Maxaad kala socotaa jaamacadda soo kordhisay barashada culuumta sixirka?

sixirka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Jaamacadda ayaa lagu baranayaa culuumta sixirka sannadka 2024 sida la baahiyey. Jaamacadda Exeter ayaa noqonayaa mid ka mid jaamacadihii ugu horreeyey ee culuunta bixinaysa.

"Habkan cusub" ee shahaadada labaad MA-ga lagu qaadanayo barashada Sayniska Isdabamarinta iyo Sixirka ayaa yimi kaddib markii ay arkeen “kor u kaca xiisaha sixirka", sida hoggaamiyaha kulliyaddan u maamuli doona jaamacaddaas.

Waxay siinaysaa fursad lagu barto taariikhda iyo saamaynta sixirku uu adduunku ku leeyahay si gaar ah habdhaqanka bulshada iyo sayniska, ayay yidhaahdeen madaxda jaamacaddu.

Barnaamijkan barashadiisu noqonayso halka sano ayaa waxa uu bilaabmayaa Sebtembar 2024.

Aqoonyahanno khibrad u leh taariikhda, suugaanta, falsafada, cilmiga qadiimiga, cilmiga bulshada, cilmi nafsiga, riwaayadaha, iyo diinta ayaa muujin doona doorka sixirka u uku leeyahay bulshooyinka reer Galbeedka iyo Bariga.

Jaamacaddu waxay sheegtay in kooraskani yahay mid lama arag ah noociisana aan hore loogu arag isaga oo heer jaamacadeed guud ahaan UK, xilli awoodda la saarayi taariikhdiisa iyo sida oo kale lagu darayo maaddooyin kale oo muhiim ah.

'Goobtii sixirka'

Prof Emily Selove, hoggaamiyaha koorsada, ayaa tidhi: "Xiisaha sixirka ee gudaha iyo dibadda ee dhanka akadeemiyada ayaa udub dhexaad u ah su'aalaha ugu muhiimsan ee bulshadeennu is weydiinayaan”.

Mawaadiicda gumeysiga, isbeddelka aqoonta, dumarnidmada iyo isir nacaybka, ayaa sida oo kale aasaas u ahaan doona barashada aqoontan.

Koorsada waxaa lagu bixin doonaa Machadka Barashada Culuumta Carabta iyo Islaamka.

Prof Selove waxa uu sheegay: "MA-dani waxay u ogolaan doontaa dadka inay dib u baadhaan malaha ama ismoodsiiska ah in Galbeedka ay yihiin bulshadii iyo meeshii caqliga iyo sayniska, halka adduunka intiisa kale ay yihiin meel sixir iyo khuraafaad."

Jaamacaddu waxay sheegtay in koorsada ay u diyaarin karto ardayda xirfado ay ka mid yihiin waxbaridda, la-talinta, hagidda, shaqooyinka hidaha iyo matxafka, ka shaqaynta maktabadaha, dalxiiska, ururada fanka ama warshadaha daabacaadda, iyo qayb kale oo shaqo oo muhiim ah.

Cutubyada ay ardaydu kala xulan doonaanwaxaa ka mid ah barashada maqaawiirtii suugaanta reer galbeedka iyo farshaxanka, halyeeyga King Arthur, taariikhda fart aiyo qoraalka, fikirka Islaamka, aragtiyaha qadiimiga ah iyo habdhaqankii la aamminsanaa haweenka qarniyadii dhexe.