Xog dheeraad ah oo ku saabsan raashinka la musuq maasuqay ee Ciidanka Danab iyo sida uu u saameyn karo dagaalka al-Shabaab

Xigashada Sawirka, Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliya
Dowladda Soomaaliya ayaa qirtay inuu jiro musuq maasuq lagu sameeyey qaybta saadka raashinka ee ciidamada gaarka u tababarran ee Danab, oo ah ciidan taakulayn iyo tababarba ka hela dawladda Maraykanka.
Sarkaal Maraykan ah oo ay soo xigatay wakaaladda warrarka ee Reuters ayaa sheegay in Maraykanku uu si dhab ah u qaadanayo dhammaan eedeymaha musuqmaasuq ee la sheegay.
"Waxaan rajeyneynaa inaan kala shaqeyno Danab abuurista ilaalinta lagama maarmaanka ah iyo tillaabooyinka isla xisaabtanka si looga hortago dhacdooyinka mustaqbalka ee saameyn kara gargaarka," ayuu yiri sarkaalka, isagoo aan si toos ah uga hadlin in wax taageero ah oo Mareykan ah mar hore la joojiyay.
War qoraalla oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandigga Soomaaiya ayaa lagu sheegay in si khaldan loo leexsaday raashin ciidanka loogu talagalay.
“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxay xoojiyeen tallaabooyinka isla xisaabtanka ee waafaqsan ajandayaasha dibu habaynta ciidanka. Baaritaanadaan ayey ciidanku ku sheegeen in qayb ka mida raashinka la leexsaday” sida war saxaafadeedka lagu sheegay.
“Dowladdu iyadoo ka fal celinaysa dhacdada waxay isla markiiba bilowday baaritaaan taasoo keentay in shaqada laga joojiyo saraakiil ka tirsan ciidanka si loo xaqiijiyo isla xisaabtan, ayna ku wargalisay dhinacyad ay khusayso, waxayna natijada baaritaannada la wadaagi doontaa marka ay soo dhammaadaan dhinacyada oo dhan” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda gaashandhigga .
Sidoo kale dowladda Soomaaliyaa ayaa sheegtay inay latashi la gashay dowladda Maraykanka “ ayna qaadi doonto masuuliyadda bixinta raashinka ciidanka Danab.’’
Maxay arrintan u dhimi kartaa ciidanka Danab?

Xigashada Sawirka, DANAB MEDIA
Maxamed Nuur Qalimow, oo ka faallooda arrimaha Siyaasadda ee Soomaaliya ayaa BBCda u shegay in wax dhacay ay yihiin kuwo liddi ku ah balanqaadkii madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa inuu la dagaalamayo Musaqa, sidoo kalena lugooyo ku ah ciidanka Danab iyo dagaaladii lagula jiray Al.shababab
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
“Waa tallaabo wanaagsan marka hore in dowladdu ogaato musaqa lagu sameeyey saadka raashinka Danab, laakiin waxaa laga rabaa inay qaado tallaabo ku haboon cidda waxaas samaysay” ayuu yiri Qalimow.
Maxamed Mukhtaar oo ah falanqeeye arrimaha Soomaaliya ayaa qaba in tani saamayn togan ku yeelanayso ciidamada Danab oo ka mida kuwa ugu tababarka wanaagsan ciidamada Soomaaliya
“Runtii ma caawinayso ,ha noqoto niyadooda ama taageerada ay ku dhex leeyihiin ummada Soomaaliyeed, marka ay ciidanka Danab ku soo baxdo eedeyn, gaar ahaan dadka masuuliyiinta ah qaar, ma caawinayso”ayuu yiri Mukhtaar.
Qalimow, waxaa uu sheegay in “Musuqu wuxuu ugu sii daran yahay inuu dhexgalo ciidanka gaar ahaan kuwa sida Danab oo kale ah ,xilli ciidankan ay muhiim u yihiin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, saameyn aan la qiyaasi karin ayeyna ciidanka ku leedahay waxa dhacay”
Wuxuu sheegay in loo bahaan yahay in dowladdu qaado tallaabo si deg deg ah loogu horkeenayo caddaaladda kuwii geystay falkan, si loo soo celiyo kalsoonida dhinacyada.
Saameynta dhacdadan ee dagaalka dowladdu kula jirto al-Shabaab

Xigashada Sawirka, Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliya
Ciidanka sida gaarka u tababarran ee Danab waa mid ka mida kuwa ugu muhimsan dagaallada dowladdu xilligan kula jirto ururka Al-shabaab ee ka socda gobollada dalka.
“Mar walba oo shillal noocaan ah soo baxaan, waa suuragal in su’aal la iska waydiiyo, oo la yiraahdo Soomaaliya isla xisaabtanka, masuuliyadda iyo sugitaanta amnigeeda iyadu ma ku filan tahay, iyadoo hantidii ama agabkii loo dhiibay sidii loo rabay iyo meeshii loo rabay ma gaarayaan, waa suuragal inay su’aal layska waydiin karo” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar.
Maxamed, wuxuu sheegay in sidoo kale arrinta ay qaaday dowladdu ee ah in saraakiil loo xiray eedeynta ay muujinayso in la qaaday tallaabo isla xisaabtan leh, taasna ay nooleyn karto kalsoonida.
Danab ayaa tan iyo sanadkii 2022 si weyn ugu lug lahayd guluf militari oo ay qaadeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Miliishiyo beeleedyo is garabsanaya oo markii hore lagu guuleystay in Al Shabaab lagala wareego deegaano ka tirsan bartamaha Soomaaliya.
Maxay dhacdadani u dhimi kartaa wadashaqeynta Maraykanka iyo dowladda Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, Maxay dhacdadani u dhimi kartaa wadashaqeynta Maraykanka iyo dowladda Soomaaliya
Sida uu BBCda u sheegay Maxamed Mukhtaar Ibraahim,oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa xusay in heshiiskii kal hore ay wada gaareen dowladda Soomaaliya iyo Maraykanka lagu heshiiyey in dowladda Soomaaliya bixiso boqolkiiba tobban dhaqaallaha ku baxaya, inta kalena ay Maraykanku bixinayaan.
Wuxuu intaa ku daray in marrar badan Maraykanka ay ka muuqatay inuu daneynayo in ciidamada Danab ay la wareegto dowladda Soomaaliya.
Ciidanka Danab ayaa ah tiir muhiim u ah dadaallada Mareykanka uu taageerayo ee lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Mareykanka ayaa bishii Febraayo ogolaaday in uu qarash gareeyo in ka badan 100 milyan oo dolar, si loogu dhiso ilaa shan saldhig oo ciidamada Danab ay yeelanayaan.
Sidoo kale heshiiskaas ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu oggolaaday in la kordhiyo tirada ciidamada Danab.
Mareykanka ayaa sanadkii 2017-kii ogolaaday in uu gacan ka geysto tababaridda iyo qalabeynta 3,000-askari oo ka tirsan Danab, si ay uga fal-celiyaan weerarrada ka dhanka ah Al Shabaab.
Maxay yihiin ciidamada Danab?

Xigashada Sawirka, AFRICOM
Danab waa kumaandooskii ugu horraysay ee Soomaaliya ay yeelato tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka, sannadkii 1991.
Dowladda Mareykanka ayaa bishii Oktoobar ee sannadkii 2013-kii billowday tababarka ciidamada Danab, waxaana xilligaas lagu bilaabay hurin 105 askari ahayd.
Sida saraakiil dowladda ah laga soo xigtay ay sheegeen, ujeeddada loo sameeyay ciidanka ee xilligaas waxay ahayd in la hirgeliyo ciidan isku dhafan oo kumaandoos ah, waxaana lagu asaasay saldhigga ciidamada cirka ee Belidogle ee degmada Wanlwaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamadii ugu horreeyay ee Danab waxay tababarka dhameysteen sannadkii 2014-kii.
Sida ay BBC Somali u sheegeen saraakiil Danab ka mid ahayd, askeriga ku biiraya ciidanka Danab, waxaa la marsiiyaa baaritaan qoto-dheer oo lagu ogaanayo shakhsiyaddiisa, gaar ahaan in uu horay usoo noqday ciidan, in uu dembi soo galay iyo inkale, in uu mar uun ka mid noqday kooxaha Islaamiyiinta ah, in uu ku lug lahaa xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ah iyo waxyaabo kale oo lagu hubinayo askariga tayadiisa.
Kumaandooska Danab waxaa saldhigga Balidogle ku tababara ciidamada Mareykanka ee ku sugan goobtaas, kana tirsan taliska ciidamada Mareykanka ee Africa.
Sidoo kale saraakiisha kumandoosta Danab, gaar ahaan kuwa hogaamiya dagaalka ayaa lagu soo tababaraa dalal dibadda ah oo Mareykanka uu ka mid yahay, halkaas oo ay ku soo qaataan tababarro dheeraad ah oo la xiriira hoggaaminta ciidanka xilliyada dagaalka.
Sida ay BBC u sheegeen saraakiil hore uga tirsanayd Danab; saraakiisha hoggaamisa ciidankan ayaa marka hore lagu tababaraa mac-hadka barashada luuqadda ee Defence Language Institute (DLI) ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka, halkaas oo ay ku soo qaataan aqoon durugsan oo dhanka luuqadda ingiriiska ah.
Saraakiil hore uga tirsanaa ciidanka Danab, aqoon durugsanna u leh arrimaha ciidamadaas ayaa BBC-da u sheegay in Danab ay ka kooban yihiin guuto afar urur ah.
Taliska ciidamada Danab ee uu tababaray Mareykanka ayaa ku sugan saldhigga Balidogle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo xarun u ah taliska ciidamadaas. Askarta halkaas ku sugan waxaa tiradoodu lagu qiyaasay 600.
















