Israel oo duqeyn ku dishay dad sugayay gargaar

Dadweynaha Gaza

Xigashada Sawirka, Reuters

Israel ayaa duqeyn iyo rasaas ku dishay 43 Falastiiniyiin ah Gaza. 32 ka mid ah dadka dhintay waxay ahaayeen dad sugayay gargaar bani'aadannimo sida ay sheegtay wakaalada wararka Falastiin ee WAFA.

Afhayeen u hadlay kooxda difaaca rayidka, Mahamoud Basal, ayaa sheegay in haweeney iyo dhowr carruur ah oo sugayay gargaar ay ka mid ahaayeen dadka dhintay. In ka badan 100 qof ayaa ku dhaawacay, waxayna ku dhinteen meel u dhow labada xarun ee cuntada lagu qeybiyo ee Khan Yonis iyo Rafax ee koonfurta Gaza.

Goobjooge ayaa sheegay in boqolaal Falastiiniyiin ah ay isugu yimaadeen hareeraha xarun lagu qeybiyo cuntada oo ay maamulaan Israel iyo urur uu Mareykanka taageero meel u dhow Khan Yunis. Ciidamada Israel ayaa rasaasta ku furay.

Ugu horeyn Israel waxay sheegtay in ay hubinayaan wararka sheegaya rasaasta iyagoo ka jawaabayay su'aal ay weydiisay wakaalada wararka ee AFP.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo Dooxa ay ka socdaan wadaxaajood u dhexeeya Xamaas iyo Israel.

Madaxweynaha Mareykanka Donlad Trump ayaa doonaya in uu xabadjoojinta kaga faa'ideysto heshiis wadahadal oo xadka ku saabsan kaas oo lagu dhameynayo dagaalka. Qodobada heshiiska waxaa ka mid ah in la sii daayo 10 la haystayaal Israel ah oo weli nool, maxaabiista Falastiin ee ku jira jeelasha Israel iyo in si weyn loo kordhiyo gargaarka Gaza.

Weerarada Gaza

Xigashada Sawirka, Reuters

Abdulaziz Abed oo 37 jir ah ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in isaga iyo shan ka mid ah qaraabadiisa ay ku sii jeedeen Tina inta aysan qoraxda dhicin si ay gargaar u helaan. Abdulaziz wuxuu sheegay in Israel ay rasaas ku fureen dadka iyagoo dad badan dhaawac iyo dhimasho u geystay. Aniga iyo qaraabadeyda waxba ma helin ayuu yiri Abdulaziz.

"Maalin kasta halkaas ayaan tagaa, sidaan ayaa naloo xabadeeyaa, halkii aan cunto ka heli laheyn daal ayaan la soo noqonaa" ayuu yiri Abdulaziz oo intaas ku daray "Alle ha u naxariisto dadka Gaza".

Wasaarada arrimaha dibada Falastiin ayaa cambaareysay iyadoo ku tilmaantay, "dil-wadareed lagu beegsaday xarumaha gargaarka ee Gaza".

Qoraal ka soo abxay wasaarada ayaa lagu sheegay in wasaarada u aragto "in dambigan uu la mid yahay mid cusub oo qeyb ka ah dilal taxan oo lagu beegsanayo in ka badan labo milyan oo Gaza ku nool, iyadoo habab kala duwan loo dilayo sida duqeyn, in gaajo la geliyo, in loo diido dawada iyo daweynta si loogu riixo in ay qasab ku qaxaan".

Katooliga way joogi doonaan Gaza "wax kasta oo dhaca"

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Afhayeen u hadashay xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha bani'aadannimada, Eri Kaneko, ayaa sheegtay in loo diiday dhowr hay'adood oo codsaday in loo ogolaado in ay Gaza galaan.

Waxay kaloo ay sheegtay in Israel ay dal-ku-galka u diiday Jonathan Whittall oo ah madaxa xafiiska arrimaha bani'aadannimada ee Qaramada Midoobay.

Fiisooyinka shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa dhawaan loo cusbooneysiiyay iyadoo la siiyay waqti ka yar intii caadiga aheyd, sidoo kale waxaa la diiday ogolaashaha shaqaalaha Falastiin ay ku galikaraan Bariga Jerusalem.

Toddbaadkii la soo dhaafay waxay noo sheegeen madaxda Israel ayey tiri Eri Kaneko in aan fiisaha loo kordhineynin Jonathan Whittall wixii ka dambeeyay bisha August.

Latin Patriarch oo ah baadariga Jerusalem ayaa Gaza galay Jimcihii si uu gargaar bani'aadannimo u gaarsiiyo dadka ku dhaawacmay duqeynta Israel ee ku jira kinisada kaliya ee Katooliga ee ku taal dhulKa hareereysan ee Falastiin.

Wareysi uu siiyay wargeyska ka soo baxa Talyaaniga ee lagu magacaabo Corriere della Sera ayuu Baadariga ku sheegay in joogitaanka Katooliga Gaza ay sii jiri doonto "wax walba oo dhaca".

Andrea Tornielli oo ah tafaftiraha qeybta mas'uulka ka ah saxaafada Vatican-ka ayaa ku qoray bogga rasmiga ee Vatican-ka in qoraalada Israel ee dhahaya weerarka waa "mid khalad ku dhacay, waana la baraa" in aan la xaqiijin karin.

Marka la fiiriyo labo arrimood way adag tahay ayuu yiri qoraaga in la aamino waxa ay Israel sheegeyso. Tan koowaad waxay ka hor'imaaneysaa xaqiiqda sida masjidka la burburiyay iyo weerarka kinisada iyo sidoo kale sanad iyo bar kaddib in aysan wax natiijo ah ka soo bixin baarista labo haween oo kiristaan ah oo lagu dilay Gaza.

Ilaa markii uu bilowday dagaalka Gaza waxaa ku dhintay Falastiiniyiin ka badan 58,667 oo intooda badan rayid ah.