Maxamed Shaafi: Maxay tahay sababta uu sixiroolahan lammane ugu sheegay inay cunaan hilib bini’aadan?

Maxamed waa ayaa waxaa xabisga u taxaabay booliska

Xigashada Sawirka, Arun Chandra Bose

Booliska gobolka Kerala ee koonfurta Hindiya ayaa xiray saddex qof oo lagu eedeeyay inay dileen laba dumar ah oo looga shakisan yahay inay u dileen sababo la xiriira in ay dad kale horumar ku gaaraan dilkooda.

Haraaga meydka labada qof oo la sheegay in la dilay bilo ka hor ayaa la helay Talaadadii.

Booliiska ayaa sheegay in eedaysanayaasha oo ka kooban lamaane iyo nin kale - ay "si xun u jir dileen" dumarkaas ka hor inta aysan dilin.

Waxa ay sheegeen in ay qirteen dambiga, isla markaana uu socdo baaritaan dheeraad ah.

Eedeysanayaasha ayaan weli ka hadlin eedeymaha loo soo jeediyay maadaama ay ku jiraan gacanta booliiska.

Digniin: Maqaalkani waxaa ku jira macluumaad laga yaabo in akhristayaasha qaar ay dhibsadaan.

Kiiskan ayaa waxa uu qabsaday bogagga hore ee warbaahinta, waxaana lasoo tebiyay in uu argagax ku riday dadka ku dhaqan Kerala oo loo arko inuu yahay mid ka mid ah gobollada ugu horumarsan dalka Hindiya.

Booliisku waxay sheegeen in eedaysanayaashu ay yihiin sixirooleyaal laka yiraahdo Bhagaval Singh, xaaskiisa Layla, iyo Maxamed Shafi, oo ah "dhakhtar dhanka sixirka ah" oo ka soo jeeda degmada Idukki.

Arbacadii, maxkamad ku taalla magaalada Cochin ayaa ku xukuntay in muddo saddex toddobaad ah lagu xiro xabsiga garsoorka si baaritaan dheeraad ah loo sameeyo.

Taliyaha booliska ee magaalada Cochin, CH Nagaraju ayaa sheegay in dilku uu dhacay muddo afar bilood ah ka hor lagana shakiyay inuu qayb ka ahayd caado loo adeegsado dilka dadka si ay dad kale wax ugu helaan, taas oo looga gol lahaa in "dhaqaale lagu sameeyo".

Waxa uu intaasi ku daray in sababta rasmiga ah ee dilkaasi ka dambeysay aanan la ogeyn oo ay weli baarayaan arrintaasi.

Falalka sixirka ah ee dadka lagu waxyeelleeyo, oo loo yaqaanno "Sixirka madow" ayaa weli looga dhaqmaa qaybo ka mid ah Hindiya - dadku waxay aaminsan yihiin in caadooyinkaas ay keeni karaan barwaaqo, caawinta haweenka aan awoodin inay carruur dhalaan, daaweeynta cudurrada iyo xitaa ay roobab badan keeni karaan.

Maxamed Shaafi

Xigashada Sawirka, Arun Chandra Bose

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Booliska ayaa sheegay in eedaysane Shafi uu been ku qanciyey labada dumarka ah ee la dilay xilli ay tikidhada bakhtiyaanasiibka ah ku iibinayeen Cochin, isagoo u ballan qaaday inay maal-qabeen noqonayaan.

Waxaa la sheegay in ay qoorta ka gooyeen ka hor inta aysan jarjarin jirkooda oo loo maleeynayo inay cuneen hilibkooda.

Sida warbaahinta News18 ay ka soo xigatay ilo wareedyo dhanka booliska ah, lamaanaha ayaa waxaa uu Shaafi ku yiri, "haddii aad cuntaan hilib bini'aadan waxaad noqoneysan dhallinyaro.

Haraaga meydka haweeneey looga shakisan yahay inay ka mid ahayd dhibananyaasha ayaa Talaadadii laga soo saaray meel u dhow guriga Singh ee ku yaalla degmada Pathanamthitta.

Tijaabada Hidda-sidaha ee DNA-ga ee laga qaaday meydka ayaa loo diray baaritaan ka dib markii qoysaska haweenka ay ku guul-dareysteen inay aqoonsadaan xubnaha jirka gabadhooda ee la goo-gooyay ee laga soo saaray godka.

Waa kuwee dadka la dilay?

Booliska ayaa magacyadooda ku sheegay Padma iyo Rosli.

Padmam, oo ahayd haweeneey 52 jir ahayd, waxa ay ka timid degmada Dharmapuram ee dariska la ah gobolka Tamil Nadu, waxayna ku nooleyd magaalada Cochin. Rosli, waxay ahayd 49 jir, waxayna ka timid degmada Thrissur waxayna ku noolayd magaalada dayax-gacmeedka ee Kalady.

Wiilka Padma ayaa bishii Sebtembar diiwaan geliyay dacwad, isagoo sheegay in hooyadii la la'yahay.

Padma waxay ku nooleyd guri hal qol ah oo ku yaalla Kochi ilaa bishii Febraayo. "kaligeed ayay nooleyd laakiin habeen walba way isoo waci jirtay," ayay walaasheed Palaniamma u sheegtay BBC-da.

Rosli

Xigashada Sawirka, Arun Chandra Bose

Kaddib markii Palaniamma ay dhawr maalmood wayday walaasheed, waxay go'aansatay inay soo ogaato waxa ku dhacay. "Laakin markii aan aaday guriga waxaan ogaaday inuu xiran yahay," ayay tiri, iyadoo raacisay in taleefanka walaasheed uu sidoo kale dansan yahay.

Booliisku waxay baareen mobile-ka gacanta ee Padma waxayna ogaadeen in dhowr jeer uu teleefoon ka soo wacay mid ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Shafi.

Waxay sheegeen in diiwaanka wicitaanka Shafi uu muujinayo inuu la xiriiray Singh, oo sidoo kale ku noolaa isla aagga.

"Markii booliisku ay su'aalo weydiiyeen Singh, wuxuu qirtay dambiga," ayay yiraahdeen.

Ka dib baaritaanno dheeraad ah oo ay Booliisku sameeyeen ayay tuhmaneyaasha waxa ay sidoo kale uga ogaadeen in Singh iyo xaaskiisa, oo ay weheliso caawinta Shafi, ay sidoo kale bishii Juun dil u geysteen Rosli.

"Waxaan kuu sheegi karaa inuu yahay kiis dil ah oo la yaab leh," ayuu warbaahinta u sheegay Isbatoore P Prakash. "Waxaan isku dayeynaa inaan xaqiijino goorta saxda ah ee uu dhacay dil kasta oo ay geysteen iyo haddii ay jiraan dhibanayaal badan."