Maxay tahay arrinta ka xanaajisay Al-Shabaab ee uu soo hadal-qaaday madaxweyne Xasan Sheekh?

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in Soomaaliya laga saaro Al-Shabaab. Wuxuu ballan-qaaday in ay la geli doonaan dagaal dhinac walba ah oo aan la isu-tureyn.
Madaxweynaha oo hadal u jeedinayay ciidamo uu tababar uga socdo Turkiga ayaa soo hadal-qaaday in muddo 15 sano ah oo Al-Shabaab ay jirto lala galay dagaal dhinacyo kala duwan leh. Siyaasado lagu wajahay kooxda oo aan shaqeyneyn wuxuu ku sheegay in awooddooda la dhimo.
Wuxuuna soo hadal-qaaday hadal-heynta dadka ee dhanka diinta in ay kala wareegi doonaan Al-Shabaab oo dadka ay tusi doonaan in ay ka been-sheegayaan diinta.
Hase yeeshee, wuxuu soo hadal-qaaday arrin ka careysiisay Al-Shabaab oo ay si gaar ah jawaab uga soo bixiyeen, taas oo ah dagaal dhanka dhaqaalaha ah. “Tubbooyinka dhaqaalaha in aan ka soo xirno waaye,” ayuu ku celceliyay madaxweyne Xasan. Wuxuu raaciyay, “Farsamadeeda iyo istaraatiijiyadda loo marayo way noo yaallaan, waana ku dhaqaaqaynaa.”
Madaxweynaha ayaa xusay in ay doonayaan in ay gacanta ku dhigaan dadka dhaqaale ururinta kala shaqeeya Al-Shabaab ee ka howlgala dekedaha iyo canshuur-qaadista.

“Hadda waxay sameynayaan beesada ay Soomaaliya ka aruuriyaan ayay dibadda u diraan. Kan Mozambique ka dagaallamaya iyo kan Nigeria ka dagaallamaya, tabarrucaadda Soomaaliya laga uruuriyo qaarkeed ayaa loo geeyaa oo gaara,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in xitaa Al-Qaacidda oo markii hore taageero dhaqaale u fidin jirtay Al-Shabaab hadda lacag looga qaado Soomaaliya.
Haddaba Al-Shabaab ayaa shalay soo saartay war-saxaafadeed ay uga jawaabayso eedeynta dhaqaale ee madaxweynaha, gaar ahaan in ay lacag u dirto kooxo ka dagaallama Nigeria iyo Mozambique.
Dhigaalka oo ku qornaa Af-Ingiriis ayay kooxdu ku tilmaantay eedeynta madaxweynaha inay tahay wax lagu qoslo. Waxayna ku eedeysay in Xasan Sheekh uu ku dhaqmayo siyaasad ka maran xaqiiqada iyo faafinta warar been-abuur ah.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale ku eedeysay madaxweynaha inuu warkan ku qarinayo heerka ay gaarsiisan tahay xaaladda abaarta ee dalka. Iyadoo ku dhaliishay in uu ku guul-darreystay wax u qabashada malaayiin Soomaali ah oo ay saameysay abaarta.
Waxay ganacsatada u jeedisay in ay ka digtoonaadaan qorsheyaasha ay ku tilmaantay in lagu doonayo in marmarsiinyo loogu sameysto dhaqaalahooda.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Ilaha dhaqaalaha Al-Shabaab
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khudbadda madaxweynaha waxaa ku jiray eedeymo, dhaliilo iyo arrimo kale oo lid ku ah Al-Shabaab. Haddaba, waxaa la iswaydiin karaa maxay Al-Shabaab uga carootay oo uga jawaabtay arrinta dhaqaalaha oo keliya?
Warbixin ay sanadkii 2018 soo saartay hay’adda Hiraal ayaa qiyaastay in Al-Shabaab ay sanad kasta soo gasho 27 milyan oo doollar.
Waxaa la tuhunsan yahay in lacagtaas ay Al-Shabaab ka qaadato "gawaarida ka dhex shaqeeya gobollada dalka, ganacsiyada, beeraha, shirkadaha iyo hay’adaha ka howlgala dalka, taas oo ay sii dheer tahay sakada iyo ‘tabarrucaadda jihaadka’.
Nidaamka ay wax ku canshuuraan ayaa la sheegay inuu sii xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay. Xog hore oo Qaramada
Warbixin uu sanadkii 2019 soo saaray Guddiga Khubarrada ah ee Qaramada Midoobey u xilsaaran cunna-qabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa qof Muqdisho jooga oo lagu wareystay wuxu ku sheegay in "in Al-Shabaab ay ku dhex milantay hay'adaha ka howlgala dekadda Muqdisho iyo wakiillada shirkadaha maraakiibta ay u raran yihiin ee ka howlgala magaalada".
"Taas waxaa ka dhashay in Al-Shabaab ay hesho macluumaadka alaabta, qiimaha iyo qofka iska leh."












