Xarardheere: Maxaad ka taqaannaa magaalada muhiimka u ahayd Al-Shabaab ee maanta lagala wareegay?

Xigashada Sawirka, AFP
- Author, Abdikadir Yussuf Ali
- Role, Multimedia Broadcast Journalist
Ciidamada gaarka ah ee milatariga Soomaaliya ayaa maanta galay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, iyagoon wax iska caabbin ah kala kulmin ururka Al-Shabaab oo horey gacanta ugu hayay degmadaasi.
Isla saaka ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee milatariga Soomaaliya ayaa qabsaday tuulada Galcad ee bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay maamulayeen ururka Al-Shabbaab muddo dheer.
Xarardheere ayaa la sheegay inay ahayd degmada keliya ee gobolkaasi gacanta kaga hayeen kooxda.
Al-Shabaab ayaa Xarardheere waxay qabsadeen sannadkii 2010-kii markaas ka hor waxaa gacanta ku hayay kooxihii burcadda badeedka ee xeebaha Soomaaliya iyo badweynta ka fogba maraakiibta ka afduuban jiray.

Xigashada Sawirka, AFP
Tan iyo markii ay kala wareegeen burcad badeedka, ururka Al-shabaab ayaa maamulayay magaalada oo muhiin ahayd, hase yeeshee maanta ayaa si buuxda loogala wareegay, sida uu xaqiijiyay wasiirka amniga ee maamul goboleedka Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe.
Wasiirka ayaa BBC-da u sheegay in dadka qaar ay magaalada isaga qaxeen iyagoo ka cabsi qaba inuu dagal ka dhaco halka kuwa kalana ay weli gudaha magaalada ku sugan yihiin.
Wuxuu sidoo kale BBC-da u sheegay in ciidamada dowladda ee la wareegay magaalada ay magaalada dhinac ka dageen si ay baaritaan dheeraad ugu sameeyaan khataraha ka dhici kara, sida miino-baaris maaddaama Al-shabaab ay muddo 10 sano ka badan maamulayeen.
Waxa uu sheegay in ciidamada ay ku raad joogaan xoogaggii Al-shabaab oo la aaminsan yahay in saacado ka hor ay magaalada isaga baxeen.
Muhiimad intee la’eg ayay lshabaab u lahayd magaalada Xarardheere?
Wararka ayaa waxay sheegayaan in degamada Xarardheere ay ka mid ahayd meelaha ay Al-Shabaab si weyn uga qorato dhalinyarada ay dagaalka geliso.
Dadka qaar ayaa waxay sidoo kale aaminsan yihiin in xeebta u dhow ee magaalada ay kala soo degi jireen hubka iyadoo gobollada kale ay halkaas uga gudbin jirtay.
Wasiir Maxamed ayaa sidoo kale yiri: “Xarardheere waxay ahayd magaalo istaraatiji u ah Al-Shabaab oo hubka iyo badeecadaha kale uga soo degi jireen iyo xitaa dadka ajinabiga ah ama xubnaha ka tirsan ee aadadaya Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ay isticmaali jireen.”
Waa magaalo sidee ah?

Xigashada Sawirka, Twitter
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Barafasoor Axmed Salaad Kulmiye oo macallin ka ah jaamacad ku taalla Dhuusamareeb, deegaankaasna ka soo jeeda ayaa BBC-da u warramay.
“Xarardheere waxay kow ka tahay magaalooyinka ugu qaddiimisan Galmudug, iyada iyo Hobyo. Dadka meesha degganna waxay u badan yihiin dad noloshooda ay ku tiirsan tahay xoolaha, beeraha iyo kalluumeysiga,” ayuu BBC-da u sheegay Prof Axmed Salaad Kulmiye.
Waxa uu sidoo kale BBC-da u sheegay in dagaallada Soomaaliya ka dhacayay ay ku yaraayeen oo inta badan ay ahayd meel iska xasilloon marka laga reebo isku dhacdyo la xiriira daaqsinta oo u dhaxeeyo xoola-dhaqatada.
Maxaa isbaddal ahoo magaalada ku yimid 15-kii sano ee ay Al-shabaab haysteen degmada Xarardheere?
Barafasoor Axmed Salaad Kulmiye oo ka jawaabaya su’aashaa ayaa sheegay in muddadaas ay dad badan oo degganaa magaalada oo hanti iyo kheyraad kale ku haysteen ay isaga haajireen kuwaas oo qaar Xamar u qaxay qaarna ay deegaannada kale ee Galgaduud u qaxeen.
“Sababta ugu weyn waxay ahayd in markii ay dhowr sano joogeen ay bilaabeen in dadka ay ku qasbaan afkaartooda, sida waxbarashada carruurta qofka diidana ay dhibaato u geystaan marka taas waxay horseedday in dadka ay ka cararaan oo magaalada ay qaxooti isku baddasho.”
Ka bixitaanka Xarardheere iyo magaalooyinka kale ee Galgaduud, xaggee ayay Al-shabaab u aadi karaan?
“Inta badan waxay ku xiran tahay qorshohooda balse waxay ila tahay in nimankaasi dagaalka hadda ay ku jiraan uu yahay dagaalka shabeelka oo kale, sababtoo ah shabeelku marka uu dagaallamayo istaraatijyadaha uu isticmaalo waxaa ka mid ah in meel dhir leh iyo geedo waaweyn oo uu ku dhuunto oo uu ka soo boodo marka uu rabo ayuu galaa, marka hadda dagaal weyn oo ciidamo jiidda hore ka dagaalamo ay ku lug leeyihiin ma aha dagaalkooda ee waa dagaal qaab shabeeleed ah, sidaa darteed waxay ila tahay in dhulka hawdka leh ay galayaan oo ka dhigayaan baraha ay ka soo dhaqaaqayaan,” ayuu yiri Axmed Salaad.













