Masawirada xayawaanada ugu qosolka badan sanadka 2025

.

Xigashada Sawirka, Liliana Luca

Sanadkaan waxaa lagu dhawaaqay guulaystaha abaal marinta Nikon Comedy Wildlife Awards.

Abaal marintaan waxaa la aasaasay sanadkii 2015 kii, waxaana aasaasay sawirqaade Paul Joynson-Hicks.

.

Xigashada Sawirka, Alison Tuck

Sawirka ciwaankiisu yahay 'Marka, wadada gurigeygu dhankee iga xigtaa?' amaan wayn ayuu ka helay tartanka.

Guuleystaha tartanka ayaa isalaamay

.

Xigashada Sawirka, Mark Meth Cohn

Sawirkaan abaal marinta ku guuleystay ee ah daanyeerka talaabsanaya waxaa gudaha dalka Rwanda ku qaaday Mark Meth Cohn.

Afar maalin ayuu buuro dhaxan badan dhex socday si uu u helo daanyeerka nuucaan ah.

Sawir-qaadaha ugu da'da yar

.

Xigashada Sawirka, Grayson Bell

Grayson Bell ayaa ku guulaystay bilada dahabka ee qaybta da'yarta da'doodu tahay 16 iyo wixii ka hooseeya.

Grayson waxa uu sawiray rah cagaaran oo ku sugan Maine, USA, waxa uuna ogaaday kaliya in uu qabtay xiligan markii uu guriga yimid.

"Waan tusay waalidiintay wayna jeclaysteen, waxay noqotay mid ka mid ah sawirada aan jeclahay. Dhammaanteen waxaan u malaynay inay tahay rah isku dayaya inuu baabtiiso mid kale!"

.

Xigashada Sawirka, Paula Rustemeier

Dawacooyinkan cas ayaa aad u raaxaysanayay iyagoo muujinaya xirfadahooda qoob-ka-ciyaarka.

Sawiradan ayaa waxaa qaaday Paula Rustemeier oo u dhalatay dalka Holland, taasoo ku guuleysatay kaalinta koowaad ee qeybta 25-jirada.

Paula waxay tiri, "Aad ayaad u qosli doontaa daawashada dawacooyinka oo ku ciyaaraya shakhsiyadooda gaarka ah."

.

Xigashada Sawirka, Christy Grinton

Dhammaanteen waxaan soo marnay maalmo aysan timaheenu aysan toos u istaagin, laakiin dabagaalahaan Canada ku nool tiisu waaba ay ka sii xag jirtaa.