'Naafanimadu waa awoodeenna' qoys dhamaantood indha la'

Qoys indho la'
    • Author, Agnes Penda & Gem Oreilly
    • Role, Suxufiyiin BBC

Moses Mugabe waa 53 jir ku nool bariga Yugaandha. Ma yaqaanno sababta keentay inuu indho beelo, laakinse wuxuu xusuusan yahay xilligii ugu dambeysay ee uu arko iftiinka qorraxda, taasoo ilaa maanta markii uu dib u xusuusto uu u riyaaqo.

“Waxaan ku noolaa nolol tiirsaanyo leh wixii ka dambeeyey markii aan helay akhbaarta ah in aan gabi ahaanba waayey aragaygii, isla markaana aanan dib dambe wax u arki doonin” ayuu yiri.

Moses wuxuu ka mid yahay ilaa 3 malyan oo qof oo ku nool Yugaandhakuwaasoo qaba dhibaatooyin dhanka aragga ah sida uu dhigayo tirakoob ay soo saartay hay’adda caalamiga ee ka hortagga indho la’aanta.

Afrika oo dhan marka la eego, ilaa 100 malyan oo qof ayaa indho la’. Inkastoo badi dadka reer Yugaandha ee ku nool magaalooyinka ay heli karaan adeegyada caafimaadka, misna kuwa ku nool dhulka miyiga ah ayaan heli karin daryeelka haboon oo caafimaadka indhaha ah. Yugaandha waxay leedahay dhakhaatiir aan badnayn oo indhaha qaabilsan.

Moses wuxuu kula nool yahay xaaskiisa iyo sedexdiisa ilmood tuulada Luubu oo ku taalla xeebta harada Victoria.

Qoys indho la'

Luubu waxaa ku yaalla iskuul la dhisay sannadkii 2000, waxaana loogu tala galay carruurta aragooda uusan fiicnayn. Moses ayaa hogaamiye u ah dadka indhaha la’ ee Luubu.

Dadkaas ayaa tiradiidu waxay gaaraysaa 25 qof, intooda bandanna gabi ahaan waxba ma arkaan.

Dadkaas waxay ku noo yihiin isku meel waxayna si wadajir ah u isticmaalaan laba musqulood.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay ku kulmaan Isniin walba geed cananaas hoostiisa, ayagoo ka wada hadla caqabadaha haysta.

Moses oo saaxiibadiis ay u yaqaanaan “guddoomiyaha” ayaa kulanka guddooniya. “Waxaan dalbanaynaa kaalmo xagga qalabka ah” ayuu yiri mid ka mid ah dadkaas.

Mid kale ayaa ka qeyliyey lacagta sii kordhaysa ee iskuullada carruurta looga bixiyo. Moses ayaa si deggan ugu jawaabay.

“Ha ogolaanin in xuquuqdeenna lagu xadgudbo ayadoo naloo arkayo in aan naafo nahay. Waan hadlaynaa si qof kasta uu u ogaado qiimaheenna” ayuu ku jawaabay.

Kulamadaas todobaadleyaasha ah ayaa ah kuwo muhiim ah sida uu Moses u sheegay BBC.

“Waxaan kaga hadalnaa sidii aan isku caawin lahayn, caruurteennana wax u bari lahayn oo aan u quudin lahayn, dhar ugu xiri lahayn, iyo sidii aan daryeel caafimaad oo wanaagsan u heli lahayn” ayuu yiri.

Waxaa laga yaabaa in dadka deggan Luubu ay indho beeleen sababo dhowr ah sida qandhada webiga ama onchocerciasis, sonkorowga, qaaxada, iyo xuubka indhaha fuula.

Laakiin qaar badan oo sida Moses oo kale ah, ayaan weligood dhakhtar u sheegin xaaladdooda.

Sannadihii Sagaashamaadkii iyo 2000, xumadda webiga oo sababta indho la'aan ayaa ku fidday bariga Uganda gaar ahaan degmada Mayuge.

Luubu

Xigashada Sawirka, Youtube

Cudurkan ayaa waxaa sababa gooryaanka biyaha ku jira, waxaana uu ku faafiya bini'aadamka qaniinyada duqsiyada madow ee sida cudurka.

Deegaannada ku yaal xeebta harada sida Luubu ayaa ah kuwa ugu badan ee ay saameysay.

Si kastaba ha ahaatee, 2017, ka dib markii la bilaabay mashruucyo lagula dagaalamayo qandhada, qandhada webiga ayaa ku dhamaatay degmada Mayuge.

Cudurka waxaa dhici karta inuusan ahayn sidi uu markii hore ahaan jiray, laakinse tuulada dadka indhaha la’ ee Luubu weli meesheedii ayey ku taallaa.

“Sidii ciidan xero ku jira ayaan u wada nool nahay, taa darteedna waxaa noo sahlan in aan mid ahaanno markii ay xaalad jirto” ayuu yiri Moses.

Ilaa inta laga helayo dhakhaatiir ku filan miyiga Uganda, Moses iyo bulshadiisu waxay sii wadi doonaan inay isku tiirsanaadaan.

"Waxa aan bilowgii baranay waa midnimada, dadku wuu isku baahan yahay, naafo-nimadeenuna waa awooddeenna," ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in saddexda caqabadood ee haysta bulshadan ay ka mid yihiin inay iska ilaaliyaan faquuqa bulshada, dhaxal la’aanta qoysaskooda iyo helista qof qofka kale nolosha la wadaaga.

Dadka uu hogaamiyo waxa kale oo ay ku dadaalayaan in ay wax baraan caruurtooda indhoolayaasha ah, xataa haddii ay u dirayaan dugsiyo hoy ah oo ka fog guriga.

Moses waxa uu rejaynayaa in wiilashiisu ay ku qalin jabin doonaan shahaadooyinka Master iyo Doctorate. Marka ay sidaas sameynayaan ayuu sheegay in ay gacan ka geysan doonaan sidii meesha looga saari lahaa faquuqa bulshada iyo inay helaan mustaqbal wanaagsan.

"Marka ay helaan waxbarasho ku filan, qofna uma arki doono inay yihiin dad indha la' yihiin. Dadku waxay eegi doonaan guushooda halkii ay faquuqi lahaayeen," ayuu yiri.

"Waxaan ka hadli doonaa xuquuqdeena fursad kasta oo aan helno, si kastaba ha ahaatee, codkeena waa la maqli doonaa, wicitaanadayadana waa laga jawaabi doonaa" ayuu sii raaciyey.