Waxa ilaa hadda laga ogyahay dembigii ugu weynaa xatooyada dahabka ee ka yaabiyey Faransiiska iyo dunida

Laba ka mid ah alaabta la xaday - oo ay ku jiraan Empress Eugenie's Crown (midig sare) - ayaa markii dambe laga helay meel u dhow madxafka

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Image

Qoraalka sawirka, Laba ka mid ah alaabta la xaday - oo ay ku jiraan Empress Eugenie's Crown (midig sare) - ayaa markii dambe laga helay meel u dhow matxafka

Matxafka Louvre ee Paris ayaa wali xiran, halka booliisku ay baarayaan weerar lala beegsaday dahabka qaaliga ah ee Faransiiska.

Tuugada oo sidatay qalab koronto ah ayaa maalin cad soo galay madxafka loogu booqashada badan yahay caalamka, ka hor inta aysan ku baxsan mootooyinka loo yaqaan scooters oo ay kula baxasadeen dahab aad u qiimo badan.

Haddaba maxaynu ka ognahay dembiga ka yaabiyay Faransiiska

Sidee ku dhacday xatooyada?

Dhacan tuganamida ah ayaa dhacay Axaddii intii u dhaxaysay 09:30 iyo 09:40 wakhtiga maxaliga, wax yar ka dib markii matxafka loo furay dadka booqanaya

Xigashada Sawirka, Alamy

Dhacan bareerka ah ayaa dhacay Axaddii intii u dhaxaysay 09:30 iyo 09:40 wakhtiga maxaliga, wax yar ka dib markii matxafka loo furay dadka booqanaya.

Afar tuug ayaa adeegsatay gaari ku rakiban wiishka farsamada si ay ugu galaan Galerie d'Apollon (Gallery of Apollo) iyaga oo sii maraya balakoon u dhaw wabiga Seine.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay jaranjaro baabuur ku rakiban oo kor u sii kacaysa daaqadda dabaqa koowaad.

Laba ka mid ah tuugada ayaa ka jabiyay muraayadaha gaar ahaana muraayadaha ay ku rakiban yihiin saxan batari ku shaqeeya, waxayna galeen matxafka.

Kadibna waxay u hanjabeen ilaaladii, kuwaas oo ka baxay goobta, waxayna ka xadeen agabka dahabka ah oo ku jiray laba sanduuq oo muraayado ah.

Warbixin horudhac ah ayaa daaha ka qaaday in mid ka mid ah saddexda qol ee ku yaalla agagaarka matxafka ee la weeraray aanay lahayn kamaradaha CCTV, sida ay sheegtay warbaahinta Faransiiska.

Tani waa dhacdo "aad u xanuun badan" dalka Faransiiska, ayay tiri Natalie Goulet, oo ah xubin ka tirsan guddiga dhaqaalaha ee Senate-ka Faransiiska

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tuugada ayaa soo gaaray daaqada dabaqa koowaad ah waxayna gooyeen muraayadaha si ay u galaan matxafka Galerie d'Apollon ee dahabka leh.

Tani waa dhacdo "aad u xanuun badan" dalka Faransiiska, ayay tiri Natalie Goulet, oo ah xubin ka tirsan guddiga dhaqaalaha ee Senate-ka Faransiiska.

"Dhammaanteen waan niyad jabnay oo xanaaqnay," ayay tiri, wayna adag tahay "in la fahmo sida fudud ee ay wax u dhaceen."

Goulet ayaa BBC-da u sheegay in gambaleelka digniinta(alaarmiga) uu haleysnaa oo uusan shaqeeyneyn, "waa in aan sugno baaritaanka si aan u ogaano in alaarmiga la demiyay iyo in kale".

Wasaaradda dhaqanka ee Faransiiska ayaa sheegtay in alaarmiga weyn ee matxafka ay dhawaqeen, shaqaaluhuna ay raaceen hab-maamuuska iyaga oo la xiriiray ciidammada ammaanka oo ilaalinaya dadka matxafka booqanayey.

Tuugada ayaa dhismaha kasoo galay dhanka wabiga Seine

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tuugada ayaa dhismaha kasoo galay dhanka wabiga Seine
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kooxdan burcadda ah ayaa isku dayay in ay dab qabadsiiyaan gaawiridii ay wateen meel bannaanka ah, balse waxa ka hortagay mid ka mid ah shaqaalaha matxafka, sida ay sheegtay wasaaradda dhaqanka.

Wasiirka Dhaqanka Rachida Dati ayaa u sheegtay Wakaalada Wararka Faransiiska ee TF1 in muuqaalada tuugada ay muujinayaan tuugta oo wajiyada soo duubtay oo si degan u soo galaysa, oo jabinaya sanaadiiq ay ku jiraan dahab. Ma jirto cid wax ku noqotay dhacdadaasi.

Tuugada ayay ku tilmaantay kuwo u muuqda kuwo khibrad u leh qorshe si wanaagsan loo diyaariyay oo ay ugu baxsadeen laba mooto.

Ku dhawaad 60 baarayaal ayaa kiiskan ka shaqeynaya waxayna dacwad oogayaasha sheegeen in aragtidooda ay tahay in tuugada ay u shaqeeynayeen urur dambiilayaal ah.

Waxaa socda baadigoobka afar tuhmane waxaana baarayaashu ay daraaseynayaan muuqaallada CCTV-ga ee laga qaaday wadadii ay ku baxsanayeen.

Mid ka mid ah goobjoogayaasha ayaa ku tilmaamay muuqaallo "argagax guud" markii matxafka laga saaray. Sawirada markii danbe la qaaday ayaa muujinayay albaabada laga soo galo oo lagu xiray albaaba bir ah.

Louvre

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dahab noocee ah ayaa la xaday?

Sida laga soo xigtay maamulka, siddeed shay ayaa la qaatay, oo ay ku jiraan dheeman katiinado, hilqado dhego iyo bilado. Dhammaantood waxay ka soo jeedaan qarnigii 19-aad, oo mar waxaa lahaa boqortooyadii Faransiiska ama taliyayaasha boqortooyada.

Labo shay oo kale, oo uu ku jiro taajka Empress Eugénie, ayaa laga helay goobta u dhow, iyadoo sida muuqata la tuuray intii ay baxsanayeen tuugadu. Maamulka ayaa baaraya in ay waxyeelo soo gaartay.

Nuñez waxa uu ku tilmaamay jawharadihii la xaday "mid aad u qiimo badan" iyo "qiimo dhaxal ah oo aan la qiyaasi karin".

Tuugadu "ma sii hayn doonaan dahabka oo dhan, way jejebin doonaan, way dhalaali doonaan biraha qiimaha leh, wey googooyn doonaan dhagxaanta qiimaha leh waxayna qarinayaan caddaynta dembigooda," ayuu yiri Marinello.

Way adkaan doontaa in la iibiyo dahabkan, ayuu yiri.

Horaantii sanadkan, mas'uuliyiinta Louvre waxay ka codsadeen dowladda Faransiiska in laga caawiyo soo celinta iyo dayactirka hoolalka bandhigga ee matxafka iyo in si wanaagsan loo ilaaliyo shaqadiisa faneed.

Waqtigaas, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wuxuu ballan qaaday Louvre in dib loo habeyn doono taas oo qayb ka ah mashruuca dib u curashada cusub oo la filayo inuu ku kici doono inta u dhaxaysa € 700 milyan ilaa € 800 milyan (£ 608m - £ 695m; $ 816m - $ 933m). Mashruuca waxaa ka mid ah in amniga la xoojiyo.

Goorma ayaa Louvre dib loo furayaa?

Matxafka Louvre ayaa weli xiran maanta oo isniin ah iyadoo ay socdaan baaritaannada tuugada.

Farriin lasoo dhigay website matxafka wuxuu sheegay in dadka soo booqanaya matxafka ee horey u goostay tigidhada lacagtooda loo celin doono.

Booliska iyo ciidamada ammaanka ayaa lagu arkayay agagaarka albaabka caanka ah ee Ahraamta dhalada ah. Xeeyndaab weyn oo biro ah ayaa sidoo kale la dhigay matxafka.

Wax war ah lagama helin goorta matxafka dib loogu furi doono dadweynaha.

Xatooyadan ayaa dhalisay qeylo dhaan siyaasadeed oo ka dhacday Faransiiska, iyadoo Macron uu weerarka ku tilmaamay "weerar lagu soo qaaday taariikhdeena", hogaamiyaha isu soo baxa qaranka Jordan Bardella ayaa sheegay inay tahay " bahdil aan loo dulqaadan karin ", Marine Le Pen oo ka tirsan Front Nationale ayaa ku tilmaantay "dhaawac soo gaaray ruuxda Faransiiska".

Ogeysiis ku dhegan meel dibadda ka ah Louvre subaxnimada Isniinta

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Ogeysiis ku dhegan meel dibadda ka ah Louvre subaxnimada Isniinta

Horey ma u dhaceen xatooyo tan la mid ah?

Sanadkii 1911-kii, shaqaale matxaf Talyaani ah ayaa xaday Mona Lisa isagoo ku qariyay jaakadiisa

Laba sano ka dib ayaa la soo celiyay.

Waxaa dhawaanahan soo badanayay tuugo lagu bartilmaameedsanayo matxafyada Faransiiska.

Bishii la soo dhaafay, tuugo ayaa soo galay Matxafka Adrien Dubouche ee ku yaal Limoges waxayna xadeen alaabada dhoobada ah oo lagu qiimeeyay €9.5m ($11m / £8.25m).

Bishii Noofambar 2024, toddobo shay oo "qiimo taariikhi ah iyo dhaxal weyn leh" ayaa laga xaday Matxafka Cognacq-Jay ee caasimadda. Shan ayaa la soo celiyay maalmo ka hor.

Isla bishaas, tuugo hubaysan ayaa weerar ku qaaday Matxafka Hieron ee Burgundy, iyaga oo ridayay rasaas ka hor inta aysan la baxsan malaayiin gini oo qiimihiisu yahay farshaxannada qarniga 20-aad.