Wa kuma safiirka cusub ee UK u soo magacaawday Soomaaliya

Michael Nithavrianakis i

Xigashada Sawirka, .

Dowladda Ingiriiska ayaa Isniintii ku dhawaaqday magacaabista Michael Nithavrianakis inuu noqdo Safiirka cusub ee Britain u fadhin doona Soomaaliya.

Nithavrianakis ayaa bedeli doona Kate Foster, oo lagu wado inay ay qabato xil kale oo dublamasiyadeed.

"Mr Michael Nithavrianakis MVO ayaa loo magacaabay Safiirka Boqortooyada UK u fadhin doono Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain.

Mr Nithavrianakis waxa uu xilka la wareegi doonaa inta lagu jiro bisha May ee sanadkan 2023.

Waa kumaa Michael Nithavrianakis ?

Magaciisa oo buuxa waa Michael Stephen Nithavrianakis MVO, waxaa uuna muddo dheer kusoo dhex jiray howlaha dublamaasiyadda.

Mr Michael Nithavrianakis MVO waxaa uu shaqada dublamasiyadda ku soo biiray sanaddii 1980.

Michael ayaa waxaa uu ka soo shaqeeyay islamarkaana xilal safiirnnimo iyo ku xigeen uu kasoo qabtay dalal badan oo ku kala yaalla qaarado kala duwan.

Waxaa uu mar so noqday safiirkii ku xigeenka Ingiriiska u fadhiyay dalka Afqanistaan caasimadiisa Kabul.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa uu sidoo kale mar soo nqoday safiir ku xigeenka UK ee dalka Pakistaan.

Michael Stephen Nithavrianakis ayaa waxaa sidoo kale meelaha uu ka soo shaqeeyay ka mid ah dalka Sacuudiga.

Waxa uu dalalka kale ee uu ka soo shaqeeyay ka mid ah Malaysia, Ruushka, Ghana, iyo Gariiga.

Shaqooyinkiisa uugu badan ee uu soo qabtay waxa ka mid ah amniga caalamiga ah, siyaasadda gobolka iyo arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga laba geesoodka ah.

Dowladda ritain ayaa muddooyiinkii u dambeeyay xoojisay xiriirka ay la leedahay dalka Soomaaliya.

UK ayaa safaaradeeda dib uga furatay magaalada Muqdisho sanadkii 2013-kii, kadib muddo 22-sano ah oo ay ka maqneyd.

Dalka Britain ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee Midowga Yurub ee xilligaasi safaarad ka furtay Muqdisho.

Horaantii sanadkan, Soomaaliya ayaa sidoo kale dib u furtay safaaradeedii London kadib markii ay xirneyd muddo 32 sano ah, taasi oo muujineysa wadashaqeynta labada dal in ay sii xogeysanaysay.