Waa kuma Maxamed Mustafa, Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Falastiiniyiinta, maxayse tahay ujeeddadiisa Iraa'iil iyo Xamaas

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Falastiiniyiinta, Muxammad Mustafa, ayaa si rasmi ah xilkiisa ugala wareegay Ra’iisul Wasaarihii isaga ka horreeyay, Muxammad Shtayyeh, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Ra’iisul Wasaaraha ee magaalada Ramallah ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Mustafa wuxuu ka gudoomay Ra'iisul Wasaarihii hore dhowr faylal si uu u daba galo oo loo sii amba qaado, qorshaha dib u dhiska Qasa iyo dib u soo kabashadeeda, iyo sidoo kale waxaa loo yaqaan dib u habeynta iyo qorshayaasha degdega ah.

Mustafa waxa uu yiri, “Guulaha ay gaartay dowladdii hore aad ayaa loogu riyaaqay in kasta oo ay dhibaato kala kulantay shaqadeeda, iyo caqabadaha ay Falastiiniyiinta kala kulmaan dagaalka ka socda Marinka Qasa iyo Daanta Galbeed oo ay ku jirto Qudus. dil, burburin, iyo dhul balaarsi,” ayuu tilmaamay.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas ayaa Maxamed Mustafa u xilsaaray bartamihii bishii Maarso in uu u soo dhiso dawladdii 19-aad ee Falastiiniyiinta.

Dhamaadkii bishii Febraayo ee la soo dhaafay, waxaa is casilay Ra'iisul Wasaarihii hore Muxamed Shtayyeh, isagoo sheegay in marxaladda xigta ay leedahay caqabado u baahan in la sameeyo hab cusub oo dowladeed iyo mid siyaasadeed.

Samaynta xukuumadda cusub ee Falastiin ayaa ku soo beegantay iyadoo la eegayo dagaalka Israa’iil ee ka socda Marinka Qasa, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 32 kun oo qof, in ka badan 73 kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Hawlaha Ra'iisul Wasaaraha cusub, sida ku xusan qoraalka shaqada, waxaa ka mid ah, isku xirka dadaallada dib u dhiska ee Marinka Qasa, dib-u-midaynta hay'adaha Falastiiniyiinta, dib-u-habaynta joogtada ah ee u horseedaysa nidaam ku salaysan maamul iyo hufnaan iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa, iyo doorashooyinka madaxtinimo ee dhammaan gobollada Falastiiniyiinta, oo ay ku jirto magaalada Quddus, sida laga soo xigtay wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta.

Waa kuma Dr. Maxamed Mustafa?

Muhammad Mustafa Al-Safarini waa 69 jir, waxa uu ku dhashay magaalada Tulkarm ee Daanta Galbeed ee la haysto. Sannadkii 1972-dii waxa uu ku biiray Jaamacadda Baqdaad, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee jaamacadda oo uu ka bartay cilmiga korontada iyo elektiroonigga. 1983-kii waxa uu ku biiray jaamacadda George Washington ee dalka Maraykanka, isaga oo ka qaatay 1985-kii. shahaadada mastarka ee maamulka.

Waxa uu sii watay waxbarashadiisa isla sanadkaas 1985-kii, Jaamacadda George Washington, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada maamulka ganacsiga iyo dhaqaalaha 1988-kii.

Dr. Muhammad Mustafa waa xubin ka tirsan Guddiga Fulinta ee Ururka Xoreynta Falastiin, waana mid ka mid ah ganacsatada ugu waaweyn Falastiiniyiinta.

Waxa uu hore u soo qabtay jagada agaasimaha kooxda Isgaarsiinta Falastiiniyiinta "Paltel" iyo Sanduuqa Maalgelinta Falastiiniyiinta, oo xiriir la leh Maamulka Falastiiniyiinta. Waxa kale oo uu dhawr jagooyin ka soo qabtay Bangiga Adduunka ee caasimadda Maraykanka muddo 15 sano ah.

Mustafa ayaa toban sano ka hor loo magacaabay inuu gacan ka geysto hoggaaminta dadaallada dib u dhiska ee Qasa, ka dib dagaalkii 2014-kii ee u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xamaas.

Waxa uu Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Dhaqaalaha ka soo noqday Dowladdii Axdiga Qaranka ee la dhisay 2014-kii, waxaana uu xilkaasi hayay muddo hal sano ah.

Waxaa kale oo uu la-taliye u ahaa dib-u-habaynta dhaqaalaha dawladda Kuwait, iyo la-taliyaha sanduuqa maalgashiga dawladda ee Sucuudiga.

Bishii Janaayo 2023-kii, Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas wuxuu u magacaabay jagada Guddoomiyaha Gobolka Falastiiniyiinta ee Sanduuqa Carabta ee Horumarinta Dhaqaalaha iyo Horumarinta Bulshada ee Dawladda Kuwait, wuxuuna hayay ilaa Janaayo 2024-kii, markii uu la wareegay jagada guddoomiyaha Gobolka Falastiiniyiinta ee Sanduuqa Lacagta ee Carabta.

Caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla

Mustafa waxa uu wajahayaa shaqo adag oo maamul iyo mid diblumaasiyadeed, gaar ahaan wixii ka dambeeyay burburkii Qasa ka dhacay oo ay sabab u tahay duqeymaha Israa’iil ee joogtada ah iyo barakicinta inta badan shacabka Marinka oo gaaraya 2.3 milyan oo qof, iyo sidoo kale baahida ay u qabaan gargaar.

Daanta Galbeed waxa kale oo ay marqaati ka tahay "rabshadihii ugu xumaa" ee tobanaan sano, ra'iisul wasaaraha cusubna waxa uu wajahayaa hawsha kormeerida gargaarka caalamiga ah ee la filayo oo balaayiin doollar ah.

Intaa waxaa dheer, Israa'iil waxay sheegtay in aysan "marnaba la shaqeyn doonin" dowlad kasta oo Falastiin ah oo diidda "in ay diiddo" Xamaas iyo weerarkeedii 7-dii Oktoobar, oo ay ku dhinteen 1,200 ayna ku qafaasheen 253, sida laga soo xigtay tirooyinka rasmiga ah ee Israa’iil.

Mawduuca mustaqbalka Xamaas, Mustafa wuxuu yiri: "Habka ugu wanaagsan ee loo marayo waa in geeddi socodku noqdo mid loo dhan yahay intii suurtagal ah, waxaan jeclaan lahaa in Falastiiniyiintu ay ku midoobaan ajendaha PLO".