Maxaan ka ognahay maxaabiista Xamaas gacanta ugu jira sanooyinka

Welwelka laga qabo in ka badan 200 oo qof oo ay qafaasheen Xamaas ayaa ah mid iska cad, maadaama kooxda ay u afduuban yihiin Israa’iliyiin kale muddo sanado ah.

War badan lagama hayo muwaadin asal ahaan Itoobiyaan ah oo u dhashay Israa’iil laguna magacaabo Avera Mengistu iyo Israa’iili dhalad ah oo lagu magacaabo Hisham al-Sayed, kuwaas oo ay Xamaas xiratay 2014-kii iyo 2015-kii.

Ehelada laba askari oo Israa’iili ah ayaa ka xumaaday in Xamaas ay weli meydadkooda ku haystaan Gaza tan iyo 2014-kii. Hadar Goldin iyo Oron Shaul ayaa lagu dilay dagaalkii Xamaas iyo Israa’iil dhex maray isla sanadkaas.

Ururka Xamaas oo ay Iran taageerto isla markaana reer galbeedku ay u aqoonsadeen urur argagaxiso ayaa mar damcay in ay sameeyaan aargoosi weyn ka hor inta aysan sii deyn Israa’iiliyiintii ay qabsatay.

Aviram Shaul, oo ah Oron, ina-adeerkii ayaa sheegay in ay jiraan warar badan oo laga helayo meydkiisa balse Xamaas aysan weli ka helin wax warbixin oo ku saabsan halka uu yaallo meydka Oron, iyo in aysan jirin calaamad dib loogu helayo meydkiisa.

Sannadkii 2014-kii, askartu waxay heleen koofiyadda Oron iyo jaakadda xabadda celisaa iyagoo kahelay god dhulka hoostiisa mara oo ku yaalla Gaza. Laakiin tan iyo markaas, Aviram ayaa ku yiri BBC-da: "Waxaan u maleynayaa in Israa'iil ay illowday iyaga”.

"Hadda waxaa jirta fursad aan ku soo celin karno walaalkay, sababtoo ah hadda waxaan maqleynaa 200 oo qof oo lagu haysto Gaza, dowladdu ma aysan samayn wax dadaal ah si loo badbaadiyo walaalkay, laakiin hadda waa inay sameeyaan dadaal dheeraad ah si loo helo."

Hadda Israa'iil waxay dagaal culus kula jirtaa Xamaas oo dad badan qafaalatay, waxay burbur baaxad leh iyo dil ka geysatay Qasa. Sidaa darteed, heshiis kasta oo maxaabiis isweydaarsi ah waxa ay u muuqataa in uu sii adkaan doono.

Iyadoo ay sii kordhayaan tirada dadka lagu dilay Qaza, waxa ay qasbeysaa in ay sii kororto carada Falastiiniyiinta.

Xamaas ayaa sheegtay in Avera Mengistu iyo Hisham al-Sayed ay yihiin askar, balse dukumentiyada dowladda Israa’iil ee ay aragtay Human Rights Watch ayaa muujinaya inay yihiin dad rayid ah oo laga saaray shaqada militariga.

Tila Fenta ayaa hogaaminaysay ololaha lagu sii dayn lahaa Avera, balse waxa ay sheegtay in Israa’iil ay ka deyrisay iyada oo sheegtay in beesha caalamku ay diiradda saarto in dadka ay caawin doonto.

"Waxaan u maleynayaa in fursadaha soo laabashada Avera ay sii kordhayaan, laakiin ma haysto wax kalsooni ah," ayay u sheegtay BBC-da.

"Waxaan dareemayaa in Avera uu ka mid yahay dadka aan bulshadu jeclayn sababtoo ah midabkiisa maqaarka, xusuusta, iyo qaabka uu ku soo koray degaanka saboolka ah ee Ashkelon.

“Sababaha loo dayacay waa kuwan, haddii uu cadaan yahay, ama uu dhul ballaaran ka soo jeedo, taasi ma dhacdeen, anigu waxaan ogahay in aan la joogin xilligii aan dalkayga carabaabi lahaa, balse waa in la sheego runta" ayey sii raacisay.

Shaqsi kale oo dhallinyaro Israa’iiliya ah laguna magacaabo Jumaa Abu Ghanima ayaa la sheegay in sanadkii 2016-kii uu u tallaabay dhanka Gaza, ilaa iyo haddana lama oga halka uu jaan iyo cirib dhigay.

Waa Israa’iili, waa macquul in uu ku jiro gacanta Xamaas, balse waa wax aan la hubin in ay hayaan.

Inta uusan Qasa u gudbin waxaa la sheegay in uu maray qalliin dhanka maskaxda ah, sida ay sheegay Human Rights Watch.

Bishii Janaayo, Xamaas ayaa sii daysay muuqaal nin ku hadlaya afka Yuhuudda, "Anigu waxaan ahay Avera Mengistu oo horraan laxiray. Ilaa intee ayaan ku jiri doonaa gacanta saaxiibaday?" Qoyskiisa ayaa xaqiijiyay, sida ay BBC-da u sheegeen dadka doonaya in la sii daayo.

Ra'iisul wasaare Netanyahu ayaa u sheegay hooyada Avera in dowladdu ay "hubinayso" in wiilkeeda uu nool yahay. Waxa uu sheegay in Israa’iil aysan joojin isku dayga ay ku soo celinayso isaga iyo dadka kaleba.

Bishii Juun 2022-kii, Xamaas waxa ay sii daysay muuqaalka Hisham al-Sayed oo ay gacanta ku hayso. Aabihiis Shaaban al-Sayed ayaa xaqiijiyay in uu isagu yahay muuqaalka.

Xamaas waxay sheegeen in xaaladda caafimaad ee Hishaam ay kasii dareyso, ma jirin faahfaahin dheeraad ah. Waxa la arkayay isaga oo jiifa isla markaana ay ku xiran yihiin qalabka neefsashada ee ag yaal kaarka aqoonsiga ee ay bixisay Israa’iil.

Tzur Goldin, oo la dhashay Hadar Goldin, ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay inay qorsheyso sidii Xamaas looga hortagi lahaa inay dadka qafaashaan.