ah geeridii aabihii kadib.