Wiilka Museveni oo ku hanjabay inuu dhufaani doono hoggaamiyaha mucaaradka

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Basillioh Rukanga
- Waqtiga akhriska: 8 daqiiqo
Gen Muhoozi Kainerugaba oo ah nin si kulul wax ugu qora barta Twitter-ka (X) isla markaana madax u ah milatariga Uganda, ayaa dadka dhaliila waxay ku sifeeyaan inuu udub dhexaad u yahay isbahaysi saddex-geesood ah oo "aan barakaysnayn," oo saddex nin ay maamulaan, kuwaas oo gacanta birta ah ku maamula dalkan ku yaalla Bariga Afrika.
Kainerugaba, oo uu dhalay hoggaamiyaha muddada dheer talada dalkaas haya ee Yoweri Museveni, ayaa barta X ku baahiyey qoraallo ku saabsan dilka taageerayaasha mucaaradka intii ay socotay doorashadii madaxtinnimada ee sida weyn loogu loollamay bishan. Qoraallo markii dambe la tirtiray, ayuu sidoo kale ugu hanjabay inuu murrashaxii laga adkaaday ee Bobi Wine ka saari doono xiniinyaha.
Iyadoo madaxweynaha 81-jirka ah uu ku guulaystay markiisii toddobaad, falanqeeyeyaasha ayaa sheegaya inay u dhowdahay in tani ay noqoto muddo-xileedkiisii ugu dambeeyey, uuna u diyaarinayo wiilkiisa 51-jirka ah inuu beddelo. Waxa loogu yeero "isbahaysiga aan barakaysnayn" — oo laga soo minguuriyey caqiiddada Kirishtaanka ee "Saddexnimada Barakaysan" — ayaa ka kooban Museveni, Kainerugaba, iyo walaalka awoodda badan ee madaxweynaha isla markaana ah la-taliyaha gaarka ah, Saalim Saalax.
Nicodemus Minde, oo ah falanqeeye fadhigiisu yahay Kenya oo u shaqeeya machadka daraasaadka amniga (ISS), ayaa u sheegay BBC-da inuu sharraxaaddan maqlay intii uu ku guda jiray safar cilmi-baaris ah oo uu dhowaan ku tegay Uganda. "Aabbuhu waa Museveni, Wiilkuna waa Muhoozi, ka dibna Ruuxa aan Barakaysnayn wuxuu noqonayaa adeerkood, Saalim Saalax," ayuu yiri.
Minde ayaa ku sifeeyay Saalax inuu yahay "awoodda daaha gadaashiisa ka jirta", isagoo sheegay inuu saameyn weyn ku leeyahay dhinacyada lacagta, ganacsiga iyo helitaanka fursadaha. Taageerayaasha mucaaradka ayaa qoyskan ku eedeeya inay aaminsan yihiin inay xaq rabbaani ah u leeyihiin inay xukumaan Uganda, iyadoo Museveni uu dheereystay 40-kii sano ee uu xilka hayay ka dib markii lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada in ka badan 70% codadkii la dhiibtay.
Dhab ahaantii, Anita Among oo ahayd afhayeenka baarlamaankii ugu dambeeyay, ayaa sidoo kale isticmaashay sawirka "saddexnimada barakaysan" sanadkii hore.
Ka dib markii uu helay kaliya 24% codadkii la dhiibtay, Wine ayaa natiijada ku tilmaamay "mid been abuur ah", isagoo sheegay in "sanduuqyada la soo buuxiyay" ay ka dambeysay guusha Museveni. Tani waxay ka caraysiisay Kainerugaba, kaasoo u hanjabay hoggaamiyaha mucaaradka, isagoo siiyay "48 saacadood oo sax ah inuu isku dhiibo booliska". "Haddii uusan samayn, waxaan ula dhaqmi doonnaa sidii qof sharciga ka baxsan/mucaarad ah, si waafaqsanna waan ula tacaali doonnaa," ayuu ku qoray.
Qoraalladaas — iyo kii uu ugu hanjabay inuu Bobi Wine inuu xubnaha taranka ka goynayo — ayaa tan iyo markaas la tirtiray. Wine, oo dhuumaalaysi galay ka dib markii lagu weeraray gurigiisa doorashada ka dib, ayaa markii dambe ugu jawaabay jeneraalka barta X, isagoo soo dhigay sawirka qoraallada la tirtiray — taasoo Kainerugaba uu kaga jawaabay: "Boo hoo hoo Mr. 24%."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qoraal kale oo sheegaya in Wine lagu raadinayo "nolol ama geeri" ayaa weli ku jira bartiisa, in kasta oo wasiir ka tirsan dawladda uu sheegay in hoggaamiyaha mucaaradku uu xor u yahay inuu qabsado hawlihiisa. Taliyaha ciidanka ayaa markii dambe ku eedeeyay Mareykanka inay ka caawiyeen Wine inuu baxsado, wuxuuna sheegay in dhammaan iskaashiga milatari ee labada waddan la hakin doono. Jimcihii, ayuu raali-gelin bixiyay, isagoo sheegay in la siiyay "macluumaad khaldan".
Wuxuu markaas ka dib ku dhawaaqay "Waxaan doonayaa inaan yareeyo isdhexgalka aan ku leeyahay" baraha bulshada. Sanadkii hore, wuxuu sheegay inuu ka baxayo X ka hor inta uusan dib ugu soo laaban dhowr maalmood ka dib.
Kainerugaba wuxuu leeyahay taariikh dheer oo qoraallo muran dhaliyay ah, kuwaas oo qaarkood markii dambe la tirtiray, waxaana sidoo kale loo yaqaannaa "jeneraalka wax ku qora Twitter-ka". Wuxuu sidoo kale u adeegsaday diinta si uu u hormariyo himilooyinkiisa siyaasadeed. "Kama cabsado qofna meerahan sababtoo ah dhiiggaygu wuxuu ka soo jeedaa Ciise Masiix," ayuu soo dhigay horraantii bishan. Qoraalkan sidoo kale waa la tirtiray.
Saaxiib muddo dheer ay ahaayeen jeneraalka, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa sheegay inuu yahay mid "si aan caadi ahayn daacad u ah", wuxuuna qoraalladiisa barbar dhigay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. "Waxaa laga yaabaa inuu u dhaqmo sidii Trump, laakiin waa isaga oo is muujinaya," ayuu saaxiibka u sheegay BBC-da. Wuxuu intaas ku daray "waa khalad in la isku dayo in lagu fahmo qoraallada uu soo dhigo," isagoo xusay in Kainerugaba uu yahay "nin leh dabeecad adag oo dhinacyo badan".
Minde ayaa ku sifeeyay qoraallada jeneraalka kuwo badanaa "waalli ah", laakiin wuxuu sheegay in qaar badan oo ka mid ah hadalladiisa ay macno samayn karaan marka loo eego xaaladda siyaasadeed ee dhaxalka Uganda — gaar ahaan dadaalka Kainerugaba ee ah inuu isu diyaariyo beddelka aabbihiis.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
"Waxay u dhowdahay inuu rabo inuu isku jecelaysiiyo aabbihii," Minde ayaa u sheegay BBC, isagoo intaas ku daray in qaar ka mid ah qoraallada ay yihiin "daandaansi" ula kac ah.
Wuxuu sheegay in hadallada Kainerugaba aysan wax weyn ka taraynin inuu helo taageerada dadweynaha.
Dhanka kale, saaxiibka Kainerugaba ayaa u sheegay BBC in jeneraalku uu noqon doono "beddelka cajiibka ah" ee aabbihii.
Wuxuu xusay in Uganda ay tahay waddan ka soo kabanaya colaado, halkaas oo amnigu uu yahay muhiimadda koowaad.
"Tani waa mudnaanteenna koowaad, si loo xaqiijiyo inaad nabad iyo xasillooni heshaan, [Kainerugaba] ayaana khibrad weyn u leh saaxaddaas. Noloshiisa oo dhan ayuu tan samaynayay," ayuu raaciyay.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah qoraalladiisa ayaa khatar gelin kara xiriirka caalamiga ah haddii loo qaato sidii ay u qoran yihiin.
Sannadkii 2022, wuxuu ku hanjabay inuu weerarayo dalka deriska ah ee Kenya, taasoo keentay falcelin kulul oo ka timid reer Kenya oo ku maadeystay faallooyinkiisa "taxaddar la'aanta" ah.
Wuxuu kaga jawaabay isagoo ugu baaqay inay "is dejiyaan," laakiin markii uu khilaafku sii xoogaystay, Museveni waxaa lagu qasbay inuu khadka taleefanka kula xiriiro dhiggiisa Kenya, William Ruto, si uu raalli-gelin uga bixiyo "khaladaadka" wiilkiisa.
Kainerugaba ayaa horay u fududaystay qaar ka mid ah hadalladiisa isagoo ku tilmaamay "fekradaha iska dhasha" iyo "mala-awaal" aan loo baahnayn in si dhab ah loo qaato.
Freddie David Egesa, oo ah falanqeeye dhanka amniga ah oo fadhigiisu yahay Uganda, ayaa u kuur-galay in taliyaha milatarigu uu "ku raaxaysto jawiga noocaas ah."
"Mararka qaar wuxuu jecelyahay inuu iska kaftamo," ayuu yiri Egesa.

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Saaxiibka Kainerugaba ayaa sheegay in jeneraalku yahay "qof naxariis badan, deeqsi ah, isla markaana aad u caqli badan, kaasoo waqtigiisa oo dhan ku bixiya ka fekerka nabadda iyo amniga dalkan".
Wuxuu intaas ku daray in jeneraalku u guto xilalkiisa si waafaqsan awooddiisa ugu wanaagsan. "Taas ayaana dhalisay inuu u adeego doorka uu hadda hayo."
Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in Kainerugaba uusan u dulqaadan mucaaradka dalka dhexdiisa, isagoo si adag uga hortaga qof kasta oo loo arko inuu khatar ku yahay maamulka aabbihiis.
Sida uu jeneraalka qudhiisu ku qirtay barta X, ugu yaraan 30 qof ayaa la dilay, 2,000 oo kalena waxaa xiray ciidamada ammaanka ka dib doorashooyinkii dhowaan dhacay.
Doorashada ka hor, isu-soo-baxyadii mucaaradka waa la carqaladeeyay, iyadoo ciidamada ammaanku mararka qaar rasaas furayeen. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in doorashadu ku qabsoontay 'jawi ay hareeyeen cadaadis baahsan iyo cagajugleyn ka dhan ah mucaaradka siyaasadda'.
Kainerugaba ayaa door ku lahaa afar maalmood oo internet-ka laga jaray dalka, kaasoo socday ilaa doorashada ka dib, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay Andrew Mwenda, oo ah faalleeye siyaasadeed oo u dhashay Uganda, saaxiib dhowna la ah jeneraalka.
Internet-ka ayaa weli ahaa mid qaybi ka xanniban tahay ka dib doorashada, balse Isniintii, Kainerugaba ayaa soo qoray in la soo celinayo gelitaanka dhammaan baraha bulshada. 'Maanta waxaan sii deynaynaa dhammaan baraha bulshada,' ayuu qoray.
Isla maalintaas, wuxuu u adeegsaday barta X inuu ku inkiro in askartiisu ay garaaceen xaaska Bobi Wine, Barbara Kyagulanyi.
Iyadoo jiifta sariirta isbitaalka maalintii Sabtida, ayay ku eedaysay in saraakiil milatari ay weerareen habeennimadii iyagoo raadinaya ninkeeda."
Sida uu qabo Minde, ficillada Kainerugaba waxay u muuqdaan kuwo ay horseed ka tahay daacadnimo ama rabitaan uu ku difaacayo maamulka Museveni. Magaca koowaad ee jeneraalka, Muhoozi, wuxuu ka dhigan yahay aargude.
"Waxaan u bixiyey Muhoozi, oo la macno ah aargudasho, si marka qof uu igu xadgudbo uu iigu aargudo," Museveni ayaa mar sidaas yiri.
Kainerugaba, oo dhashay 1974-tii, wuxuu ku soo koray qurbaha isagoo degganaa Tanzania, Kenya, iyo Sweden ka hor inta uusan aabbihii talada dalka la wareegin 1986-kii ka dib markii uu riday nidaamkii naxariista darnaa ee Milton Obote.
Wuxuu ku biiray ciidanka 1999-kii, isagoo iska diiwaangeliyey akadeemiyadda milatari ee caanka ah ee Sandhurst ee dalka UK, wuxuuna qalin-jabiyey sanadkii xigay. Waa nin xaas leh oo dhalay carruur dhowr ah.
Si degdeg ah ayuu ugu dhex dallacay darajooyinka milatariga waxyar ka dib markii uu ku biiray ciidanka, isagoo gaaray darajada janaraal-gaas (lieutenant-general) 10 sano ka dib. Waxaana loo dallacsiiyey jeneraal buuxa sannadkii 2022.
Wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray dhisidda Taliska Ciidanka Khaaska ah (SFC), oo ah unug ciidan oo aqoonyahanno ah oo mas'uul ka ah amniga aabbihiis.
SFC ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen mowjado afduub iyo jirdil ah oo loo geystay xubnaha mucaaradka. Way beeniyeen eedeymahaas, balse qaar ka mid ah saraakiishooda ayaa lagu xukumay inay ku xadgudbeen awooddooda.
Kiiskii ugu caansanaa wuxuu ahaa kii askari 32 jir ah oo ka tirsanaa SFC, kaasoo maxkamad milatari la soo taagay laguna xukumay dil sannadkii 2024 ka dib markii uu toogasho ku dilay saddex qof, labo kalena uu dhaawacay, oo uu ku jiro cunug hal sano jir ah.
Ka dib markii la waayay Edward Sebuufu oo ahaa ilaaliyaha Wine bishii May ee la soo dhaafay, Kainerugaba ayaa barta X (horey loo oran jiray Twitter) ku shaaciyey inuu ku xiran yahay "qolka hoose ee gurigayga", wuxuuna kiciyey dood xooggan oo baraha bulshada ah ka dib markii uu soo dhigay sawir isagoo u muuqda mid qeyb jirkiisa ay qaawan tahay oo garka laga xiiray.
Sida Wine oo kale, wuxuu ugu hanjabay inuu dhufaanayo Sebuufu. Wine ayaa ku eedeeyay in xubno ka tirsan SFC, iyo sidoo kale milatariga, ay ka dambeeyeen weerar lagu qaaday gurigiisa maalin ka dib doorashada.
Unuggan ayaa loo arkaa inuu yahay ciidan har ah oo ka caawiyay Museveni, iyo qoyskiisa sii kordhaya ee boqortooyada u tartamaya, inay xoojiyaan awoodda.
Ku daristii ugu dambeysay ee boqortooyada siyaasadeed waa wiilka Kainerugaba, Ruhamya, oo ku biiray ciidanka - taasoo loo arko tillaabada koowaad ee lagu helayo awoodda Uganda.
Sannadaha soo socda, qaabdhismeedka saddex-geesoodka ah wuu isbeddeli karaa, iyadoo Kainerugaba uu noqonayo Aabbaha, Ruhamya uu noqonayo Wiilka, iyo oday kale oo qoyska ka mid ahna uu beddelayo Saalax.













