Ninka dunida ka badbaadiyay hubka Nukliyeerka

Markii Soofiyeetka uu ku hanjabay in gantaalladiisa geynayo Cuba madaxweynihii Mareykanka ohn F Kennedy wuxuu talo u raadsaday Sir David Ormsby-Gore

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Markii Soofiyeetka uu ku hanjabay in gantaalladiisa geynayo Cuba madaxweynihii Mareykanka ohn F Kennedy wuxuu talo u raadsaday Sir David Ormsby-Gore

Markii dunidu ay qarka u saarnayd in uu burburiyo hubka nukliyeerka, nin kasoo jeedo gobolka Wales ee UK oo lagu magacaabo Sir David Ormsby-Gore ayaa qaatay go'aan dareen leh waxyna dadka qaar ku doodaan in dunida ka badbaadiyay dagaal niyukliyeer.

Bishii Oktoobar 1962, Midowgii Soofiyeet ee Ruushka wuxuu isku dayay inuu hubkiisa dhigto jasiirad ku taal Caribbean-ka, dhacdadaas oo ka dhashay qalalaasaha loo yaqaan 'Qalalaasihii gantaallada ee Kuba.'

Hubkaas ayaa baabi'in karayay Mareykanka sidaas darteedna madaxweyne Mareykanka ee xilliggaas, John F Kennedy ayaa xaalad go'doomin ah geliyay dalkiisa.

Ninkan oo lagu magacaabo Sir David Ormsby-Gore una dhashay gobolka Wales, oo markaas ahaa safiirkii Ingiriiska ee Washington, ayaa ku guuleystay inuu madaxweynaha dejiyo.

Maadama uu Mareykanka xilliggaas hoggaaminayay tartanka dalalka ay ugu jireen hubka Nukliyeerka, Midowgii Soofiyeet wuxuu dareemay in fursadda kaliya ah ee u bannaan ay tahay sidii duqeymo ka hortag ah ay ugu qaadi laheyd reer galbeedka isla markaana gantaallada uu dhigan lahaa Cuba oo 80 mayl oo kaliya ah u jirta xeebaha Mareykanka.

22kii Oktoobar Madaxweynihii Mareykanka, Kennedy ayaa looga yeeray Aqalka Cad, isla markiiba wuxuuna amray sidatan, "Iigu yeera Ormsby-Gore iyadoo aysan cidna arkeyn."

Sir David Ormsby- Gore

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sir David Ormsby- Gore

Madaxweyne-ku-xigeenkii Mareykanka xiliggaas Lyndon B Johnson ayaa sheegay "Anigu halkaas ayaan joogay, waxaan arkayay labada nin oo is tusayo sawirrada khariidado iyadoo midba midka kale uu foorinayo."

"Muxuu ninkan kasoo jeedo Wales uu ugu sugan yahay qolka madaxtooyada?" Jawaabtu waxay dib ugu noqotay sanadkii 1938, markii John F Kennedy aabihii, Joseph Kennedy, uu ahaa safiirka Maraykanka ee London.

Gary Ginsberg, oo ah qareenka Clintons, saxafi, taariikhyahan ahna qoraaga First Friends, oo ka hadlaya dadka sida aadka ah u saameeyay madaxweynayaasha Mareykanka, ayaa sheegay in labada nin uu ka dhexeeyay iskaashi dheer.

Wuxuu intaa ku daray in labadan nin markii ay ku jireen da'da soddomeeya waxaa ka dhexeeyay waxyaabo badan.

"Xilliggaas waxay aheyd inay helaan wakhti ay ku xoojin karaan saaxibtinimadooda iyagoo sheekeysanaya ama wada dheelaya ciyaaraha Golf, tartanka fardaha iyo siyaasadda."

Madaxweyne Kennedy wuxuu cunaqabateyn kusoo rogay maraakiibtii mareysay xeebaha Cuba balse Sir David ayaa ku taliyay in uu wax ka baddalo mowqifkiisa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Kennedy wuxuu cunaqabateyn kusoo rogay maraakiibtii mareysay xeebaha Cuba balse Sir David ayaa ku taliyay in uu wax ka baddalo mowqifkiisa

Mr Ginsberg waxa uu sharraxaya sida ay labadooduba u fadhiisan jireen goobta loogu talagalay dadweynaha ee baarlamaanka House of Commons si ay u dhageystaan khudbadda Winston Churchill.

"Inta badan wey isla xiriiri jireen , maadaama Kennedy uu noqday xildhibaan ka tirsan Congress-ka iyo halka Ormsby-Gore uu noqday xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka UK".

"Waxaan u maleynaya in aan laga fakarin markii [Harold] Macmillan uu ka codsaday in uu iska casilo xilka xildhibaanimo oo uu noqdo safiirka UK ee Washington."

23kii Oktoobar waxay yeesheen fadhi habeen dhan qaatay, iyadoo Sir David uu si taxaddar leh uga fogaanayay wicitaannada Ra'iisul Wasaarihii xilligaas ee UK, Harold Macmillan.

Kennedy wuxuu cunaqabateyn kusoo rogay maraakiibta marta jasiiradda, hase yeeshee maraakiibtii Soofiyeetka oo siday gantaallo badan waxay u weecdeen dhinaca Cuba.

Dibadbaxyo ayaa ka dhacay UK markii uu dhacay qalalaasihii ka dhashay gantalladii uu doonayay in Soofiyeetka uu dhigto Cuba, arrintaas oo dunida u horseedi gaartay dagaal Nukliyeer

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dibadbaxyo ayaa ka dhacay UK markii uu dhacay qalalaasihii ka dhashay gantalladii uu doonayay in Soofiyeetka uu dhigto Cuba, arrintaas oo dunida u horseedi gaartay dagaal Nukliyeer
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mr Ginsberg waxa uu sheegay in Sir David uu markaas soo jeediyay talo ay dad badani wakhtigaas u arkayeen in aysan wanaagsaneyn, balse marka dhinca laga eego ay aheyd tallaabadii ugu habbooneyd ee ku aadaneyd diblumaasiyadda caalamka.

Madaxweynihii Mareykanka wuxuu maraakiibta ka mamnuucay in badda aysan 800 mayl uga soo gudbi karin dhinaca kale, balse waxaa la taliyay Sir David.

"Waa in aad cunaqabateynta aad saartay maraakiibta ay ku koobnaataa dhul gaaray 500 mayl baddalkii 800 mayl," ayuu yiri Sir David

Wuxuu ku dooday Sir David in tallaabadaas ay fursad u siin doonto kabtannada maraakiibta iyo madaxdii Soofiyeetka inay helaan wakhti ay uga fakari lahaayeen cawaaqib xumada ka dhalan karta tallaabada ay qaadaan.

Taladii uu usoo jeediyay madaxweynihii Mareykanka wey shaqeysay, 29kii Oktoobar maraakiibtii Soofiyeeti waxay dib ugu laabteen dhulkoodii.

Sida uu Sir David kula taliyay madaxweynihii Mareykanka, labada quwadood ee waaweyn waxay sameeyeen wadahadallo gaar ah oo ku aadan sidii looga hortagi lahaa xisadda hor leh iyadoon labada hogaamiye aysan hadlin. Mareykanka wuxuu gantalladiisa kala baxay Turkiga, waxaana la gaaray heshiis lagu dhimayo hubka.

Sanad kadib waxaa la dilay madaxweynihii Mareykanka John F. Kennedy. Sir David Ormsby-Gore Sannadkii 1968-kii wuxuu damcay in uu guursado xaaskii uu ka dhintay John F. Kennedy, Jacqueline Kennedy, in kasta oo ay ku gacan seyrtay, haddana labadoodu waxa ay noqdeen saaxiibo, waxay sanadkii 1985 tagtay aaskiisa.

Sidoo kale dadkii ka baroordiiqayay geeridiisa waxaa ka mid ahaa JF Kennedy walaalkii Teddy Kennedy, kaasoo sheegay in hooyadiis Rose ay ku tilmaantay Sir David in uu ahaa 'sida wiilkeeda oo kale'.