Maxaa ka jira hadalka Trump ee ah in dadka soo galootiga ah ay cunaan eeyaha iyo bisadaha?

Donald Trump iyo Kamala Harris ayaa fooddda isku daray dooddii ugu horreysay ee telefishinka laga sii daayo ee ololaha doorashada Mareykanka.

Muddo 90 daqiiqo ah oo inta badan la isweydaarsanayay hadalo xamaasad ay ku dheehan tahay, waxaana doodda ay ku qotontay arrimaha muhiimka sida dhaqaalaha, socdaalka iyo ilmo iska soo rididda.

BBC ayaa xaqiijin iyo baaritaan ku sameysay qodobada qaar

Soogalootiga Ohio ma waxa ay cunayaan xayawaanka rabaayada ah?

Trump waxaa uu ku andacooday: Springfield "Dadka soo galootiga ah [muhaajiriin] waxay cunayaan eeyaha, dadka soo galay, waxay cunayaan bisadaha, waxay cunayaan xayawaanka rabaayada ah ee dadka halkaas ku nool".

Xaqiiqada: Ma jiro wax caddaynaya in tani ay dhacday.

Hadalka Trump waxay daba socotay sheegasho aan sal iyo raad toona lahayn - oo uu la wadaagay musharraxa madaxweyne ku xigeenka JD Vance - oo ahaa in muhaajiriin ka yimid Haiti oo dhowaan degay Springfield, Ohio, ay cunayeen xayawaannada rabaayada ah.

Saraakiisha magaalada Springfield ayaa u sheegay BBC Verify: "Ma jiraan warar lagu kalsoonaan karo ama sheegasho gaar ah oo sheegaya in xayawaanka la dhibaateeyo, la dhaawacay ama ay ku xad-gudbeen shakhsiyaad ka tirsan bulshada soogalootiga."

Shaqo la'aant xilligii Trump ma ahayd tii ugu darnayd tan iyo 1930-kii?

Harris: waxay ku andacootay“Donald Trump wuxuu nooga tagay shaqo la'aantii ugu xumayd ”.

Xaqiiqada: eedeyntan waa mid been ah oo aan waxba ka jirin

Dhammaadkii muddada xafiiska Trump ee Janaayo 2021, heerka shaqo la'aanta ayaa ahayd 6.4%.

Ma ahayn xilligii Trump waqtigi ay shaqa la'aantu ugu badnayd ee waxaa jiray bishii Oktober 2009, shaqo la'aantu waxay kor u kacday 10% xilli hoos u dhac dhaqaale uu ahaa mid si aad ah u qoto dheer.

Waxay si tartiib tartiib ah hoos ugu dhacday markii lagu guda jiray cudurkii safmarka ahaa ee Covid, halka xogtii ugu dambeysay ee August 2024, ay muujinayso in shaqo la'aantu ay gaartay 4.2%.

Ma malaayiin qof oo maxaabiis horey u ahaa ayaa soo galaya Mareykanka oo dalbanaya magangalyo?

Trump ayaa ku andacooday: "Waxaan haynaa malaayiin dad ah oo ku soo qulqulaya waddankeenna kuwaasi oo ka yimid xabsiyada iyo jeelasha, xarumaha dhimirka iyo magan-gelyo doon waali ah".

Xaqiiqada: Ma jiraan wax caddayn ah oo muujinaya tirooyinkan.

Waxaa jira ilaa 10 milyan oo muhaajiriin ah oo la kulmay saraakiisha xudduuda Mareykanka tan iyo Janaayo 2021.

Ma jiraan tirooyin si guud loo heli karo oo ku saabsan inta ka mid ah ee xabsi soo maray ama ka yimid xarumaha dhimirka, laakiin waxaa jira xog ku saabsan inta horey loogu xukumay dambiyo.

Ilaa 1.4 milyan oo ka mid ah dadka sida sharci darrada ah uga gudbaya xadka ilaa iyo hadda sanadkan Sebtember 2024 isla markaana ay hubiyeen ilaalada xudduudaha, 14,700 oo qof ayaa hore loogu xukumay dambiyo.

Taasi waxay u dhigantaa qiyaastii 1% mana aha "malaayiin" sida uu Trump sheegayo.

Trump ma saxiixi doonaa mamnuucidda ilmo soo rididda?

Harris: ayaa ku andacootay "Haddii Donald Trump dib loo doorto, wuxuu saxiixi doonaa mamnuucista ilmo iska soo rididda qaranka".

Xaqiiqada: Tani waa marin habaabin Trump ayaa diiday in uu saxiixi doono mamnuucid qaran haddii loo doorto xilka madaxtinimada.

Waxa uu sheegay in uu u dhaafi doono saraakisiha heerka gobol inay go'aan ka gaaraan ilma iska soo xaaqidda.

Halkan, Harris waxay sidoo kale ka hadashay "Mashruuciisa 2025" - tixraac dukumeenti ay daabacday Heritage Foundation garabka midig oo qeexaya liiska soo jeedinta siyaasadeed ee ay aaminsan yihiin in madaxweyne Trump uu fuliyo.

Sidoo kale ma soo jeedinayso mamnuucid qaran, laakiin waxay ku talinaysaa in la xaddido helitaanka ilmo soo rididda.

Trump ayaa iska fogeeyay dukumeentiga, isagoo yiri: "Waxba kama aqaano mashruuca 2025. Wax fikrad ah uma hayo cidda ka dambeysa."

Qaar badan oo ka mid ah saraakiishii hore ee maamulka Trump ayaa xiriir la leh Mashruuca 2025.

Sicir bararka xilligan Biden ma yahay kii ugu xumaa taariikhda Maraykanka?

Waxaa uu ku andacooday Trump: "Sicir-bararka ugu xumaa ee aan waligeen arko" waxa uu na soo maray xilligii Biden.

Xaqiiqada: Tani waa been abuur aan waxba ka jirin

Xilligii Madaxweyne Biden, sicir-bararka ayaa kor u kacay 9.1% bishii jun 2022, xilligaas oo qiimihiisu aad sare ugu kacayay dalal badan.

Sicir-bararka ayaa ka sarreeyay 9% sannadkii 1981-kii, balse aad buu uga sarreeyaa marka loo eego dhawr qodob oo kale oo taariikhda Maraykanka ah.

Tan iyo markii ugu sarreysay bartamihii 2022, sicir-bararka ayaa hoos ugu dhacay 2.9%, sanadkan ilaa July 2024. Laakiin qiimaha ayaa weli kor u kacaya waana arrin muhiim u ah codbixiyeyaal badan.

Canshuuraha Trump ma waxa ay qoysaska ugu kici doontaa $4,000?

Harris ayaa ku andacootay: "Dhaqaalyahanada ayaa sheegaya in canshuurta iibka Trump ay dhab ahaantii u horseedi doonto qoysaska dabaqadda dhexe qiyaastii $ 4,000 dheeraad ah sannadkii".

Xaqiiqada: Harris waxa ay ugu yeertay cashuurta Trump ee soo dejinta cashuurta iibka. Dhaqaale-yahannada qaar ayaa qiyaasay in canshuurtani ay qoysasku ku keeni karaan kharash intaas la eg. Qaar kale waxay leeyihiin qiyaaso intaa ka hooseysaa.

Trump ayaa ku adkeysanaya in qarashka ku baxaya ay dareemi doonaan dalal shisheeye laakiin dhaqaalayahanadu waxay rumeysan yihiin inay jiri doonto kharash dhaqaale oo soo dejinta iyo macaamiisha Mareykanka ah.

Tirada $4,000 waxay ka timid falanqaynta - oo ay soo saartay xarunta bidix ee xarunta dhexe ee horumarka Maraykanka - ee ballan qaadkii Trump ee ahaa in la kordhiyo canshuurta dhammaan badeecadaha la soo dejiyo ilaa 10-20% iyo dhammaan badeecadaha laga keeno Shiinaha ilaa 60%.

Waxay qaateen cadadka uu Maraykanku badeecadaha uga soo iibsado dibadda sannadkii, waxay qiyaaseen inta ay le'eg tahay cashuuraha cusub ee alaabtan waxayna u qaybiyeen tirada qoysaska Maraykanka.

Waxay muujinaysaa $4,600 qoyskiiba, laakiin markaad eegto qoysaska "dakhliga dhexe" waxay ka dhigan tahay tiro dhan $3,900 sanadkii.

Qiyaasaha kale ayaa hooseeya. Machadka Peterson wuxuu qabaa in saameyntu ay ku dhowdahay $1,700 sanadkii (haddii ay noqoto canshuurta 10%) ama $2,500 haddii ay noqoto (20%).

Denbigu miyuu hoos ugu dhacay Venezuela sababtoo ah waxay dambiilayaal u soo dirsadeen Maraykanka?

Trump: "Dambigii Venezuela… hoos ayuu u dhacay sababtoo ah waxay dembiilayaal ka soo qaadeen waddooyinka oo ay siiyeen [Harris] si ay u soo geliyaan waddankeena".

Xaqiiqada: Ma jirto wax caddaynaya in Venezuela ay tan samaynayso. Heerarka dambiyada ayaa hoos u dhacay laakiin khubarada ayaa sheegaya in tani ay sabab u tahay xaaladda dhaqaalaha.

Dawladda Venezuela ma daabacdo tirooyinka dembiyada oo la isku halayn karo, laakiin Kormeerayaasha Rabshadaha ee Venezuela ee madaxbannaan ayaa sameeya.

Warbixinta sanadlaha ah ee Observatory's 2023 ayaa lagu sheegay in dhimashada rabshadaha wadata sanadkaas - sida dilalka - ay hoos u dhaceen rubuc marka loo eego 2022.

Kormeerayaasha ayaa u sheegay BBC Verify: "Dambigu waa la dhimay Venezuela iyadoo la dhimay fursadaha dambiyada: tuuganimada bangiyada waa la waayayaa sababtoo ah ma jirto lacag lagu xado; afduubka waa la dhimay sababtoo ah ma jirto lacag caddaan ah oo lagu bixiyo madaxfurasho."

Waxa ay sheegtay in aanay arag wax caddayn ah oo muujinaya in dawladda Venezuela ay dambiilayaal u soo dirtay Maraykanka.