You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Jubbaland oo sheegtay sababta ay diyaaraddii siday gudoomiyaha Gedo u dagi waysay
Madaxwayne ku xigeenka Jubaland ayaa khilaafka ka taagan gobolka Gedo ku eedeeyay inay ka dambeeyaan qaar kamid ah siyaasiin dana gaar ah leh iyo dad uu ku tilmaamay jaaliyado dibadeed.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa BBC-da u sheegay in dadka reer Gedo ay badankood soo dhoweeyeen maamulka cusub ee ay soo magacaabeen isla markaana uu guddoomiyuhu dhowaan halkaa tegi doono.
Shalay ayay ahayd markii magaalada Garbahaarey laga hor istaagay inay ka degto diyaarad sidday wafdi uu hogaaminayay gudoomiyihii dhawaan ay Jubaland u soo magacaawday gobolka, kaas oo ay ka hor yimaadeen qaar kamid ah siyaasiyiinta deegaankaas.
“Gobolka Gedo wax dhibaato ah kama jirto laakiin marka aad fiiriso baraha bulshada iyo waxa dhawaanahan soo baxay cayayaanka baraha bulshada loo bixiyay isma laha, waxaana rabnaa inuu gobolka helo nidaamkii iyo kala dambeyntii dowliga ahaa iyadoon qofna wax loo dhimeynin,” ayuu yiri Maxamuud Sayid
“Waxaan magacawnay guddoonka gobolka waxaan ka dambeyn doona wadatashi iyo la soo dhiso maamulka degmooyinka, aakhirna waxay ku dameyn doontaa in goleyaasha deegaanka la dhiso oo ay dadka soo doortaan.”
Siyaasiyiinta ka soo horjeeda iyo waxa ay ka yeelayaan
"Marka aan xaqiiqada u dhacno siyaasiyiintu anaga qaas naguma ah oo maamul goboleedyada kale iyo dowladda federaalkuba siyaasiyiin mucaarad ah wey jiraan...siyaasiyiinyu waxaan u sheegayaa in Jubbaland ay doorasho qabaneyso marka uu xilligeedu dhammaado markaas ha tartarmaan laakiin in gobolkaas ay isbaaro dhigtaan oo lug-gooyaan wax macno ah oo ay sameynayso ma jirto.
Maxamuud Saiyid ayaa sidoo kale yiri: “Qolyaha hawl wadeenada ahaa ee ay dowladdii hore sameeyna anaga ayaa wada hadleynaba arrintooda waan diyaarinaynay intooda badanna golaha hadda aan sameynay ayay ka mid noqdeen kuwa soo socdana ka mid noqonayaan.”
Muuxu ka yiri diyaaraddii shalay dib looga celiyay Garbahaarreey?
Madaxweyne ku xigeenka Jubbland ayaa xog cusub ka sheegay sababta ay u noqotay diyaaraddii siday gudoomiyihii gobolka ay usoo magcaabeen, isaga oo sababta ku sheegay cillad dhinaca xiriirka ah oo qabsatay diyaaradda.
“Diyaaradaha waad ogtahay waxay leeyihiin nidaam gooni ah oo qofkii hayay gacankii laga hayay diyaaradda ayaa damiyay ama waa ka damay oo batari la’aan baa ku dhacday marka diyaaradda markii ay weysay xiriir garoonka ayay dib u noqotay guddoomiyuhuna waa imaanayaa bulshada deegaanka wax garadka iyo maamulka diyaar ayay u ahaayeen.”
Hase yeeshee Gudoomiye Kuxigeenka amniga ee degmada Garbahaarey Aadan Siraad Maxamuud oo kamid ah siyaasiyiinta diidan xubnaha Kismaayo laga soo magacaabay ayaa isna isagoo ku sugan Garbahaarey ayaa sheegay inay iyagu hor istaageen diyaaradu inay soo caga dhigato magaalada, waxa uuna intaa ku daray inaanay oggolaan doonin in diyaaradaasi dib ugu soo laabato Garbahaarey isagoo yiri “ diyaaradaasi warbixinteeda horay ayan u heynay amarka diyaaradda lagu celiyayna annaga ayaa bixinay, ma jirto wax farsamo xumo ah oo dhacday diyaarad safar soo gashay ayey eheed waxaasina waa iska sheeko xumo.”
Maxamuud Siyid ayaa sidoo kale tibaaxay inaysan wax dhibaato ah ka dhalanyn hadduu guddoomiyaha tago Garbohaarreey isagoo sabatana ku sheegay in deegaankii uu tagayo uuna yahay ninkii u adeegi lahaa bulshada.