Dowladda Soomaaliya oo ka qayla dhaamisay khayraadkii dalka oo la dal-dalanayo

Xigashada Sawirka, Google
- Author, Hassan Sheikh Omar
- Role, Wariye BBC
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkado ajaanib ah iyo kuwo maxalli ah ay ku howllanyihiin dal-dalashada qaybo ka mid ah khayraadka dalka Soomaaliya si gaar ah Macdanta dalka.
Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegtay in siyaabo sharci darro ah loo qaadanayo khayraadka taasoo ay hadda uga digayaan ajaanibta iyo muwaadiniintaba.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamad, ayaa muujiyay in muddooyinkii la soo dhaafay ay soo badanayeen shirkadaha iyo shaqsiyaadka ku howllan arrintaan.
"Wax aan indhaha laga qarsan karin ayaa dalka qaybo ka mid ah ka socda oo khayraadkii dadka iyo dalku lahaa ayaa la dal-dalnayaa iyadoo loo marayo dad wax magarata ah," ayuu yiri wasiir Daahir.
Wuxuu sheegay in dowladda federaalku ay dalka mas'uul uga tahay arrimaha ku saabsan khayraadka dalka, isla markaana ay iyada oo kaliya fasixi karto maaama sidaa sharcigu oronayo.
Wuxuu intaa ku daray wasiirku in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin la soo bixista khayraadka dalkooda hase-yeeshee ay tahay in qudhoodu ay hab sharci ah u maraan.
Deegaannada Macdan qodista sharci darrada ah ay ka jirto.

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, Soomaaliya
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda Federaalka, Daahir Shire Maxamad, ayaa tilmaamay deegaanno dhowr ah oo uu ku sheegay in ay yihiin goobaha ugu darran ee sida sharci darrada ah looga sameyo Macdan qodis aan indhaha laga qarsan karin.
"Shirakado ajaanib ah iyo kuwo muwaadiniin ah ayaa maalmahaan ku soo badanayay gudaha Soomaaliya, khaasatan gobollada Waqooyi bari, waqooyi galbeed, Awdal iyo Bari, xaqiiqatan wax indhaha laga qarsan karo maaha", ayuu yiri Daahir Shire.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiir Daahir ayaa qiray in Macdan qodistu meelaha qaar shaqo abuur u noqotay bulshada, taana aaney diidaneyn, balse ay jiraan dad kale oo ku soo hoos dhuumanaya muwaadiniinta xoogooda wax kula soo baxaya, isagoo xusay in dhaqaalaha laga sameyo khayraadka dabiiciga ah ay dadka qaar u adeegsan karaan khal-khal gelinta amniga dalka.
BBC-da ayaa waydiisay wasiirka wax ay dowladdiisu ka qaban karto maadama shirkadaha iyo shaqsiyaadka uu xusay ay dhici karto in ay la macaamilaan qaar ka mid ah maamullada dalka ka jira: -"Wuxuu ku jawaabay, Wax badan ayaan ka qaba karnaa macdanta Soomaaliya dalka laga soo saaraa ee dalka laguma dhex iibiyo, waxaana ka qaban karnaa in sifo sharci ah aan ku dabagalno,".
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wasiir Daahir wuxuu sheegay in dalku uu federaal yahay isla markaana dastuurka ku meel-gaarka ah ay ku caddahay sida khayraadka loo qaybsanayo , hase yeeshee haddii aan loo marin hannaanka sharcigu ogolyahay waxaa uu carrabka ku adkeyay in howshu noqon karto ooddaa rogan oo cid walbaa sida ay rabto u wajahayso.

Xigashada Sawirka, Social Media /BBC
,Dhaqaalaha laga sameyay khayraadka sharci darrada ah,
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamad ayaa ku celceliyay in dowladda Soomaaliya aaney marnaba diidaneyn in khayraadka dalka lala soo baxo, balse ay mar walba diiddanyihiin habka sharci darrada ah ee uu ku eedeyay shirkado gudaha iyo dibaddaba ah.
Wuxuu sheegay in dhaqaale fara badan laga sameyay khayraadka sida aan waafaqsaneyn sharciga loo guranayo, kaasoo warbixinnadii ugu dambeyay ay ku sheegeen in ka badan saddex boqol oo milyan oo doollar.
Wasiir Daahir ayaa intaa raaciyay in ay sidoo kale hayaan warbixinno kale oo sheegaya in dhaqaale intaas ka badan laga sameyo macdan qodista Soomaaliya iyo si guud gurashada qaybo ka mid ah khayraadka dabiiciga ah.
Daahir Shire Maxamad, ayaa sheegay dowladdu ay wax ka qaban doonto arrintaan isla markaana waxaa uu rajo ka muujiyay in digniinta ay soo saareen ay wax ka badesho arrimahaan. "Waxaan rajeynaynaa hadddii caqli fiyow lagu aqriyo waxa aan soo saarnay oo ay gaarto cid walba oo ku lug laheyd warkaan aan soo saarnay in ay ka waantoobi doonaan ayna u soo mari karaan dariiqa saxda ah ee ay ku xalaaleysan karaan," ayuu yiri wasiirku.













