Ka dib markii Cumar Bin Laden laga soo tarxiilay Faransiiska, maxaan ka naqaan wiilasha uu dhalay hogaamiyihii Al-Qaacida

Cumar bin Laden

Xigashada Sawirka, AFP

Maalmo ka hor, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Faransiiska ayaa ku dhawaaqday inay soo saartay go’aan si abado ah looga hor istaagayo Cumar Bin Laadin oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida Usama Bin Laden inuu dib ugu soo laabto dalka Faransiiska, ka dib markii uu halkaas deganaa muddo dhowr sano ah.

Cumar bin Laden oo 43 jir ah ayaa tan iyo sanadkii 2016 ku sugnaa dalka Faransiiska.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Bruno Rottaeu ayaa sheegay in Cumar bin Laden uu ku nool yahay waaxda Orne isagoo oo ay u dhaxday muwaadin Ingiriis ah, isagoo intaa ku daray in go'aanka loo qaatay sababtoo ah "inuu 2023 faallooyin ku faafiyey shabakadaha bulshada ee uu ku ammaanayo argagixisada." Waxa uu tilmaamay in “Maxkamaduhu ay xaqiijiyeen sharci ahaanshiyaha go’aankan oo loo qaatay danta amniga qaranka”.

Sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ee Faransiiska, Cumar waxa laga mamnuucay in uu soo galo Faransiiska “ xaalad kasta ha ahaatee.

Arrinta Cumar ayaa dhalisay su’aal ah maxaa ku dhacay Wiilashii Usama Bin Laden oo ay ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ku dileen Pakistan sanadkii 2011-kii laguna aasay badda?

Cumar ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay wiilkii afaraad ee hogaamiyaha Al-Qaacida, waxaana uu ku dhashay dalka Sacuudiga, oo ay ka soo jeedaan qoyska maalqabeenka ah ee Yemen. Yaraantiisii ​​waxa uu ku koray Sucuudiga, ka dibna waxa uu ku noolaa Suudaan iyo Afgaanistaan.

Cumar waxa ay kala tageen Aabihii isaga oo yar, waxaa uuna jiray xilligaasi 19 sano, waxaa uuna beddelay maskaxdiisa , isaga oo ay is maca-salaameyeen aabihii sannadkii 2000, waxaa uuna diiday in uu dhamaysto tabobarkii uu ku qaatay xeryihii Jihaadka ee Afgaanistaan. Cumar waxa uu diiday in uu qeyb ka noqdo dhiig daata, waxa uuna naftiisa u dooray waddo kale.

Cumar waxa uu degenaansho ka helay dalka Faransiiska ka dib markii uu guursaday haweenay u dhalatay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Jane Felix Brown, taasoo markii dambe magaceeda u beddeshay Zeina Mohammed Al-Sabah waxayna isku barteen dalka Masar.

Sannadkii 2008dii, Zeina waxay u sheegtay jariiradda The Guardian in mas'uuliyiinta Britain ay u diidayeen Cumar dhalasho iyaga oo eegaya taariikhda qoyskiisa.

Cumar waxa uu degay Normandy, waqooyiga Faransiiska, halkaas oo uu ka noqday farshaxan-yaqaan, kaas oo dhiirigeliyay dabeecadda baadiyaha Faransiiska. Maamulka Faransiiska ayaa soo saaray go’aan ah in si abado ah dalka looga saaro bishan Oktoobar.

Cumar ayaa la sheegay in uu dib ugu laabtay dalka Qatar ka dib markii la soo saaray amarkii dalka looga saarayay sanadkii 2023-kii, ka dib markii uu ka dhacay degenaanshiyaha dalkaasi, iyadoo racfaan laga qaatay go'aanka uu weli maxkamad yaallo.

"kuma noolaan doono Harka aabbahay"

Cumar iyo xaaskiisa oo ku sugan Talyaaniga 2008dii

Xigashada Sawirka, Wire Image

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

In kasta oo Cumar uu ka biyo-diiday hab-dhaqanka aabbihiis, haddana waxa ay wararku sheegayaan in laga yaabo in uu la soo dersay shaki guud oo ku saabsan in uu ka go’i karo dhaxalka iyo raadka qoyska.

Geeridii aabbihii ka dib, Cumar waxa uu dhaleeceeyay Maraykanka, isaga oo ku eedeeyay “in ay ku xad-gudbeen sharciga caalamiga ah, iyaga oo aan ogolayn in si sax ah loo aaso aabbihiis,” iyada oo ay jirto muran ka dhashay aaska Usaama Bin Ladin ee badda.

Xusuus-qorkiisa oo la daabacay sannadkii 2009-kii, waxa uu Cumar ku muujiyey sida uu uga xun yahay xaaladdiisa gaarka ah, isaga oo la soo koray Aabe si joogto ah isu qariya cabsi uu ka qabo awgeed Hay’adaha Sirdoonka Adduunka, gaar ahaan CIA-da.

Si kastaba ha ahaatee, Cumar waxa uu taageero ka helay dadkii isaga ku dhowaa, gaar ahaan xaaskiisa, oo beenisay eedeymaha loo soo jeediyay ee ku saabsanaa qoraal ka xanaajiyay madaxda Faransiiska, oo ay u arkeen mid lagu ammaanayo argagixisada.

Waxay xaqiijisay in hadalkaas uu ahaa hadal uu ka soo xigtay siyaasigii geeriyooday ee Ingiriiska Winston Churchill. Pascal Martin, oo ah saaxib ku dhaw cumar oo ku nool Faransiiska, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Cumar uusan la wadaagin fikradaha aabihiis, isagoo raaciyay: "Waxaan noqonnay saaxiibo, waxaana dhihi karaa Cumar aan aqaanay uma eka sawirka la wadwado."

Sidee bay u noolaayeen carruurta Bin Laden?

Hamza bin Laden

Xigashada Sawirka, CIA

Halka Cumar bin Laadin uu doortay inuusan raacin wadadii aabbihii, Usama bin Laadin wuxuu lahaa wiilal kale oo raacay wadadii uu qaaday. Xamza, oo la rumeysan yahay in da’diisu ay tahay 30 sano, ayaa soo shaac baxay markii warbaahinta Mareykanka ay sheegtay in lagu dilay duqeyn cirka ah oo sanadkii 2019-kii dhacday xilligii Donald Trump.

Inkastoo dhimashadiisa la shaaciyay sanadkii 2019-ka, ayaa haddana waxaa la sheegay in howlgalka uu dhacay labo sano ka hor, iyadoo Pentagon-ka aysan ka hadlin weerarkan. Xamza ayaa la rumeysan yahay in uu ahaa musharrax in uu xilka kala wareego aabihiis oo ah hoggaamiyaha Al-Qaacida, iyadoo lagu saleeyay dukumeenti laga helay guriga aabihii ka dib weerarkii Mareykanka uu ku dilay 2011-kii.

Mar sii horreysay, Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan 1 milyan oo dollar ugu yaboohay ciddii keenta xog horseeda soo qabashada Xamza. Waxa loo tixgalin jiray hogaamiye da’yar oo doonayey in uu dib u dhiso al-Qaacida. Ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay in ay heleen cajalad muuqaal ah oo muujinaya arooska Xamza uu guursaday gabar uu dhalay hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Qaacidada Iran.

Marka la eego dhalashadiisa, warbixinnada warbaahintu waxay muujinayaan in Sacuudi Carabiya ay kala noqotay dhalashadii Hamza bin Laden, iyada oo la isla dhex marayay halka uu ku sugan yahay, iyo in uu ku sugan yahay Afghanistan, Pakistan, Suuriya ama Iran. Warbixin uu soo saaray machadka Brookings ayaa lagu sheegay in Xamza uu aabihiis la joogay dalka Afgaanistaan ​​ka hor weeraradii 11-kii Sebtembar, waxaana uu waqti kula qaatay dalka Pakistan kadib duulaankii Mareykanka ee Afgaanistaan.

Sannadkii 2015-kii, Xamza waxa uu soo saaray farriintiisii ​​ugu horreysay ee cod ah, taasoo uu ku dhaartay inuu u aargudi doono Aabihiis oo uu jihaad ka gelayo cadawgiisa, wuxuuna isu soo bandhigay inuu yahay dhaxal-sugaha Usaama Bin Laadin.

Wiilasha Bin Ladin ee magacyadooda sidoo kale lala xiriirinayo argagixisanimada waxaa ka mid ah Sacad oo ahaa wiilkii saddexaad oo lagu dilay weerar uu Mareykanku ku qaaday Pakistan sannadkii 2009-kii iyo Khalid oo aabbihii lala dilay weerar uu Mareykanku ku qaaday gurigiisa sannadkii 2011-kii.

Sawir qaade Pakistani ah oo lagu magacaabo Mazhar Khan ayaa sawir ka qaaday Usama Bin Laden iyo mid ka mid ah wiilashiisa oo ku sugan dalka Afghanistan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hogaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laadin ee u dhashay dalka Sucuudiga ayaa la og yahay in uu dhalay tiro badan oo wiilal iyo gabdho ah oo ay u dhaleen dhawr xaas. Inkasta oo aanay jirin tiro sax ah, Wikipedia waxa uu ku qiyaasay tirada carruurtiisa la yaqaan ku dhowaad 20.

Usama Bin Laadin qudhiisa waxa uu ahaa wiilka toddoba iyo tobnaad ee uu dhalay mid ka mid ah maalqabeennada Sucuudiga, Mohammed bin Laden, kaas oo sannadkii 1931-kii aasaasay boqortooyo dhaqaale oo aad u weyn, waxaanu dhalay in ka badan 50 wiilal iyo gabdho isugu jira oo y dhaleen dhowr xaas oo uu guursaday.

Xog badan lagama hayo wiilasha Usaama, waana dhif in lagu sheego warbaahinta, marka laga reebo sheekooyinka qaar ee ku saabsan kuwa ku hadhay ra'yiga aabihiis, ama kuwa ka tagay habkiisa oo qaaday waddooyin kala duwan.

Marka loo eego Taariikhda, nolosha gudaha guriga bin Laden waxay ahayd mid adag. Wiilashu waxay ku noolaayeen qaboojiye la'aan xilliga xagaaga kululka Afgaanistaan, waxay ku seexdeen joodariyaal dhulka, waxayna xirnaayeen dhar fudud.

Sannadkii 2017-kii, Iman bin Laden, oo la hadlaysay The Guardian, ayaa daaha ka qaadday tafaasiil ku saabsan nolosha aabaheed, iyadoo xustay in qoysku ay ku nool yihiin xaalad kala firdhisan iyo xasillooni darro.

Waxay xasuusisay in Sebtembar 10, 2001, maalin ka hor weerarradii Xarunta Ganacsiga Adduunka, xaasaska Bin Laden lagu amray inay alaabtooda xirxirtaan oo ay carruurtooda ka raraan Kandahar. Qoysku waxay ku safrayeen saddex maalmood bas xun oo xilligii Soofiyeedka la sameeyay, iyagoo aan garanayn halka ay aadayaan. Weerarada ayaa dhacay intii ay ku guda jireen socdaalkooda waqooyi bari ee Afgaanistaan, ayay tiri Iman.

Iimaan waxa ay ka warrantay noloshii Qasriga ay aabaheed iyo xaasaskiisu ku noolaayeen ee Qandahaar, waxayna sheegtay in qeylada walaalkeed Cumar oo xilligaa ahaa wiil dhalinyaro ah ay meesha ka buuxisay khilaafkii joogtada ahaa ee uu kala dhaxeeyay aabihii, inkastoo ay aad isugu dhow yihiin. Taa beddelkeeda, Hamza bin Laden waxa uu dhaxlay fikradaha xag-jirnimada ee aabihiis.

Waxa ay intaa ku dartay in aabaheed uu doonayay in uu dhalo caruur badan si uu ugu adeego yoolkiisa, laakiin dariiqa qalalaasaha ah ee uu doortay ayaa horseeday burburka qoyska.

Iman ayaa sheegtay in qoyskan ay soo wajaheen dhibaatooyin isa soo taraya kadib duulaankii Mareykanka ee Afgaanistaan, taasi oo keentay in ay raadsadaan meel ay gabaad ka dhigtaan. Mid ka mid ah xulashooyinka lama filaanka ah ayaa ahaa Iran oo aan la shaqeyn reer galbeedka, waxayna la wadaagtay xuduudda Afgaanistaan, taas oo ka dhigtay khiyaarka haboon.

Si kastaba ha ahaatee, Iman waxa ay tixgelisay in magangelyo laga raadiyo Iran ay halis tahay, sababo la xiriira kala duwanaanshaha diimeed ee u dhexeeya Shiicada iyo Sunniga, marka laga soo tago cadaawadda Iran iyo Al-Qaacida.

Wiilasha Bin Ladin ayaa la sheegay in markii dambe ay ku kala firaareen inta u dhaxeysa Pakistan, Suuriya iyo Iran, halkaasoo qaarkood ay ku noolaayeen xabsi guri oo ay ku noolaayeen nolol hooseysa.

Ku laabashaadii sacuudiga

Muddo ka dib, xubnaha qoyska qaarkood waxay damceen inay soo afjaraan qurbaha. Sannadkii 2010-kii, Iman waxay kaalmo ka raadsatay safaaradda Sacuudiga ee Tehran, waxayna ku laabatay Jeddah iyadoo 20 jir ah, iyadoo ay la socdaan qaar ka mid ah walaalaheed. Xubnaha kale ee qoyska waxay u guureen Qatar. Iman waxa ay sharaxday in isku soo dhawaanshihii Riyadh ee Washington 2001 ay ka hor istaagtay in ay ku fikirto in ay magangelyo weydiisato Sucuudiga wakhtigaas.

Isagoo la hadlayay BBC-da, Maxamed Ibrahim, oo ah cilmi-baare arrimaha siyaasadda oo u dhashay Sucuudiga, ayaa yiri: “Qoyska Bin Laadin ayaa weli ah qayb saameyn ku leh bulshada Sucuudiga, taas oo soo dhawaysa xubnaheeda guud ahaan, marka laga reebo kiisas gaar ah oo kala go’a reerka ka yimid.”

Ibraahim waxa uu sheegay in Sucuudigu “uu ixtiraamo waajibaadka ka saaran muwaadiniintiisa, marka laga reebo kuwa la caddeeyo inay ku lug leeyihiin xad-gudubyo dhanka sharciga ah, ha noqoto mid qaran ama mid caalami ah”.

Laakiin waxa caqabad ku noqon kara in wiilasha Bin Ladin ay dib ugu soo laabtaan Sacuudiga waa sharciga ka soo horjeeda dadka maalgaliya argagixisada (JASTA) ee Mareykanka laga soo saaray 2016-kii.

Sharcigan ayaa u ogolaanaya qoysaska dhibanayaasha weeraradii Sebtembar 11 in ay dacweeyaan Sacuudiga oo ay ku daba-galaan mas’uuliyiintooda wixii waxyeello ah ee ka dhasha weerarradaas, inkastoo Sacuudiga uu ka soo horjeedo oo uu diiday mas’uuliyadda weerarradii 11-kii September.

Guud ahaan qoyska Bin Laadin ee ku nool dalka Sacuudiga ayaa si weyn isha loogu hayaa, waxaana la sheegay in wiilasha uu dhalay Osama ee soo laabtay uu ka mid yahay Cabdallah Bin Laden oo ah wiilka ugu weyn, kaasoo hadda ganacsigiisa halkaas ku wata.

Sannadkii 2017-kii, markii awooddiisa ay sare u soo kacday dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman, xubnaha qoyska ayaa lagu xiray "Ritz-Carlton roundup", oo ay ku jiraan ganacsato iyo amiirro loo haysto eedeymo musuqmaasuq.