Wax ka ogow meelaha ugu halista badan ee ay tahriibayaashu maraan

IOM waxay sheegtay in in ka badan 4 ka mid ah 10kii muhaajiriinta ee adduunka ku nool 2020 ay ku dhasheen Aasiya, qaaradduna waxay leedahay dhowr waddo oo muhaajiriin ah. Sida laga soo xigtay hay'adda Qaramada Midoobay, ku dhawaad 5,500 ayaa ku dhintay ama la la'yahay Aasiya siddeeddii sano ee la soo dhaafay. Inta badan dhimashadaas waxaa ku lug leh muhaajiriinta Rohingya iyo Bangladeshi oo isticmaalaya waddooyinka badda ee ka gudba Bay of Bengal iyo badda Andaman si ay u gaaraan badbaadada dalalka deriska ah, ama xitaa si ay isugu dayaan in ay ugu dambeyntii gaaraan Yurub. Dhibaatada ay la kulmaan inta lagu jiro isgoysyada waxay noqon kartaa mid xad dhaaf ah. "Waan gaajaysannahay, ma cabbi karin, ma jirin biyo la cabbo, ma jirin cunto, bariis, ma cuni karin. Waxay ahayd sidaas oo kale badda dhexdeeda muddo bil ah," Muhammad Ilyaas, 37-sano jir ah. Qaxooti Rohingya ah, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay ka dib markii ay soo badbaadiyeen ciidamada badda Hindiya ka dib cilad ku timid doonidii uu la socday. Si la mid ah waddooyinka kale, muhaajiriintan ayaa sidoo kale inta badan dhibanayaal u ah ka faa'iidaysiga kooxaha dadka ka ganacsada. Waddada kale ee dhibka leh ayaa ah xadka u dhexeeya Iran iyo Turkiga, oo ay ku soo qulqulayaan muhaajiriin Afgaanistaan ah oo aan hore loo arag tan iyo markii Taliban ay xukunka la wareegeen 2021. Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in in ka badan laba milyan oo Afgaanistaan ah ay qaxooti ahaan uga diiwaangashan yihiin Iran iyo dalalka ku xeeran.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tahriibeyaal ka gudbaya webiga u dhexeeya Honduras iyo Guatemala

Waxaa jirta cabsi laga qabo in wax ka badan 100 qof oo ay ku jiraan caruur ay ku dhinteen kadib markii doonidii ay la socdeen ay kula degtay badda kacsan ee koonfurta Talyaaniga.

Ugu yaraan 62 qof oo tahriibayaal ah ayaa la xaqiijiyey inay dhinteen, iyadoo 12 carruur ah la sheegay inay ku jiraan dadka dhintay oo uu ku jiro ilmo dhowr bilood uun jiray, taasoo ah dhacdadii ugu dambaysay ee dhibaatada muhaajiriinta adduunka.

Doonta oo loo malaynayo inay siddey ilaa 200 oo qof, ayaa kala go’day xilli ay isku dayayeen inay ku degaan meel u dhow magaala xeebdka Talyaaniga ee Crotone Axaddii.

Tirada safarrada ay galaan dadka ee dariiqyada socdaalka ee ugu weyn adduunka ayaa kor u kacay ka dib masiibada Covid-19, taas oo sababtay in dalal badan ay soo rogaan xannibaado dhanka socdaalka ah.

Iyada oo Qaramada Midoobay ay ku qiyaastay in ay jiraan ku dhawaad 280 milyan oo muhaajiriin caalami ah adduunka oo dhan, waxaan eegeynaa waddooyinka socdaalka ee ugu khatarta badan adduunka.

Badda Mediterranean-ka

Doon ay ka daadanayaan muhaajiriin ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Marrinka badda Mediterranean-ka ayaa ah kan ugu halista badan uguna qadiimsan

Sida laga soo xigtay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, waddadan ayaa ah tan ugu dhimashada badan adduunka ee tahriibayaasha. Waxaa lagu qiyaasaa in wax ka badan 26,000 oo qof ay ku dhinteen isku day ay badda Mediterranean-ka uga gudbayeen Waqooyiga Afrika tan iyo sannadkii 2014-kii.

Isku dayga tallowga badda waxaa badanaa loo adgeesadaa doomo la farsameeyay iyo kuwa la buux dhaafiyay sida doonyaha rabadhka ah, kuwaas oo safarka ka dhiga mid halis ah oo khatar badan.

Doomaha ayaa inta badan waxaa raaca kooxo dambiilayaal ah iyo kuwo dadka ka ganacsada.

Garaaf muujinaya dhimashada Muhaajiriinta ee 2014 illaa 2023
Qoraalka sawirka, IOM, xogtii ugu dambeysay ee Febrayo 2023

Dalka Tuniisiya oo ay weheliyaan Liibiya ayaa ah marinka ugu muhiimsan ee ay ka dhoofaan dadka tahriibayaasha ah ee isku dayaya in ay gaaraan Yurub iyaga oo sii mara marinka dhexe ee Mediterranean-ka,waxana jira xitaa qabuuro loo qoondeeyay dadka ku qaraqmay badda.

“In aan ku arko qabuurahan halkan waxa ay i dareensiisay murugo aad u badan,” Vicky, oo ah tahriibe u dhalatay Nigeria oo rajaynaysay in ay ka soo socdaasho Tuniisiya, ayaa sidaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP mar ay booqanaysay goobta.

"Markaan arko tan [xabaalaha], ma hubo inaan doonayo inaan badda ka gudbo," ayey raacisay.

Frontex, Hay'adda Ilaalada Xeebaha iyo Xuduudaha Yurub, ayaa ku warrantay in dad ka badan 630,000 oo qof la badbaadiyay iyagoo isku dayaya inay jidkan adeegsadaan tan iyo 2015kii.

Marrinnada gudaha Afrika

Saxaraha Afrika

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, IOM waxay ku qiyaastay in marinka Saxaraha uu mas'uul ka ahaa dhimashada ama waayitaanka in ka badan 5,600 qof intii u dhaxaysay 2014 iyo 2022.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

IOM ayaa ku qiyaastay in guud ahaan Afrika in ka badan 12,300 oo muhaajiriin ah ay dhinteen ama la waayey tan iyo sannadkii 2014.

Qaar badan oo muhaajiriin Afrikaan ah, riyada ah inay gaaraan Yurub waxay ku bilaabataa safar ay ku maraan qaaraddooda oo inta badan ku lug leh inay ka gudbaan lamadegaanka oo loo sii maro dalalka Waqooyiga Afrika.

Xaaladaha adag ee deegaanka waa khatar weyn: IOM waxay ku qiyaastay in marinka Saxaraha uu mas'uul ka ahaa dhimashada ama waayitaanka in ka badan 5,600 qof intii u dhaxaysay 2014 iyo 2022.

“Saxaraha dhexdiisa waxaad ku arkaysaa dad ku dhimanaya, tamar la’aan ayey u dhimanayaan, qaarna biyihii wateen ayaa ka dhamaada,” ayuu Abdullah Ibrahim, oo ah muhaajir, u sheegay wakaaladda wararka ee AFP waayo-aragnimadiisa ka soo gudubka saxaraha.

Khatarta kale ee ugu weyn ee soo galootiga haysata ayaa ah, dad badan oo ka ganacsanaya tahriibinta dadka oo ka hawl gala gobolka.

Muhaajiriin badan oo ku nool aagga ayaa weli u adkeysanaya caqabado badan oo dhanka ilaalinta ah, iyadoo haweenka iyo gabdhaha ay si gaar ah ugu nugul yihiin tacaddiyada sida ay sheegtay IOM: "Marka laga soo tago weerarrada afka iyo jirka ah, muhaajiriintu waxay la kulmeen ka faa’iideysi, iyo sidoo kale xaalado nololeed oo liita. "

In kasta oo marrinka lama-degaanka Saxaraha uu yahay marinka tahriibka ee ugu khatarta badan Afrika, haddana ma aha kan kaliya ee ay maraan dadku.Waddooyinka Galbeedka Afrika, marrinka badda ee isku xira jasiiradaha Canary iyo Geeska Afrika ilaa Yemen ayaa horseeday in ku dhawaad 4,000 oo qof ay ku dhintaan ama lagu waayo tan iyo 2014-kii.

Xadka Maraykanka iyo Mexico

Dad ka goynaya xadka Maraykanka iyo Mexico

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Siyaabo badan ayey muhaajiriintu ku galaan Maraykanka balse waxay u badanyhiin kuwo ku lugeeya xadka Mexico iyo Maraykanka

In kasta oo waddooyinka socdaalka ee Ameerika aysan dhammaan ku saabsanayn gaarista Mareykanka, haddana waa yoolka ugu dambeeya ee badi dadka doonaya gobolka hoy cusub ka doonaya.

Xadka u dhexeeya Maraykanka iyo Mexico ayaa soo leh caqabad aad u weyn: gobolku wuxuu caan ku yahay juqraafiga aan wanaagsanayn, oo ay ku jiraan gobollada saxaraha ah, muhaajiriinta ayaa inta badan isku daya inay ka gudbaan Mareykanka iyaga oo sii mara wabiga Rio Grande ee halista ah ee mara qayb ka mid ah xudduudaha labada dal.

In ka badan 4,300 oo muhaajiriin ah ayaa dhintay ama la waayay iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan Mexico iyo Mareykanka tan iyo 2014-kii.

In ka badan 2,600 oo ka mid ah ayaa ku qaraqmay biyaha halka in ka badan 700 ay ku dhinteen xaaladaha cimilada xun ee deegaanka ama hoy la'aan, cunto iyo biyo la'aan awgeed.

Marrinnada Aasiya

Dumar ku lugeynaya dhul daad socdo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Muhaajiriinta ugu badan ee Aasiya ayaa ah kuwa Roohinga iyo Bagaladhesh

IOM waxay sheegtay in wax ka badan 4 ka mid ah 10kii muhaajiriinta ee adduunka ku nool 2020 ay ku dhasheen Aasiya, qaaradduna waxay leedahay dhowr waddo oo muhaajiriintu maraan.

Sida laga soo xigtay hay'adda Qaramada Midoobay, ku dhawaad 5,500 ayaa ku dhintay ama la la'yahay Aasiya siddeeddii sano ee la soo dhaafay.

Inta badan dhimashadaas waxay ku lug leedahay muhaajiriinta Rohingya iyo Bangladesh oo isticmaalaya waddooyinka badda ee ka gudba gacanka Bengal iyo badda Andaman si ay magangalyo ugu gaaraan dalalka deriska ah, ama xitaa si ay isugu dayaan in ay ugu dambeyntii gaaraan Yurub.

Dhibaatada ay la kulmaan inta lagu jiro tallowga xadadka waxay noqon kartaa mid aad u daran.

"Waan gaajaysannahay, ma aanaan cabbin biyo ma jirin biyo la cabbo, ma jirin cunto, bariis, ma aanaan cunin. Sidaas ayey xaaladdayadu muddo bil ah," Muhammad Ilyaas oo 37-sano jir Qaxooti Rohingya ah, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay ka dib markii ay soo badbaadiyeen ciidamada badda Hindiya ka dib cilad ku timid doonidii uu la socday.

Si la mid ah waddooyinka kale, muhaajiriintan ayaa sidoo kale inta badan dhibanayaal u ah ka faa'iidaysiga iyo xad gudubyada ay kula kacaan kooxaha dadka ka ganacsada.

Waddada kale ee dhibka leh ayaa ah xadka u dhexeeya Iran iyo Turkiga, oo ay ku soo qulqulayaan muhaajiriin Afgaanistaan ah oo aan hore loo arag tan iyo markii Taliban ay xukunka la wareegeen 2021.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in dad ka badan laba milyan oo Afgaanistaan ah ay qaxooti ahaan uga diiwaangashan yihiin Iran iyo dalalka ku xeeran.