Maxaan ka ognahay Nukliyeerka Israel, maxayse madaxdeeda u xaqiijin waayeen ama u beenin waayeen?

Waa sir aan qaarsooneyn: Israel waxay haysatay nukliyeer ilaa iyo 1960-kii. Weli Israel si rasmi ah taas uma xaqiijin.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Israel waxay weerartay Iran iyadoo sheeganeysa in Iran ay qarka u saaran tahay in ay hesho hubka nukliyeerka. Iran waxay taas kaga jawaabtay gantaallo.

"Israel waa dalka kaliya Bariga Dhexe ee haysta hubka nukliyeerka," ayuu yiri Javier Buhigas oo ah cilmibaare ka tirsan xarunta daraasaadka nabadda ee Dallas.

Sida ay sheegtay hay'ada Atoomikada Caalamiga, Iran waxay haystaa keyd yuraaniyam la naaxiyay 60 boqolkiiba balse sida uu sheegay Buhigas, "waa laga dhigi karaa hub nukliyeer ah, waa in la naaxiyaa ilaa iyo 90 boqolkiiba".

Israel marna ma saxiixin heshiiska nukiyeerka balse Iran, Mareykanka iyo Ruushka way saxiixeen heshiiska.

Tani waxay ka dhigan tahay Israel in aysan ku qasbaneyn in la kormeero goobaheeda nukliyeerka.

Xogta ku saabsan nukliyeerka Israel waxaa lagu helay si dadban. Sidoo kale waxaa sheegay in Israel ay haysato nukliyeer, Mordechai Vanunu, oo ahaa ingineer u dhashay Israel kaas oo ka shaqeeyay nukliyeer Israel. Kaddib markii shaqada laga eryay ayuu ingineerkan wareysi siiyay Sunday Times sanadkii 1986-dii.

Wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee sheega in Israel ay leedahay barnaamij nukliyeer. Arrintaas sanado ayuuna xabsi u galay.

Raysalwasaarihii hore Israel, Shimon Peres, ayaa ku qoray xusuus qorkiisa: "Waxaan ogaanay in shakiga uu leeyahay awood aan caadi aheyn… Shakiga wuxuu caqabad ku yahay kuwa rabo in ay Yahuuda xasuuqaan".

Prof. Avner Cohen oo khabiir ku ah nukliyeerka Israel waxa uu qabaa in "siyaasadda la xiriirta shakiga laga qabo nukliyeerka in ay tahay istaraatiijiyada ugu weyn Israel iyo guusha diblomaasiyadeed.

Wuxuu sheegay in siyaasadan ay Israel awood u siiyay in ay ku raaxeysato faa'idadeeda. Cohen wuxuu kaloo sheegay in siyaasadan ay Israel siisay "in loo arko dal hub nukliyeer haysta oo laga cabsado iyo in aan lagu cadeyn karin si loo kormeero".

Israel Hayom oo ah wargeys weyn oo ka soo baxa Israel ayaa sheegay in ujeedka ugu weyn uu yahay in laga hortago culeyska heshiiska nukliyeerka.

Xogtii ugu horeysay ee ku saabsan nukliyeerka Israel waxay soo baxday 1962-kii markas oo Mareykanka sheegay in heshiis dhexmaray Faransiiska iyo Israel uu keenay in la dhiso warshad tamarta nukliyeerka oo ku taal magaalada Dimona.

Sida lagu arkayo khariidada Google xarunta waxay ku taal dhul beero ah. Markaa kaddib, sanadkii 1960-kii, waxaa si cad u sheegay David Ben-Gurion oo raysalwasaare ka ahaa Israel

Sanadkii 1980-kii, xog badan oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Israel ayaa soo baxday. Vanunu waxa uu shaqaale ka soo noqday xarunta, wuxuuna ka shaqeynayay ilaa iyo 1985-tii.

Ka hor inta uusan ka tagin ayuu sawiro ka qaaday xarunta. Sawirada ayaa muujinaya qalabka shucaaca iyo kuwa kale oo la xiriira nukliyeerka.

Vanunu wuxuu ku biiray koox nukliyeerka ka horjeeda oo fadhigoodu yahay magaalada Sydney ee dalka Australia, halkaas ayuuna kula kulmay wariye ka dhaadhicyay in uu daabaco sawirada.

Intee ayey la egyihiin gantaalada nukliyeerka Israel?

Sida laga soo xigtay xogta uu daabacay Vanunu, khubarada waxay xiligaas ku qiyaaseen in Israel ay haysto 100 ilaa iyo 200 oo madax oo nukliyeer ah. Hadda waxaa lagu qiyasayaa in ay haysto ilaa iyo 90 madax.

Sanadkii 2012-kii, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay waxay ansixiyeen qaraar ku baaqaya in Israel ay u ogolaato baarayaasha caalamiga barnaamijkeeda nukliyeerka. Balse waxaa diiday Israel iyo dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Canada.

Iran way saxiixdan heshiiska nukliyeerka balse weeraradii dhawaan ay Israel ku qaaday Iran waxay keeneen sida uu sheegayo afhayeenka wasaarada arrimaha dibadda Iran, Ismail Baghaei, in ay ku dhawaaqdo in ay diyaarineyso sidii ay uga noqon laheyd heshiiska.

In bariga dhexe uu noqdo goob ka caagan hubka nukliyeerka waa arrin ay si joogta ah u soo bandhigaan Golaha guud ee Qaramada Midoobay.