You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wax ka ogow da’yarta isbeddelka ka sameysay adduunka
Mararka qaar, da’yarta waxaa loo maleeyaa inaysan wax badan ka fekeri karin iyo sidoo kale inay yihiin kuwo caajis badan. Balse dhalinyaradan hoos ku xusan ayaa beeniyay arrimahaas.
1: Nkosi Johnson
Nkosi Johnson waxay dhalatay sanadkii 1989 waxayna geeriyootay 2001. Nkosi waxay ku dhalatay xanuunka HIV/AIDS – oo ay ka dhaxashay waaliddiinteeda. Sanadkii 1997, waxaa laga diiday inay gasho iskuulka dowladda sababo la xiriira inay qabtay HIV.
Si kastaba, waxay ahayd qofkii hormuudka ka ahaa ololaha ah in bukaannada HIV loola dhaqmo si caddaalad ah oo la mid ah sida dadka kale iyo in la xushmeeyo xilli uu jiray takoor ba’an oo lagula kici jiray dadka la nool xanuunkan.
Iyada iyo hooyada soo korsatay, ayaa xarun qaxooti u furay hooyooyinka iyo carruurtooda la nool HIV. Waxay Nkosi heshay Abaalmarinta Nabadda ee Carruurta. Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Nelson Mandela ayaa gabadhan ku tilmaamay 'inay astaan u tahay halganka nolosha.'
2: Malala Yousafzai
Malala Yousafzai waxay sanadkii 1997 ku dhalatay Pakistan. Iyadoo ahayd gabar iskuulley ah, ayay iska caabbisay cabsi gelintii Taliban ee ahayd inaysan gabdhaha iskuul dhigan Karin.
Waxay ka badbaadday dil kaddib markii madaxa laga toogtay waxayna noqotay qof u doodda xuquuqda aadanahay, tan haweenka iyo xuquuqda waxbarashada.
Waxay xoojineysay nabadda Islaamka iyo xushmadda uu u hayo waxbarashada.
Sidaas darteed, Malala waxay tusaale u noqotay halganka waxbarashada ay ugu jiraan gabdhaha ku nool dunida.
3: Samantha Smith
Samantha Smith waxay ahayd ardayad u dhalatay Mareykanka kana soo jeedday gobolka Maine. Waxay dhalatay sanadkii 1972 waxayna geeriyootay sanadkii 1985. Sanadkii 1982, waxay warqad u qortay hoggaamiyihii Midowga Soofiyeetka, Yuri Andropov, iyadoo weydiineysa sababta xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo Midowga Soofiyeetka uu u ahaa mid xun.
Warqaddeeda ayaa lagu daabacay bogga Pravda, mar dambe ayuuna Andropov u soo jawaabay. Smith ayaa sidoo kale lagu casuumay inay booqato Midowga Soofiyeetka wayna tagtay.
Booqashadeeda waxaa daba socday warbixinno badan oo laga sameeyay, waxaana Samantha laga soo xigtay inay sheegtay in dadka Ruushka u dhashay ay yihiin kuwo iyaga uun la mid ah.
Sanadkii 1983, waxay booqatay Japan, iyadoo ah safiirkii ugu da’da yaraa ee Mareykanka. Waxay shil diyaaradeed ku geeriyootay iyadoo 13 jir ah.
Emma González
Bishii February 2018, nin hubeysan ayaa weeraray Dugsiga Sare ee Marjory Stoneman Douglas oo ku yaalla Parkland, Florida, isagoo dilay 17 qof.
Balse intii uu saameyn ku yeelan lahaa weerarkaas, da’yar badan oo ka badbaadday waxay billaabeen olole qaran oo lagu joojinayo rabshadaha hubka loo adeegsado.
Emma González, oo xilligaas ahayd 18 jir, ayaa ka mid ahayd hoggaamiyeyaasha dhaqdhaqaaqan cusub waxayna wax ka aasaastay koox ka hadasha baahida loo qabo xakameynta hubka oo lagu magacaabo Never Again MSD.
Bishii March 2018, waxay jeedisay khudbad muhiim ah oo loogu talo galay wax ka qabashada hubka ee Mareykanka.
Jack Andraka
Isgaoo 15 jir ah, isla markaana dugsi sare ka dhigta Mareykanka ayuu Jack Andraka hindisay waxa u muuqday hab cusub oo lagu ogaan karo kansarka ku dhaca beer yaraha.
Wiilkan, oo ku guuleystay $75,000 (£58,000) Bandhigga Caalamiga ah ee Sayniska iyo Injineeriyadda sanadkii 2012, ayaa sheegay inuu fekerkna ka helay akhrinta wargeysyada sayniska ee baraha internet-ka.
Qalabkan uu hindisay, oo weli baaritaan weyn lagu hayo, ayaa ka sameysan warqad la mariyay dareere laga soo qaaday dhalooyin iyo borotiin jirka ka difaacaya caabuqa, waxaana loo baahan yahay lix dhibcood oo dhiig ah si qofka looga baaro kansarka beer yaraha.