Dagaalka Israa'iil iyo Iiraan: Trump oo kala dooranaya saddex arrimood

Hadallada Madaxweyne Trump ee ku aaddan xiisadda ka dhex aloonsan Israa'iil iyo Iiraan ayaa ahaa kuwo is bedbeddlaya oo aanay si cad uga muuqan taageero ama diidmo uu ka muujiyay duqaymaha Israa'iil.

Waxa uu ku soo beegmay xilli ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weerarrada ay "si buuxda" ula socdeen Maraykanka.

Haddaba, maxay yihiin xulashooyinkiisa hadda hor yaalla madaxweyne Trump?

1. Garab-is-taag uu u muujiyo Israa'iil

Kaddib markii ay dhawaan ay bilowdeen weerarrada Israa'iil iyo Iiraan, madaxweynaha Maraykanka ayaa hoggaamiyayaasha Iiraan ugu hanjabay in xulafadiisa Israa'iil oo hubka Maraykanka ku hubaysan ay qaadi doonto weerraro kuwan ka halis badan.

Ujeedka ugu dambeeya ee Trump waa mid cad. Ma rabo in Iiraan ay yeelato hub nukliyeer ah ah. Laakiin si ka duwan Netanyahu, waxa uu Trump rabaa in Iiraan lagu joojin karo heshiis ay wada gaadhaan Maraykanka iyo Iiraan.

Ha se ahaatee, Trump laftiisu kuma dhiirran in uu si toos ah u abbaaro waddada lagu gaadhayo yoolkaasi. Laba mar ayaa uu ka hadlay laba arrimood oo lid isku ah oo ah xoog iyo diblumaasiyad.

Mararka qaybtood Trump waxa ay taageerayaashiisa u sifeeyaan nin ku dhaqma siyaasadda "siyaasadda ninka waalan" marka ay timaaddo arrimaha dibadda. Qorshahan waxa algu sheegay tallaabo aan la saadaalin karin oo la mid ah tii uu qaaday Madaxweyne Nixon xilliyadii lagu jiray dagaalkii qaboobaa.

Netanyahu ayaa si joogta uga riixa Trump in uu qaab militari kula dhaqmo Iiraan halkii uu ka sii wadi lahaa dadaallada diblomaasiyadda. Inkasta oo Trump uu inta badan ka hadlo in uu doonayo in uu ku guuleysto abaalmarinta nabadda ee Nobel, waxaa laga yaabaa in uu ugu dambaynta dareemo cadaadis ah in uu raaco hanjabaadiisa gardarrada ah ee ka dhanka ah hoggaamiyeyaasha Iiraan.

2. In uu dhexdhexaad uu ka noqdo waxa socda

Ilaa hadda, waxa la og yahay in madaxweyne Trump uu sheegay in aanu qayb ka ahyan weerarka Israa'iil ay ku qaadday Iiraan. Tallaabo uu qaado waxa ay noqon kartaa mid halista sii kordhisa iyo dhacdo madaxweyne ahaan lagu xasuusan doono.

Xilligan la joogo maraakiibta Maraykanka iyo gantaalladiisuba waxa ay caawinayaan Israa'iil si looga difaaco weerarrada kaga imanaya dhinaca Iiraan.

Netanyahu wuxuu hadda sheeganayaa in la beegsado Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ali Khamenei, ay dagaalka soo afjari karto halkii ay sii hurin lahayd.

Laakiin, sarkaal Mareykan ah oo aan magaciisa la shaacin ayaa u sheegay warbaahinta usbuucii tegay in Trump uu si cad uga soo horjeestay fikraddaas.

3. Dhagaysiga taageerayaashiisa

Mid ka mid ah waxyaabaha uu Trump si weyn uga fikiraayo waa taageerada dadka gudaha Mareykanka, gaar ahaan taageerayaashiisa.

Inta badan xildhibaanada Jamhuuriga ee Congress-ka weli si adag ayay u taageeraan Israa'iil, waxayna rabaan in Maraykanku sii wado bixinta hubka ee la siiyo Israa'iil. Qaar badan waxay si cad u taageereen weerarrada ay ku qaadday Iiraan.

Laakiin codad muhiim ah oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa la yidhaahdo Make America Great Again (MAGA) ee Trump ayaa hadda si cad uga soo horjeestay taageerada xooggan ee Mareykanka u hayo Israa'iil.

Maalmihii la soo dhaafay, qaar ka mid ah taageerayaasha MAGA waxay is weyddiiyeen sababta Maraykanku uu khatar ugu galayo in uu ku lug yeesho dagaal kale oo Bariga Dhexe ah—iyagoo xasuusinaya ballanqaadkii Trump ee ah "America First."

Saxafiga taageersan Trump ee la yidhaahdo Tucker Carlson, ayaa Jimcihii si kulul u weeraray maamulka, isagoo sheegay in sheegashada ah in Maraykanku aanu ku lug lahayn aanay ahayn mid run ah. Waxa uu ku taliyay in Mareykanku "ka hadho Israa'iil".

Wuxuu sidoo kale sheegay in Netanyahu iyo dawladdiisa ay yihiin kuwo "dagaal jecel" islamarkaana ay doonayaan in ay askarta Maraykanka ku jiidaan dagaal ay iyagu wadaan.

Carlson wuxuu qoray: "Ka qaybgalka dagaalkan waxay la mid noqon lahayd in wejiga laga gubo malaayiinta qof ee codkooda u dhiibtay in la helo dowlad Mareykanka horey u dhigta."

Sidoo kale, wakiilka Mareykanka ee daacadda u ah Trump, Marjorie Taylor Greene, ayaa ku qortay X (hore Twitter) sidan: "Qof kasta oo si xad dhaaf ah u doonaya in Maraykanku si buuxda ugu lug yeesho dagaalka Israa'iil/Iiraan ma aha mid taageersan America First/MAGA."

Tani waa mid dhibaato weyn ku haysa Trump.

Waxay cadaadis ku saaraysaa in uu ka fogaado in Mareykanku si toos ah ugu lug yeesho weerarrada Israa'iil. Ilaa hadda, waxay u muuqataa in uu sidaas ku dhaqmayo si dadweynaha loogu muujiyo.

Dooddii MAGA ee usbuucii dhammaaday, Trump ayaa baraha bulshada ku qoray in uu la qaatay Ra'iisul Wasaaraha Ruushka Putin fikirka ah in dagaalka la joojiyo. Axaddii, wuxuu yidhi Iiraan iyo Israa'iil waa in ay heshiis sameeyaan, wuxuuna intaa ku daray: "Maraykanku wax lug ah kuma laha weerarkii Iiraan."

Sawirro dayax-gacmeed ayaa muujinaya burbur ka dhacay goobaha gantaallada Iiraan. Iiraan hore ayay ugu hanjabtay in ay weerari doonto saldhigyada Maraykanka ee gobolka haddii Washington sii waddo caawinta difaaca Israa'iil.

Haddii askarta Mareykanka waxyeello soo gaarto, doodda MAGA ee ka soo horjeedda in Mareykanku ku lug yeesho dagaalada dibadda ayaa xoogaysan doonta. Tani waxay cadaadis dheeri ah saaraysa Trump in uu dib uga laabto dagaalka oo uu ku boorriyo Netanyahu in uu si dhaqso ah u joojiyo weerarrada.