Waa tuma Khadiija Aadan Daahir, maxayse qorshaynaysaa?

Xigashada Sawirka, Xiddigaha.ca
Guddiga olombikada Soomaaliyeed ayaa qoraal ay shalay soo saareen shaqada uga joojiyey guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee cayaaraha fudud Khadiija Aadan daahir.
Shaqo ka joojintaas waxaa faray wasiirka isboortiga Maxamed Barre Maxamuud oo sido kalena sheegay in sharciga la horgayn doono.
Khadiijo waxaa loo haytaa sidii loo maamulay ka qayb galka cayaaraha jaamacadaha ee dalka Shiinaha ka socda oo Nasra Abuukar Cali ay ka gashay kaalin aan laga filayn, hadal hayn bandanna ka dhex dhalisay bulshada.
Khadiija hadda waxay ku sugan tahay Kenya waxayna beenisay in ay wax lug ah ku leedahay arrinta shaqada looga joojiyey, ayadoo sheegtay in “cayaarahaas ay yihiin cayaaro jaamacadeed, ayna ka qayb galayaan ardayda jaamacadaha”.
“Xiriirka cayaaraha fudud wixii khuseeya ayaan ka hadli karnaa” ayey tiri Khadiija oo u warramaysay Astaan Sports. Waxay intaa ku daratay “haddii aan comment ka bixiyo gabar yar oo markaas soo qalin jabisay oo ku jirta ayraboorka oo saxaafadda u timid, weligeedna aan saxaafad soo hor istaagain waad dareemi kartaa khalkhalka ay galayso, 10 iyo 100 waxay rabto ayey dhihi kartaa” ayey sii raacisay.
Khadiijo Aadan Daahir waxay sheegtay in qaban-qaabiyeyaasha cayaarahaas ay muhiim u tahay, oo “xiriirkana aysan wax uga weydiin karin” in loo baahan yahay in la helo arday markaas jaamacadda ku jira, bacdamaa “la rabo ardayga kaarkiisa”.
Marnaba kama aysan hadlin xiriirka xagga qoyska ee ka dhaxeeya ayada iyo Nasra Abuukar Cali.

Xigashada Sawirka, Facebook
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khadiija waxay xilka xiriirka guddoomiyenimada cayaaraha fudud haysay muddo uu ku qiyaasay Maxamed Muxudiin Xuute oo ka mid ah bahda cayaaraha ee Soomaaliya inay gaarayso 8 sano.
“Khadiijo waxay xilka la wareegtay markii uu geeriyooday guddoomiyihii xiriirka Maxamed cali Maxamed oo Dubai ku geeriyooday maadaama ay guddoomiye ku xigeen ka ahayd xiriirka, kadibna doorashadii la qabatay ayey ku guulaysatay guddoomiyenimada” ayuu yiri Maxamed Muxudiin Xuute.
Tan iyo wakhtigaas ayey Khadiija Axmed Daahir ahayd guddoomiyaha xiriirka cayaaraha fudud, waxayna sheegay in hadda ay Nairobi u joogto sidii la isugu diyaarin lahaa tartanka caalamiga ah ee cayaaraha fudud “sannadkan waxaan ordaynaa cayaaraha Maaratoonka” ayey tiri ayadoo intaa ku dartay in ay la socdaan cayaartoy diyaarsan, ayna “Nairobi u joogaan inay qaataan dal-ku-galkii ay ku tagi lahaayeen tartankaas”.
Khadiija Aadan Daahir waxay hore uga mid ahayd cayaartoyda cayaaraha fudud ee Soomaaliya, waxayna ku biirtay xiriirka cayaaraha fudud markii uu dalku burburka galay.
Maxamed Muxudiin Xuute wuxu BBC uga warramay doorashooyinkii ka dambeeyey 2015 ee ay Khadiija ku guulaysatay.
“Xiriir kasta isaga ayaa dhexdiisa is doorta, waxaana xubno ka ah naadiyada” ayuu yiri Xuute oo mar xubin ka ahaa xiriirka K/cagta, marna madax u ahaa naadiga Banaadir Telecom oo hadda loo yaqaano Muqdisho City Club. Wuxuu intaa intaa ku daray in cod bixin hal maalin ah la qabto ka dibna sidaa lagu doorto qofka hogaaminaya.

Xigashada Sawirka, .
Wuxuu ku tilmaamay Khadiija qof hawl muhiim ah soo qabatay, isboortiga marka laga yimaadana dhistay iskuullo.
Shaqo ka joojinta iminka lagu sameeyey wuxuu ku tilmaamay inay tahay arrin lagu fududaaday. “Aniga waxaan aaminsanahay in khadiijo lagu fududaaday oo aysan mudnayn in heerkan la gaarsiiyo. Ayadoo marwo ah oo hooyo ah oo isboortiga ka tirsan ayey u soo dhabar adaygtay. Haddii ay wax qaldameen in lagu fududaado am qabo” ayuu yiri Xuute.
Maadaama shaqo joojin lagu sameeyey, Nairobina ay u joogto in ayadoo weli ah guddoomiyaha xiriirka cayaaraha fudud ay ka qayb gasho tartamo calami ah, ma cadda talaabada xigta ee la fili karo.









