Trump ayaa ballanqaaday inuu 24 saac gudahood ku joojin doono dagaalka Ukraine haddii uu guulaysto. wuu guleystay— suurgal ma tahay?

Isla markii loo doortay madaxweyne, Donald Trump wuxuu ku dhawaaqay inuu soo afjari doono dagaallada adduunka. Intii lagu guda jiray ololaha doorashada, wuxuu ku celceliyay in uu joojin doono dagaalka Ukraine 24 saac gudahood. madaxwaynaha la soodrtay ee Maraykanka Trump ma awoodi doonaa inuu fuliyo hawshan aan hore u dhici jirin?

"Si fiican ayaan u aqaanaa Zelensky, si fiican ayaan u aqaanaa Putin, way sahlanaan doontaa," Trump ayaa sidaa ku faanay intii lagu jiray ololihii doorashada.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in guusha uu ka gaaray doorashada ay dhab ahaantii soo dedejin doonto geeddi-socodkii loogu gudbi lahaa wada-xaajood nabadeed, balse dad badan ayaa shaki ka qaba in lagu guuleysan karo.

"[Kooxda Trump] ma garanayaan sida ay u adag tahay iyo dhibaatada ay wada xaajoodyadani noqon doonaan," ayuu yiri Vladimir Fesenko, oo ah agaasimaha Xarunta Penta ee Cilmi-baarista Siyaasadda. "Sidee ayay u adkaan doontaa in heshiis la gaaro, si loo helo nooc ka mid ah tanaasul."

Intii lagu guda jiray dood telefishanka laga sii daayay bishii Sebtember ee sanadkan, Kamala Harris waxay dhankeeda ku nuux-nuux satay in Trump uu ballan qaaday in uu ku soo afjari doono dagaalka Ukraine 24 saacadood oo kaliya sababtoo ah bay tiri si fudud ayuu isu dhiibi doonaa.

Qaar badan oo dadka reer Ukraine ah ayaa ka baqaya in Mareykanka, iyo madaxweynaha cusub, uu ku qasbo Kyiv inay saxiixaan heshiis wata shuruudo aan wanaagsaneyn.

Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ayaa horey u horistaagay gargaarka milatari ee Ukraine iyo oraahda madaxweyne ku xigeenka la doortay ee Vance, oo caan ku ah dhaleeceynta Ukraine, ayaa sii kordhinaysa walaacyadan.

Wareysiga, J.D. Vance wuxuu ku sharaxay sida maamulka cusub uu u arko dejinta nabad laga islaaxiyo Ukraine. Sida laga soo xigtay isaga, waxaa ka mid ah abuurista aag militari ka caagan oo laga hirgaliyo jiidda hore iyo in dhexdhexaadin la bilaabo.

Tani waxay ka dhigan tahay in Ruushka uu ku sii sugnaan doono dhulka uu haysto, Ukrainena ay u diidi doonaan inay ku biirto NATO. Magaalada Kyiv, tan waxaa loo arkaa inay tahay wax-ku-ool, aadna uma badna in heshiiskan oo kale uu ansixiyo hoggaanka dalka.

"Trump lacag ayuu xisaabinayaa"

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo dhammaan hadalladan hore, lama oran karo dareenka rajo-la'aanta iyo niyad-jabka ayaa ku badan bulshada Ukraine

Vladimir Fesenko ayaa ku andacoonaya in Trump aysan u badneyn inuu nabadda ku saleeyo oo kaliya shuruudaha Ruushka.

"Tani waxaa loo arki doonaa kaliya maaha inay tahay guuldarro Ukraine, laakiin sidoo kale waxay u tahay guuldarro Mareykanka," ayuu rumeysan yahay.

Marka la eego hamiga, madaxweyne Trump, uma badna inuu doonayo inuu u ekaado qof guuldaraystay.

Hoggaanka cusub, Maraykanku waxay u badan tahay inuu bedeli doono qaabka taageerada milatari, sida uu rumeysan yahay Fesenko . Kaalmadu waxay u badan tahay inay ahaan doonto mid amaah ah, "Trump waxa uu xisaabayaa lacagta," ayuu intaa ku daray khabiirkan.

Si kastaba ha ahaatee, uma badna in Maraykanku uu joojiyo hubka iyo gargaarka dhaqaale ee uu siiyo Kyiv. Tani waxay keeni doontaa duufaan dhaleecayn ah, oo ka iman doonta dhinacyada ay xitaa ka midka yihiin Jamhuuriyinta.

Gargaarka militarigu wuxuu noqon karaa qalab lagu cadaadiyo kaliya maaha Ukraine, laakiin sidoo kale Ruushka, si loogu qanciyo labada dhinacba inay bilaabaan wadahadal.

Haddii Kyiv ay diido, Maraykanku waxa uu dhimayaa cadadka gargaarka ee Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine. Haddii Moscow aysan aqbalin, Mareykanka, wuxuu kordhinayaa taageerada milatari ee Ukraine.

Mid ka mid ah heshiisyada ugu muhiimsan ee maamulka cusub ee Maraykanku uu ku riixi karo Moscow si uu u bilaabo wada xaajoodka waa diidmada Ukraine ee rejada ay ka qabaan xubinnimada NATO.

Xaaladdan oo kale, Ukraine waxay dalban doontaa dammaanad amni oo kale, oo laga yaabo inay ku saleysan tahay heshiisyo laba geesood ah.

Wada xaajoodka arrintan ayaa noqon doona mid adag, laakiin khubaradu waxay aaminsan yihiin in mabda'a ahaan, ay suurtogal tahay in nooc heshiis ah laga gaaro arrintan.

Tanaasul aan la aqbali karin

Xaaladda hadda ka taagan jiida hore ayaa ku sii adkaaneysa ciidamada qalabka sida ee Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa weli ku sii siqaya magaalada Donbas . Marka loo eego falanqeeyayaasha, waxay qabsadeen qiyaastii 500 km² bishii la soo dhaafay oo keliya - horumarka ugu weyn tan iyo 2023.

Xaaladdan ayaa u janjeersata dad badan oo reer Ukraine ah inay ku biiraan taageerayaasha wadahadalada nabada. Sidaa darteed, sida laga soo xigtay ra'yiururinta Razumkov Foundation, 21% jawaab bixiyaasha ayaa taageeray fikradda ah in wadahadal lala yeesho Ruushka. Sannadkan, durba waa 35% dadka fikirka wadaxaajoodka taageersan.

Sidaa darteed, hadalada Trump ee ku saabsan heshiisyada nabada waxaa si wanaagsan u dareemi doona qaar badan oo reer Ukraine ah. Si kastaba ha ahaatee, waxa Donald Trump iyo wafdigiisa ay ugu yeeraan "nabad" ayaa laga yaabaa inay ka dhigan tahay xabbad-joojin iyo qaboojin colaadeed, tusaale ahaan, Ruushku wuxuu ku sii jiraa dhulkii uu la qabsaday.

Putin wuxuu rabaa nabad lagu saleeyo shuruudihiisa

Dabcan, waa suurtogal in la qaboojiyo dagaalka iyada oo aan la aqoonsan dhulalka la haysto, sida arrinta Crimean oo kale 2014.

Fesenko ayaan meesha ka saarin in Kyiv ay ku qasbanaan doonto in ay qaado tilaabadaas, xitaa haddii dad badan oo reer Ukraine ah ay ka soo horjeestaan ​​go'aankan.

Wax kasta oo ah heshiiska lala galo Ruushka, ma jiri doonto midnimo ku saabsan arrintan Ukraine, sida uu hubo khabiirka lagu magacaabo Fesenko.

Si kastaba ha ahaatee, haddii heshiiska uu soo jeediyo Maraykanku, wuxuu xallin karaa dhibaatooyin dhowr ah.

"Haddii Zelensky uu soo bandhigi lahaa hindisahan, wuxuu noqon lahaa dhibbanaha ugu weyn iyo khaa'inul waddan, laakiin habkan wuxuu noqon doonaa cadaadis kaga imaanaya Maraykanka, oo saaxibka ugu weyn, Trumpna wuxuu noqon doonaa khaa'inul waddan," ayuu yiri Fesenko.

Laakiin dhibaatadu, sida uu qabo khabiirku, maaha sida tan looga fahmi doono bulshada Ukraine, laakiin : "Putin uma baahna qaboojin. Putin wuxuu u baahan yahay nabad isaga u gaar ah."

Tani waa sababta saxda ah, sida uu qabo ku xigeenka Verkhovna Rada ee Ukraine, Oleksandr Merezhko, suurtagal maaha in lagu gaaro nabad iyada oo loo marayo hab diblomaasiyadeed.

Kalsooni la'aanta Ruushka iyo Putin waxay ka dhigaysaa raadinta fursadaha heshiis nabadeed mid aan macno lahayn, ayuu rumaysan yahay.

Isla ra'yigaas waxaa la wadaaga cilmi-baarayaal ka socda xarunta falanqaynta Ingiriiska ee Chatham House, oo soo bandhigtay warbixin bishii October ee la soo dhaafay cinwaan looga dhigay "Sidee loo Joojin karaa Dagaalka Ruushka ee Ukraine."

Ciidamada Ruushka kama bixi doonaan Ukraine ilaa xoog looga saaro, ayuu qoray James Sher, oo ka mid ah qorayaasha warbixinta.

"Ruushka, iskahorimaadyada la qaboojiyey had iyo jeer ma ahayn hab lagu gaaro nabad, laakiin waa goob lagu wiiqayo cadawga," ayuu qoray.

"Marka Trump uu ogaado runta qaraar oo uu ka takhaluso khiyaaliga ah in ay suurtagal tahay in lala heshiiyo Putin, waxaa laga yaabaa inuu si shakhsi ah u qaato tan. Kadibna wuxuu caawin doonaa Kyiv xitaa wax badan oo laga yaabo inuu qaado tallaabooyin xagjir ah si uu u taageero Ukraine."