Qoraa tuug ah oo loo xukumay inuu xaday qoraallo ay dad leeyihiin

Margaret Atwood, haweeney qoraa ah oo qoraallada ugu badan laga xaday

Xigashada Sawirka, Margaret Atwood

Nin u dhashay dalka Talyaaniga ayaa qirtay inuu xaday in ka badan 1,000 qoraal oo aan la daabacin kaddib uu ka qoray buugaag tiro badan oo uu magaciisu ku soo saaray.

Ninkan oo lagu magacaabo Filippo Bernardini wuxuu la xiriirray madbacado badan si uu isaga dhigo nin raadsanaya qoraal uu isagu qoray oo uu dib u daabici rabo.

Isaga oo adeegsanaya waayo aragnimada qotada dheer uu u leeyahay madbacadaha buugaagta daabaca wuxuu weliba u shaqeynayey shirkadda weyn ee wax daabacda ee Simon & Schuster oo London ku taalla.

Bernardini oo 30 jir ah ayey maxkamad ku taallo New York ku xukuntay inuu dambiile yahay, inkasta oo ninkan uu sheegin ujeedka uu arrinkaa ka lahaa.

Qoraallada inta badan uu ninkan xaday buugaagtana uu ka qoray waxay ahaayeen kuwa naadir ah oo aan laga helin Interneetka ama meel kale.

Bernardini, oo ay Bishii January ee sanadki hore gacanta ku soo dhigeen Hay’adda Dambi-barista Mreykanka ee FBI ayaa diiday inuu sharraxaad ka bixiyo arrinta xukunka uu ku muteystay.

Qoraayaasha caanka ah uu ninkan sida gaarka ah u beegsadayna waxaa ka mid ah qoraallo aan daabacneen oo ay leeyihiin Margaret Atwood, Ian McEwan iyo Sally Rooney.

Dacwad oogayaasha waxay sheegeen ninkan inuu isticmaalayey in ka badan 160 cinwaan oo dhanka Interneetka oo been abuur ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Atwood oo 2019-kii bixisay wareysi ku saabsan buug ay xilligaa daabacday waxay sheegtay iney jireen dadaallo badan oo lagu doonayey in lagu xado ama looga dhaco keydka buugta aan qoray inta aan la daabicin ka hor.

“Mar walba waxaa ii soo dhacayey email kaladuwan oo kala magac ah oo dhammaantood lagu doonayey ama lagu dalbanayey dhowr bog oo ka mid ah buuggeyga in lagu helo,” ayey tiri Atwood.

Inkasta oo Bernardini uu u soo shaqeeyey shirkadda weyn ee buugaagta daabacda ee Simon & Schuster, haddana shirkadda wax khalad ah oo ay gashay oo lagu xusay galdacwadeedka ninkan inta uu socday ma jirin, maadaamaa ninkan iney shaqaaleysato ay wax dambi ah ku laheen.

“Waxaan aad uga mahadcelineynaa FBI iyo Wasaaradda caddaaladda sida ay u difaaceen hantida maskaxeed ee ay qoraayaasha caalamku leeyihiin,” ayey tiri shirkadda war saxafaded ay soo saartay maalinta Jimcaha.

Bernardini oo lagu helay inuu dambiile yahay xukunkiisa wuxuu dhici doonaa bisha April ee soo socota, waxaana la filayaa inuu muteysto ugu yaraan 20 sano oo xarig ah.