You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump oo war ka soo saaray weerarkii Ruushku ku qaaday Ukriane iyo wax xigi doona
Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa booqan doona Mareykanka Isniinta ama Talaadada si ay uga wadahadlaan siyaabaha loo joojin karo dagaalka Ukraine, sida uu sheegay Donald Trump.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in uu dhowaan uu la hadli doono Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, isla markaana uu muujiyay in maamulkiisu diyaar u yahay inuu u gudubto wejiga labaad ee cunaqabateynta Moscow.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in cunaqabateyntu tahay "fikrad sax ah", wuxuuna ugu baaqay dalalka Yurub inay joojiyaan iibsashada tamarta Ruushka.
Arrintan ayaa imaneysa iyadoo Ruushku uu qaaday weerarkiisii cirka ee ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka, taasoo ay ku dhinteen afar qof isla markaana lagu garaacay dhismaha ugu weyn ee dowladda Ukraine ee Kyiv markii ugu horreysay.
Weerarka ka dib kaas oo Ruushku adeegsaday ugu yaraan 810 diyaaraha aan duuliyaha lahayn iyo saddex iyo toban gantaal oo ku garaacay Ukriane, Trump ayaa sheegay inuusan ku „faraxsanayn xaaladda oo dhan“
"Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa si gaar ah u imanaya dalkeenna Isniinta ama Talaadada," ayuu yiri Trump. Lama caddayn cidda uu ula jeeday.
Ruushka ayaa kordhiyay weerarrada uu ku hayo Ukraine tan iyo markii Trump iyo Putin ay kulan ku yeesheen Alaska bishii la soo dhaafay.
Isagoo la hadlayay ABC News, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa waxaa uu sheegay in waddamada Yurub ay sii wadaan iibsiga saliidda iyo gaaska Ruushka, taas oo uu ku tilmaamay "cadaalad darro".
Wuxuu intaas ku daray: "Waa inaan joojinno iibsiga nooc kasta oo tamar ah oo ka timaada Ruushka, oo haddaan sii raacno, waa inaan joojinnaa heshiis kasta oo lala galo Ruushka. Ma jiri karo heshiis haddaan rabno inaan joojino dagaalkan."
Zelensky ayaa sidoo kale soo dhaweeyay qorshaha Trump ee ah in canshuuro dheeraad ah lagu soo rogo dalalka weli ganacsiga la leh Ruushka — si loo carqaladeeyo awoodda Moscow ay ku maalgelinayso dagaalka."
Waan taageersanahay fikradda ah in canshuur la saaro dalalka weli heshiisyada la leh Ruushka. Waxaan u arkaa inay tahay fikrad sax ah," ayuu yiri.
Ruushka ayaa iibiyay shidaal iyo gaas ku kacaya ku dhowaad 985 bilyan oo dollar tan iyo markii uu bilaabay duullaanka buuxa ee Ukraine bishii Maarso 2022-kii sida ay sheegtay xarunta cilmi baarista tamarta iyo hawada nadiifka ah.
Iibsadayaasha ugu waa weyn ee shidaalka Ruushka ayaa ah Shiinaha iyo Hindiya. Midowga Yurub ayaa hoos u dhigay balse aan gabi ahaanba joojin iibsashada tamarta Ruushka. Bishii Juun, Brussels waxay soo bandhigtay qorshe lagu joojin doonno dhammaan iibsashada tamarta Ruushka sanadka 2027.
Bishii la soo dhaafay, Mareykanka ayaa canshuur 50% ah ku soo rogay badeecadaha ka yimaada Hindiya si loogu ciqaabo sii wadida iibinta saliidda Ruushka. Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto "heshiiskii ugu wanaagsanaa" ee ay ku iibsaneyso saliidda danaha dhaqaale ee dadkeeda.
Shir ka dhacay Beijing toddobaadkii hore, Ruushka wuxuu ku dhawaaqay inuu kordhin doono sahayda gaaska ee uu u dhoofiyo Shiinaha.
Faragelinta madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, waxay imaaneysaa iyadoo kooxda OPEC+, oo uu Ruushku ka mid yahay , mar kale heshiis ku gaartay inay kordhiso wax-soo-saarka saliidda, taasoo cadaadis hoos u dhigaya qiimaha saliidda adduunka.
Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa u sheegay NBC's Meet the Press in Mareykanka uu taageero dheeraad ah ka raadinayo Midowga Yurub si uu canshuuro labaad ugu soo rogo wadamada iibsada saliida Ruushka.
Bessent wuxuu yiri: "Haddii waddamada EU ay kordhiyaan cunaqabateynta iyo canshuuraha labaad ee lagu beegsanayo dalalka iibsada shidaalka Ruushka, dhaqaalaha Ruushka wuu burburi doonaa gabi ahaanba — taasina waxay keeni doontaa in madaxweyne Putin uu miiska wadahadalka yimaado."
Ruushka ayaa ku qaaday magaaalooyin ku yaalla dalka Ukriane weerarkii ugu weynaa ee loo adeegsado diyaaradaha an duuliyaha lahayn iyadoo meelaha weeraradu ka dhaceen ay ku jirto caasimada dalkaasi Ukraine ee Kyiv, halkaas oo waxyeello gaartay dhisme dowladdeed.