Dhegeyso: Dad loo soo xiray dhacdadii argagaxa lahayd ee Wanlaweyn

Qoraalka Codka, Arrintan ayaa qabsatay baraha bulshada Soomaalida
Dhegeyso: Dad loo soo xiray dhacdadii argagaxa lahayd ee Wanlaweyn

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in seddex nin loo soo xiray dhacdadii argagaxa lahayd ee dhawaantan ka dhacday duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo nin dhimirka ka xanuusanaya inta la dilay, meydkiisa la gubay.

Isla gobolka Shabeellaha Hoose deegaanka Yaaq Bari Weyne waxaa shalay lagu dilay 5 qof, kadib markii miliishiyo hubeysan ay weerareen ceel biyood ku yaalla halkaasi.

Lifaaqa kore ka dhegeyso faahfaahinta wararkaas oo uu Muqdisho ka soo diray weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan.