Maxay dad badan shukaansiga u soo afjaraan kadib kulanka koobaad?

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Kulanka koobaad waxaa loo arki karaa wakhti aad inta dib u fariisato ka ku raaxeysato barashada qofka cusub ee aad kulanteen, adigoo laga yaabo inaad ku jirto jawi deganasho ah.
Si kastaba ha ahaatee, qaar badan ayuu kulanka koobaad u yahay gaadiid ay ku gaaraan dano kala duwan.
Haddii aad tahay sida Zoe oo 24-jir ah, waxaa laga yaabaa inaad doorato inaad horay u jarto xiriirka haddii aadan dareemeynin in uu jiro karo xiriir sii socan karo oo idin dhexmara adiga iyo qofka kale.
Sida laga soo xigtay Opinium, oo ah shirkad cilmi baariseed oo fadhigeedu yahay New York iyo London, waxaa jira dad badan oo aan guursan sida Zoe oo ay haysato naxaris la'aan ku saabsan noloshooda jacaylka.
Warbixintu waxay intaa ku dartay in sababta ugu weyn ay tahay walaac dhaqaale.
Waa wax la fahmi karo in kuwa dhaqaale ahaan halgamaya laga yaabo inaysan rabin inay lacagtooda ku bixiyaan qof aanay dib u arki doonin.
Laakin tababaraha xiriirka iyo soo jeediyaha barnaamij taleefishinka ka baxa, Fahima Mahomed ayaa sidoo kale tilmaamtay in dadku aysan "u dulqaadan karin sidii waayihii hore oo kale."
"Si la mid ah sida ay dadku maanta u caadaystaan in ay si degdeg ah u daboolaan baahidooda, waxay rabaan qanacsanaan degdeg ah. Haddii aysan isla markiiba helin, waxay gooyaan xiriirka," ayay tiri Faadumo.
Caadooyinka shukaansiga ee isbedelaya

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Shukaansigu waa arrin u baahan maalgelin muhiim ah oo waqti iyo lacagba ku baxdo.
Zoe oo sheegtay in ay wakhti iyo lacagba ku yar tahay maalmahan, waxa ay sheegtay in ay dhawaan la kulantay qof ay ku baratay app-ka-matchmaking, balse ay isla markiiba kala tageen qofkaas, iyada oo aan doonayn in ay waqtigeeda lumiso, sababtoo ah habka dabeecadoodu ma ahayn mid ku habboon.
Intaa waxaa dheer, Zoe waxay sheegtay inay hadda door bidayso shukansiyo aan waqti badan qaadan doonin.
"Kulanka koobaad maba aado casho baryahaan. Waxaad lacag iyo waqtiba ku bixinaysaa qof laga yaabo in uu kuu gooyo."
Sahan ay samaysay Opinium, oo lagu waraystay ku dhawaad afar kun oo qof oo qaangaara oo u dhashay Ingiriis ayaa lagu waydiiyey sida ay isku bedelayaan caadooyinkoodii shukaansiugu, waxaan lagu ogaaday in dad badani ay wadaagaan dhibaatooyinka Zoe ay sheegtay oo kale.
Ku dhawaad kala bar dadka la waraystay oo u dhigma boqolayada 47%, ayaa sheegay in aanay doonayn in ay lacag ku bixiyaan dadka aanay hubin oo ay door bidaan in ay wakhti hore joojiyaan ballanta.
Dadka jiilka dhexe
Dadka Jiilka dhexe ee dhashay intii u dhaxaysay 1996 iyo 2010, heerkani wuxuu gaadhay konton iyo lix boqolkiiba.
"Markast oo qiimuhu kor u kaco, dadka doobabka ah ee dalka oo dhan waxay noqonayaan kuwa naxariis la'aan ah marka ay timaado noloshooda jacaylka, qaar badanna waxay qaadayaan talaabooyin taxadar leh si ay u hubiyaan inaysan kharash-garayn lacag," ayay tiri Kate Jalie, oo ka tirsan hayada cilmi baarista ee Opinium.
Iyadoo la hadlaysa BBC-da, khabiirka jinsiga iyo xiriirka, Caroline West ayey sheegtay "Cadaadiska dhaqaale iyo qiimaha kor u kacaya, maaha wax la yaab leh in dad badani ay dib uga fekerayaan caadooyinka shukaansigooda, inta badan hab macquul ah ayay noqonaysaa," ayay tiri Caroline West.
Dadka qaar ayaa mid naxariis daran ugu yeera jacaylkoodii hore maadaama ay mudnaanta siinayaan xiriir macno leh.
Kuwa uu u hirgalo hamigooduse waxay ku tilmaamaan taariikh fiicnayd oo dhigaal u ah jiritaanka jacaylkooda muddada dheer.













