Atariishadii boqoradda quruxda ahayd miyaa qalin shubato noqotay?

Mid ka mid ah boqoradaha quruxda ee aad looga jecelyahay dalka Hindiya ayaa dhawaanahan waxaa aad looga hadal hayay baraha bulshada.

Sushmita Sen waa qofkii ugu horeeyay ee Hindi ah oo ku guulaysta bilada Miss Universe sanadii 1994-tii, waxa ayna noqotay atariisho guulo ka gaartay Bollywoodka.

Quruxleeyda 46-jirkan ayaa jishay ku dhawaad ​​30 filin, waxaana dhawaan la arkay iyadoo hormuud ka ah filim taxane ah oo caan ah oo lagu magacaabo Aarya.

Inta badan waxaa lagu tilmaamaa inay caqli badatahay, Sen waxa ay ku guulaystey abaalmarino badan oo dhanka aflaanta ah waxaana loo arkaa inay tahay "haweeney si weyn loo qaddariyo".

Laakiin dhammaan guulaheeda waxay u muuqdeen kuwo la ilaaway tan iyo habeenimadii Khamiista, markii Lalit Modi - oo ah 58 jir ganacsade ah isla markaana ah aasaasaha Horyaalka Hindiya (IPL), ee tartanka Cricket-ka ee ugu caansan adduunka uu baraha bulshada ku shaaciyay inuu xiriir la lahaa Sushmita Sen.

Modi Magaciisa waxa uu qabsaday bogaga hore ee warbaahinta kadib markii gudiga xakamaynta Cricket-ka ee Hindiya ay ku eedeeyeen in uu ku lug lahaa fadeexado maaliyadeed, taas oo Modi uu beeniyay.

Modi wuxuu ku qaatay London tobankii sano ee ugu dambeeyay noloshiisa.

Modi ayaa soo bandhigay albam sawiro jaceyl ah oo laga soo qaaday Sushmita Sen xili ay ku guda jireen fasaxyo ay ku wada qaateen Maldives iyo jasiirada Sardinia ee dalka Talyaaniga.

Modi Sen wuxuu markii hore ku tilmaamay inay tahay "qeybtiisa quruxda badan", ka dibna wuxuu faafiyay xanta ku saabsan guurkiisa ka hor inta uusan wax ka bedelin qoraalka "Lamaanahayga Pretty".

Xaaska Modi ayaa geeriyootay sannadkii 2018-kii ka dib markii uu haleelay xanuunka kansarka.

Markii abeenimadii Khamiista ee uu Modi ku dhawaaqay in uu xiriir la leeyahay Sen, baraha bulshada ayuu aad ugu baahay waxaana ka dhashay hadal hayn badan.

Wax yar ka dib, shabakadaha wararka ayaa ku soo biiray, fariimaha hambalyadana waa ay bilowdeen iyagoo ciranka isku sii shareerayay.

Magaca Sen ayaa waxaa uu qabsday baraha bulshada waxaana lagu tilmaamay inay tahay qalin shubato ku raaxeysanaya lacagta Modi.

Ma ahayn gebi ahaanba wax lama filaan ah, sababta xiisadda xiriirkooda kicisayna waxay ahayd caannimada Sen.

Sen waxay ka dhigi jirtay doorashooyinkeeda nolosheeda "aan caadiga ahayn" mawduuc laga doodo baraha wararka.

Wax yar ka dib markii loo caleema saaray Miss Universe, Sen waxay go'aansatay inay korsato gabadh oo ay nafteeda ku tilmaamto "hooyo keligiid ah." Dhowr sano ka dib, Sen hadana bilowday inay korsato gabadh kale.

Waxay si joogto ah u soo bandhigaysay sawiradeeda iyada iyo labada gabdhood.

Sen waligeed iskuma dayin in ay qariso xiriirkeeda sanadihii lasoo dhaafay, waxaana ay shukaansaneysay asxaabteeda Aktarada ah, waxaana ugu dambeeyay Rohman Chal, oo Sen ay kala tageen sanadkii hore.

Modi ma uusan fileyn in xiriirka uu la leeyahay Sen uu sababo hadal hayn noocaan ah oo qabsatay baraha bulshada ee Hindiya oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, Sushmita Sen ayaa sidoo kale taageero weyn ka heshay baraha bulshada. Dad badan ayaa difaacay iyagoo xusay inay hore u shukaansan jirtay rag aan lacag badan haysan, haddana ma jirto cid ku tilmaantay nimankaas qalin shubato.