You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ukraine oo qiratay in Ruushka galay gobol muhiim ah
- Author, Paul Kirby
Ciidamada Ukraine ayaa qirtay in milateri-ga Ruushka uu galay gobolka bariga ku yaalla ee warshaduhu ku badanyihiin ee Dnipropetrovsk, isagoo isku dayaya inuu saldhig ka dhisto.
"Kani waa weerarkii ugu horreeyay ee noocaan ballaadhan ah oo ka dhaca gobolka Dnipropetrovsk," ayuu BBC-da u sheegay Viktor Trehubov oo ka tirsan Kooxda Hawlgalka istiraatiijiga ah ee Dnipro, inkastoo uu caddeeyay in horumarkooda la hakiyay.
Ruushku wuxuu xagaagan sheegay inay galeen aaggaasi, iyadoo ciidamadoodu isku dayayaan inay si qoto dheer uga sii gudbaan dhulka Ukraine iyaga oo ka imanaya gobolka Donetsk.
Biloowgii Juun, saraakiil Ruushiyaan ah ayaa sheegay in weerar lagu qaaday gobolka Dnipropetrovsk, inkastoo wararkii ugu dambeeyay ee ka yimid Ukraine ay muujinayaan in ay si yar uga gudbeen xuduudda gobolka.
Haddii Ruushku uu horey uga sii socdo Dnipropetrovsk, waxay dhaawac weyn u keeni lahayd niyadda Ukraine, maadaama dadaal diblomaasiyadeed ee uu hoggaaminayo Maraykanku ay si gaabis ah ku socdaan, isla markaana ujeedka laga leeyahay ay tahay in la soo afjaro xiisadda.
Mashruuca DeepState ee khariidaynta Ukraine ayaa Talaadadii sheegay in hadda Ruushku ay qabsadeen laba tuulo oo gudaha gobolka ah, Zaporizke iyo Novohryhorivka.
Si kastaba, taliyaha guud ee ciidamada Ukraine ayaa beeniyay arrintaasi. Waxay sheegeen in ciidamada ay "sii wadaan gacanta haynta Zaporizke," sidoo kalena "dagaallo xooggan ay weli ka socdaan deegaanka tuulada Novohryhorivka."
Moscow ma sheegan gobolka Dnipropetrovsk, maadaama aysan la mid ahayn Donetsk iyo afarta kale ee gobolka bari, balse waxay weerareen magaalooyinkiisa waaweyn, oo ay ku jiraan caasimadda gobolka, Dnipro.
Ka hor dagaalka, Dnipropetrovsk dadka ku nool waxey ka badnaayeen saddex milyan, waxayna ahayd xarunta labaad ee warshadaha ee Ukraine, ka dib Donbas oo ka kooban gobolka Donetsk iyo Luhansk.
Inkastoo ciidamada Ruushka ay gaareen horumar gaabis ah oo ku saabsan qabsashada dhul, haddana khasaarooyin aad u badan ayay galeen, waxey dhowaan wax ka qabanayeen gobolka Donetsk.
Koox ciidamada lugta ah oo yar ayaa weerar kedis ah ku qaaday kayd 10 km ka xiga xariijinta difaaca Ukraine ee u dhow Dobropillia horaantii bishan, laakiin calaamadaha ugu dambeeya waxay muujinayaan in horey u socodkooda la hakiyay
Waxaa la sheegay in Putin uu Trump u sheegay inuu diyaar u yahay in la joojiyo dagaalka haddii Ukraine ay iska wareejiso deegaannada gobolka Donetsk ee ay weli gacanta ku heyso, laakiin Ukrainiyanku waxay u badan tahay inay rumaysan yihiin in hoggaamiyaha Ruushku uu leeyahay ujeedooyin kale.
Korneyl Pavlo Palisa, oo ah ku xigeenka madaxa xafiiska madaxweyne ee Kyiv, ayaa weriyayaasha Maraykanka ooga digay Juun in Kremlin-ku uu doonayo inuu qabsado dhammaan dhulka Ukraine ee bariga webiga Dnipro, kaasoo Ukraine ka kala dhigaya laba.
dhulka Ukraine ee bariga webiga Dnipro, kaasoo Ukraine ka kala dhigaya laba.
Madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Kaja Kallas, ayaa sidoo kale digniin ka muujisay in dhul Ukraine ah Ruushka loogu wareejiyo heshiis nabadeed uu noqon doono "dabin"
Waxay BBC-da u sheegtay: "Waxaan illaawaynaa in Ruushku inuusan wax tanaasul ah sameynin, iyaguna waa kuwa halista ah."
Ka dib markii uu la kulmay Putin Alaska iyo madaxweyne Volodymyr Zelensky Washington, Trump ayaa toddobaadkii hore sheegay inuu billaabay diyaargarowga shir u dhexeeya labada hoggaamiye.
Dhamaadka todobaadkii hore, rajadii guusha ay guryo ka wada baxeen. Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in "ajendaha [shirka] gabi ahaanba uusan diyaar ahayn" islamarkaana shir aan la qorsheyn.
Sidoo kale wuxuu yiri in dood kasta oo ku saabsan dammaanadaha amniga mustaqbalka la'aan ka-qaybgalka Ruush ay tahay "mid aan micno lahayn", inkastoo ay taasi tahay bilow-la'aan Galbeedka.
Habeenimadii Talaadadii, ergayga Maraykanka ee Steve Witkoff ayaa Fox News u sheegay inuu kula kulmi doono saraakiisha Ukraine New York dhamaadka toddobaadka, islamarkaana waxuu yidhi "maalin walba waan la hadalnaa Ruushka."
Madaxweyne Zelensky ayaa dhanka kale ka codsaday xulafadiisa Galbeedka inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan sidii looga heshiin lahaa dammaanadaha amniga mustaqbalka haddii heshiis la gaaro.
Waxa uu Talaadadii kula kulmay taliyaha ciidanka UK, Adm Sir Tony Radakin, Kyiv, waxaana afhayeenka ra'iisul wasaaraha UK sheegay in UK ay diyaar u tahay in ciidamo dhulka la geliyo marka colaadu dhammaato.
Kansalar ka German, Friedrich Merz, ayaa Talaadadii sheegay in dammaanadaha amniga ee Ukraine ay marka hore awood siinayaan ciidanka Ukraine inay waddankooda difaacaan muddo dheer. Waxa uu yiri Zelensky wuxuu muujiyay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto Putin, hadda waxa wareegaya Moscow: "Haddii madaxweyne Ruushku dhab ka yahay dammaanad qaadista dhimista dilka, markaas waa aqbali doonaa dalabka
Dhanka kale, Ukraine waxay ku dhawaaqday in ragga da'doodu tahay 18 ilaa 22 ay safar dalka ka baxsan (dibadda) u safri karaan tani waa dhimista sharci u farayay in dhammaan ilaa da'da 60 ay helaan oggolaansho.
Ra'iisul wasaare Yulia Svyrydenko ayaa sheegtay in isbedelkaas uu sidoo kale quseynayo kuwa haatan ku sugan dalal kale taas oo macnaheedu yahay in hadda ay ku noqon karaan Ukraine kadibna mar kale ka bixi karaan haddii ay doonaan.
Waalidiin badan oo reer Ukraine ah ayaa dirayay wiilasha dhalinyarada ah marka ay ka yaraadaan 18 inay u safraan dibadda. "Waxaan rabnaa in dadka Ukraine ay xiriirkooda Ukraine ilaashadaan intii karaankooda ah," ayay Svyrydenko tiri.
Ragga da'doodu tahay 18 ilaa 22 ma quseyso ku darista ciidamada (military conscription), taasoo da'dii ugu yarayd ahayd 25 markii sanadkii hore la dhimay.
Waxaa lagu qiyaasaa in 5.6 milyan rag Ukrainian ah haatan ay ku nool yihiin dibadda.