You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Maxaa ka soo baxay shirkii IGAD ee Kampala maanta ka furmay?
Maanta waxaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ka furmay shirkii 42 aad ee aan caadi ahayn ee ay yeeshaan madaxda urur goboleedka IGAD.
Shirka oo looga arrinsanayay xiisadda ka dhex taagan wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya iyo sidoo kale colaadda Sudan ayaa waxa ka soo baxay warmurtiyeed.
Warmurtiyeedka ayay ku muujiyeen madaxda wadamadu walaaca ay ka qabaan xaalka cakiran ee ka dhex taagan wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya.
Balse waxaa ay cadeeyeen warkooda "In la xushmeeyo dhamaan mabaadiida aasaasiga ah ee xushmada karaamada, midnimada iyo xuduuda dhuleed ee dawladda federaalka Soomaaliya, iyo in hashiis kasto lagu dhawro madaxbanaanidaas. Sidoo kale heshiis kasta waa in la hayo ogolaanshaha dawladda Soomaaliya", ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.
Dhanka kale war murtiyeedka ayaa ugu baaqay labada dawladoodba inay dajiyaan xiisadda ayaa u holadaan bilaabista wadahadalo wax dhisaya.
Balse dawladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in aysan wax dhexdhaxaadin ah ka gali doonin heshiiska MoU ga ee Itoobiya la sixiixatay Somaliland.
Midowga Afrika ayaa soo jeediyay kadib shir shalay ka dhacay Adis Ababa in dhexdhaxaadiye loo magacaabo xiisadda labada dal.
Shirka IGAD ayaa waxaa shir gudoominayay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, sidoo kale waxaa ku sugnaa madaxweynaha Kenya, William Ruto, madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh maxamuud, Madaxweynaha Koonfurta Sudan Salva Kiir iyo madaxweynaha Uganda Yoweri Moseveni.
Sidoo kale waxaa ku sugnaa madaxda urur goboleedka IGAD iyo diblumaasiyiin ka socda Midowga Yurub iyo Bariga dhexe.
War murtiyeedka ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa colaada Sudan, iyada wadamado walaac ka muujiyeen xaaladda bani aadanimo ee ka jirta dalkaas.
"Waxaa la xoojiyay in Jamhuuriyadda Sudan aysan lahayn dhinacyada dagaalamaya oo kaliya balse ay leeyihiin shacabka reer Sudan, sidaas darteed ay dhinacyadu sameeyaan xabad joojin shuruud la'aan ah," ayaa lagu war-murtiyeedka.
Uganda ayaa waxaa dhanka kale ka socda shirka wadamada NAM, kaas oo socday maalmihii ugu dambeeyay. Waxaa la filayaa in heerka madaxweynayaasha ee shirkaasi uu beri ka furmo Kampala iyada oo uu ka qayb gali doono madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, sida uu BBC da u sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha dibadda ee Soomaaliya.
Xiisadda itoobiya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareeraysay tan iyo markii uu dhacay heshiiskii is afgarada ee Adis Ababa ay 1 dii bishaan janaayo ku siixiideen Itoobiya iyo SOmaliland.
Somaliland ayaa ku doodeysa "in ay diyaar u yihiin in ay sii wadaan halgankooda si ay u gaaraan yoolkooda, iyada oo aan loo eegayn waxa ay ku kacayso iyo inta qaadan doonto intaba,” ayay Somaliland ku tiri warkaan ay soo saartay".