Dr Fartuun: Sheekada dhaqtaradda ragga timaha u beerta iyo caqabadaha ay la kulanto

    • Author, Issak Malin
    • Role, Wariye

Drs Fartuun Xasan Maxamed waa dhaqtarad ragga timaha ugu beerta magaalada Muqdisho, waxa ayna BBC-da u sheegtay in ay tahay haweeneyda kaliya ee tinta beerta marka laga soo tago in ay jiraan haween caawiyeyaal u ah dhaqaatiirta tima beerista ee gudaha Soomaaliya.

Xirfadda tima beerista ayay ku dhalatay in ay bilowdo sanadkii 2016 kadib markii ay ka soo laabatay waxbarasho ay ugu maqneyd dalka dibadiisa xilligaas oo ay la howlgashay dhaqaatiir Turki ah oo Muqdisho u yimid olole timo beeris ah, markii ay in muddo ah la shaqeysay ayay aragtay baahida loo qabo timo beerista, waxa ayna dabayaaqadii 2018 Muqdisho ka furatay xarun loogu magacdaray ‘Infinity hair and skin care’.

Dhaqtaradda oo markeedii hore baratay culuum la xiriirta caafimaadka ayaa kadib markii ay aragtay baahida ka taagan dhanka timo beerista, waxa ay bilowday barashada beerista iyo daaweynta timaha.

Kiiskii ugu horeeyay ee timo beeris ayay sameysay bishii Novembar 2021, iyadoona u sameysay mid kamid ah dhaqaatiirta ragga ah ee ka howlgala Muqdisho, ‘’dhaqtarkan ayaa markii ugu horeysay madaxiisa igu aaminay si aan tin ugu beero, waxa aana ka qaaday dhiirranaan,’’ ayay tiri Drs Fartuun.

Dhaqtaradda ayaa sharaxaad ka bixisay noocyada bidaarta timaha, waxa ayna sheegtay in bidaartu u muuqato qaabab kala duwan oo ay kamid yihiin in dadka qaar ay ka gasho ‘Salxaha ama heeryada’ oo ah qeybta dhafoorrada wajiga, halkaas oo ay timuhu dib uga sikadaan, dadka qaar ayay bidaartu ka gashaa qeybta hore ee timaha ama fooda tinta, dadka qaar ayay sidoo kale ka gashaa qeybta dhexe ee madaxa, halka dadka qaarna gabi ahaan tintu ka tagto, sida ay dhaqtaradda sharaxday.

Caqabadihii ay la kulantay markii ay bilowday timo beerista

Inkasta oo ay dhaqtarad Fartuun muddo hore ku soo biirtay barashada iyo ku shaqeynta xirfadda tima beerista balse waxaa jirta caqabado ay leeyihiin marka uu qofku shaqo cusub bilaabo kuwaas oo ay kamid yihiin sida ay bulshada kuugu soo xirmi lahaayeen.

Waxaa kale oo caqabad ku noqday xiligii ay furatay goobta caafimaadka timaha in dadku ay ku dhahaan sidee adiga oo Soomaali ah timo u beereysaa, iyadoona waqtigaas dadku ay dibadda u aadi jireen timo beeris gaar ahaan dalka Turkiga oo ahaa meesha ugu badan ee ay Soomaalidu tageen.

Dhaqtarad Fartuun ayaa sidoo kale ka dhawaajisay mid kamid ah hadaladii ay kala kulantay bulshada, ‘’Ragu waxa ay isku qurxiyaan waa dumar, marka adigoo gabar ah sidee ayay suurtagal ku tahay in nin ku soo hor istaago oo timo u beertid,’’ ayay tiri dhaqtaradda.

Kadib markii ay dhowr rag ah timo beeris u sameysay ayay maalin maal maha kamid ah la kulantay nin dhlinyaro ah kaas oo bidaar lahaa, waxa ayna u sheegtay in ay tahay dhaqtarad timo beeris ayna fulisay qaliimo guuleystay, balse uu ku kalsoonaan waayay muddo kadibna uu la kulmay wiil ay saaxiibo ahaayeen oo ay dhaqtaradani timaha u beertay, markii ay iswarsadeen oo uu ogaaday in dhaqtarad Fartuun ay saaxiibkiis tinta u beertay ayuu la xiriiray sidaas ayayna isna tinta ugu beertay inkasta oo markii hore uu ku kalsoonaan waayay.

Muddo intee la eg ayay qaadataa timo beerista?

Dhaqtarad Fartuun ayaa sheegtay in ay kala duwan yihiin waqtiga timo beerista ayna ku xirantahay hadba qofka tinta loo beerayo iyo inta uu madaxiisu banaanyahay, iyadoona xustay in howsha ay qaadan karto ugu yaraan lix saacadood, iyo in kaadan oo ku xiran hadba shaqada la qabanayo.

Waxa aan dhaqtaradda wax ka weydiinay xaaladda uu qofka ku sugnaanayo muddada loo beerayo timaha, iyadoona sheegtay in laba qaab loo kala qeybiyo, marka tinta laga soo siibayo qeybta danbe ee madaxa oo ah jeegada iyo marka tinta lagalinayo ama lagu beerayo oo ah halka ay bidaarta ka jirtay, waxa ay intaa hadalka ku dartay in marka timaha la soo qaadayo ama lagu beerayo madaxa qofka lagu duro cirbad kabaabyo ah si qofka uusan xanuun u dareemin inta howshu socoto.

Waxa ay sidoo kale soo hadal qaaday in inta ay socoto howsha tima beerista uu qofku ku jiro xaalad caadi ah oo wax kasta kala ogyahay sidoo kalena uu taleefankiisa isticmaali karo ama dadka la macaamili karo.

Maxaa ka jira in tima beerista ay ragannimada wax u dhibto?

Dhaqtarad Fartuun oo aan su’aashaan hordhignay ayaa sheegtay in weydiimaha ugu badan oo ay la kulanto ay yihiin amay tarankeyga iyo ragannimadeyda wax u dhintaa, iyadoona waqti badan ku bixisa sharaxaada arinkaan iyo in qof walba ay ku qanciso in aysan jirin daawo ama wax cilad ku keenaya oo uga imaanaya qofka in uu timaha beerto.

Waxa ayna arinkaan ku tilmaamtay been abuur ay bulshada isla dhaxmareen, ‘’Ma jirto qof tinta loo beeray oo ma dhaleys noqday lamana arkin,’’ ayay tiri Drs Fartuun.

Cabsida ku saabsan in tima beerista ay raganimada wax u dhibto ayaa ka timid maado kamid ah kuwa loo isticmaalo in timaha lagu soo saaro, taas oo dadka qaar ay ku tilmaameen mid hoos u dhigta hamiga, sidaas ayayna dadka ku tilmaameen in tima beeristuna hoos u dhigi karto raganimada sida ay dhaqtaradda sheegtay.

Dhaqtaradda ayaa ka digtay in dadka ay isticmaalaan saliidaha loo isticmaalo soo saarista tinta kuwaas oo aan ahayn kuwo ay inta badan dhaqaatiirtu qoraan, waxa ayna ku talisay in qofka uu la xiriiro dhaqaatiirta ay ay uga hubiyaan saameynta uga imaan karta caafimaad ahaan.