Dhegeyso: Gabadha Soomaaliyeed ee dhowr jeer ku guuleysatay tartanka Qur'aanka Kariimka

Tartan heer caalami ah oo loogu tartamayay xifdinta Qur'aanka Kariimka ah oo ka dhacay dalka Maraykanka ayaa waxaa dadkii ku guuleystay ka mid ahaa gabadh da’yar oo Soomaali ah.

Dhanka wiilasha waxaa tartankaasi kaalinta kowaad u galay wiil Faransiis ah, gabdhahana waxa kaalinta koowaad u gashay gabadhaas Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Muna Cabdifataax, oo 18 sano jir ah.

Muna waxay dhigataa fasalka labaad ee dugsiga sare ee Muscab ee magaalada Nairobi.

Haddaba waxa u suurtogeliyay inay kaalinta koowaad gasho ayay uga warramay Cabdiraxmaan Cali Dhimbiil.