War kasoo kordhay maxkamadeynta wiilka Soomaaliga ah ee Sweden ku dilay saaxiibtiisii uurka u lahayd

Sweden

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Wiil Soomaali ah oo qaxooti ku ah dalka Sweden kaasoo sanadkii hore dilay saaxiibtiis oo uur toddoba bilood ah u lahayd ayaa ku guul-darreystay racfaankii uu ka qaatay xabsi daa'im hore loogu xukumay.

Saga Forsgren Elneborg, oo 20 jir ahayd, ayaa meydkeeda oo ceeji ay ka muuqatay laga helay gurigeeda oo ku yaalla magaalada Örebro bishii April 2023, kiiskan oo ka yaabiyay dalkaas.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Maxamed-amiin Cabdirisaaq Ibraahim oo 22 jir ah uu go'aansaday inuu gabadha dilo intii uu u sheegi lahaa qoyskiisa in saaxiibtiis oo dal kale kasoo jeedda ay uur u leedahay.

Kadib markii lagu xukumay xabsi daa'im bishii July ee sanadkii hore, Maxamed ayaa racfaan ka qaatay xukunka kadib markii uu si joogto ah u dafirayay inuu wax khalad ah sameeyay.

Balse Arbacadii ayaa Maxkamadda Racfaanka waxay go'aan ku gaartay inay jirto caddeyn buuxda oo isaga la xiriirineysa dilka sidaa darteedna xukunka uu sidiisa ahaanayo.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in habeenkii ay ahayd inuu Maxamed u sheego qoyskiisa warka uurka Saga, uu tegay gurigii ay ka degganeyd Örebro uuna ceejiyay ilaa ay geeriyootay isagoo xarigga nalka uga ceejiyay qoorta.

Hase yeeshee Maxamed ayaa beeniyay eedeyntaas wuxuuna la xiriiriyay inay burcad gurigeeda galeen oo ay dileen si ay uga qaataan lacag ay heysatay.

Balse dhammaanba sheegashadiisa ayaa la diiday iyadoo Maxkamadda Racfaanka ay ayidday go'aankii hore.

Elizabeth Anderson oo ah dacwad oogaha muddiciga ku ah Maxamed Amiin waxay ku doodday in uu xaaskiisa dilay ka dib markii uu "ceejiyey”, ayadoo ilmihii uurka ay ku siddayna uu geeriyooday.

"Waxaan ula jeedaa in dilka ay ku dhex jirtay arrin sharaf la xiriirta, waayo ninku wuxuu doonayey inu ilaaliyo sharaftiisa iyo tan qoyskiisa, wuxuuna dilay haweeneyda iyo ilmihii ay sidday” ayey tiri dacwad oogaha.

"Si xoog leh ayuu ugu sirqiyey waayirka nalka sariirta dhinaceeda la dhigo” ayey tiri dacwad oogaha oo uu soo xigtay wargayska Afton Bladet.

Sweden

Xigashada Sawirka, X

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa la soo bandhigay farriimo ay is dhaafsadeen oo farriinta ugu dambaysay ay ahayd "ila hadal”. Isla habeenkaas ay farriimaha is dhaafsadeen ayaa meydkeeda la helay.

Farriimaha waxaa sida ay warbaahinta sheegayso ku jiray inuu u soo jeediyey gabadha in ay ilmaha iska soo riddo.

Qoyska ninka eedeysanaha ah ayey dacwad soo ooguhu sheegtay in aan lagu helin caddayn muujinaysa inuu la socodsiiyey in gabar ay uur u leedahay, taasoo doonaysay in todobaad ka dib ay u soo guurto.

"Ninka la tuhunsan yahay marnaba arrinta Saga ama ilmaha uurka ku jira uma uusan sheegin qoyskiisa, waxaana lagu soo koriyey si sharaf waafaqsan, wuxuuna ogaaday in aysan arrintan isaga u fiicnayn” ayey sii raacisay.

Gabadha geeriyootay hooyadeed ayaa iyadana mid ka mid ah wargaysyada Sweden ka soo baxa u sheegtay in ay "aad u faraxsanayd gabadheeda oo ay ku talo jirtay in ay guri cusub u guurto, nolol cusub oo hooyonimana billowdo. Tani waxay ahayd arrinkii ugu darnaa” ayey tiri.

Maxamed Amiin oo hadda ku eedeysan dilka gabadha oo kaliya waxaa maxkamadiisa oo laba todobaad soconaysa ay bilaaban doontaa 10ka bishan, wuxuuna diiday inuu wax khalad ah sameeyey.

Waxaan isku d aynay in aan la xiriirno madaxda jaaliyadda iyo qoyska Maxamed Amiin, laakinse nooma suurto-galin in aan faahfaahin dhankooda ka helno.