"Roobkii aan xoolaha usoo rarnay ayuu adhigeennii sababsaday"

Biriq

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cali Cabdi Aamin oo ka mida xoolo dhaqatada gobolka Hiiraan ee Soomaaliya ayaa jac ku dhacday xero sadex tiro oo adhi ah ay ugu sugnaayeen dhammaantood ku waayay.

Roobab xooga noo ka da’ay gobolka Hiiraan ayaana keenay jacdaan uu Cali Cabdi Amiin ku waayay xoolahiisa.

Hay’adda Maaraynta iyo Musiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya ayaa digniinno ay soo saartay ku sheegtay in curashada gu’ga iyo roobabka Soomaaliya ka da’aya ay sababa karaan khataro waaweyn oo keena khasaare naf iyo maalba leh.

Digniinahaan ayaa imanaya xilli guud ahaanba wadama bariga dhaca Bariga Afrika ay keeneen dhimasho iyo dhaawacba.

Cali oo ku magacdheer Cali Afeey ayaa qorsheynaayay in meelo kale oo naqleh uu adhigiisa u raro maadaama jiilaal kulul lagasoo baxay balse xoolahii uu islahaa la geedigal waxaa hal habeen ah ka dhisay biriqdaan oo ninkii xoolaha lahaa caydhaysay.

Cali waxuu ku sugnaa meel u dhow tuulada Teedaan oo hoostagta degmada Maxaas waxayna sidoo kale 75km u jirtaa caasimadda gobolka Hiiraan ee Baledweyne oo iyadana laga dayrinayo da’itaanka roobabku in ay u keeni karaan fatahaad uu sameeyo wabiga Shabeelle.

Cali oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in hadda uun ay soo dageen meesha hadda musiibaddu ku haleeshay sababta ay halkaan usoo dageenna waxuu ku sheegay in daruur meesha ku hoortay ay xoolaha ulasoo guureen.

“Daruur da’day baan kusoo dhawaanay xilli habeen ah iyadoo ay tahay ayuu roob awoodleh nagu yimid, biriqdu markay dhacday jugteedii dadkoo dhan way wareereen; oo jihadaa iskaga kaaya darsantay” isaga oo hadalkiisa sii wata waxuu sheegay “Markii xoogaa la joogay oo madaxu noo dagay, adhigii baan eegnay iyadoo xabad ka noolayn oo bakhti soocan yahaa loo tagay xabadna lagama birayn”

Adhigaan oo gaadhaya 300 oo neef waxaa ku tiirsanaa sadex qoys oo ka kooban 40 qof siduu Cali Afeey u sheegay BBC-da waxuuna xusay xaalkooda hadeer in uu yahay mid uusan sina ku sifayn karin musiibadda ku habsatay darteed. ‘‘Waxaan xaaladayada ku qiimeeyo runtii ma garanaayo colaado iyo kulayna horaan soo marnay, haddana qadartaan baa dhacday oo waa musiibo Ilaahay keenay. Xaaladayduna waa iska bariga dhexe.” Ayuu yidhi isaga oo qeexaya sida xoolo la’aanta soo foodsaartay cabiraya.

Adhi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxuu sheegay illaa hadda ayna jirin cid usoo gurmatay meel cid usoo gurmatay ayna jirin balse Ilahaay uun ay baryayaan. “Xalkayaga hadda Ilaah baa loo sheegaa uun, meel kale oo aan isku halaynaynana ma jiraan. Ilaahay bayna gacmahu noogu taaganyahiin”

Roobabka El Niño ee da’ay sanadkii hore aya sababay dhimashada ku dhawaad boqol qof sida ay baahisay warbaahinta qaranka Soomaaliya 700,000 oo qof ayay sidoo kale barakiceyeen sida ay baahisay Hay’adda Qaramada Midoobey.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku Duwidda Arrimaha Bini’aadantimada ee UN OCHA, ayaa sheegtay in in ka badan 124,150 qof ay saameeyeen roobabka curtay ee gu’ga waxayna barakaciyeen 5,100 qof oo ku sugan deegaanada Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Guud ahaan Bariga Afrika ayaa sidoo kale waxaa si xun u saameeyay roobab mahiigaan ah toddobaadyadii la soo dhaafay.

Ku dhawaad 100,000 oo qof ayaa ku barakacay Burundi, halka ugu yaraan 58 qof ay ku dhinteen Tanzania.

Isbadelka cimilada iyo Elnino ayaa dhaliyey mid ka mida xilliyadii ugu darnaa ee dhanka cimilad gaar ahaan roobabka culus ee Bariga Afrika.

Inta lagu jiro marxaladda wanaagsan, biyaha galbeedka Badweynta Hindiya aad ayay uga kulul yihiin sidii caadiga ahayd tani waxay keeni kartaa roobab ka culus eeEl Niño.

Si kastaba ha ahaatee, marka labadaba IOD togan iyo El Niño ay dhacaan isku mar, sidii dhacday sannadkii hore, markaas roobabka Bariga Afrika waxay noqon karaan kuwo xad dhaaf ah.