Waa tuma haweeneyda noqotay safiirka cusub ee UK u qaabilsan Soomaaliya?

.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Waqtiga akhriska: 2 daqiiqo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee UK u joogi doonta Muqdisho, Kate Foster, oo horraantii sanadkan la shaaciyay inay xilka kala wareegi doonto Ben Fender.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale haweeneydan diblomaasiyadda ah ka guddoomay salaan ay ugu soo dhiibtay boqoradda Ingiriiska, Elizabeth II.

Waxa uu Farmaajo muujiyay sida uu ugu riyaaqsan yahay xiriirka wanaagsan iyo wadashaqeynta joogtada ah ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Britain, isagoo ballan qaaday in uu taageeri doono safiirka cusub ee UK.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Kate qorsheyaasha hirgalay ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen amniga, dib u dhiska ciidamada, adkeynta dowladnimada, xoojinta dimuquraadiyadda, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.

Kate waxa ay xilkan kala wareegaysaa Ben Fedner oo jagadaas soo hayay tan iyo horraantii sanadkii 2019.

UK ayaa Soomaaliya ka caawiso dhinacyo ay kamid yihiin ammanka, gargaarka bani'aadannimo iyo dhismaha hay'adaha dowliga ah.

Waa tuma Kate Foster?

Kate Foster

Xigashada Sawirka, GOV.UK

Qoraalka sawirka, Kate Foster, safiirka cusub ee UK u qaabilsan Soomaaliya

Ms Kate Foster OBE ayaa khibrad buuxda u leh shaqooyinka la xiriira qaaradda Afrika, oo ay ka mid yihiin Arrimaha Bani'aadannimada iyo amniga.

Inta aysan dowladda UK ku biirin Ms Foster waxay Agaasime Barnaamij kasoo noqotay hayadda u dhaqdhaqaaqyada daryeelka carruurta ee Save The Children iyo waliba Ururka Caalamiga ah ee Badbaada oo ay kala soo shaqeysay Afrika.

Kate oo aan horay u soo qaban xil danjirenimo ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay ku jirto xaalad kala guur ah, isla markaana aan weli lagu heshiin doorashada waqtigeeda ka dib dhacday.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Ka hor inta aan loo magacaabin safiirnimada Soomaaliya, Kate ayaa agaasime kuxigeenka arimaha caalamiga ah ka ahayd xafiiska National Security Secretariat, ee qaabilsan arimaha sirdoonka iyo ammaanka UK.

Sanadkii 2017 waxa ay istaraatajiyada Afrika u qaabilsaneyd Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Britain.

Intii u dhexaysay 2014 ilaa 2015, Kate ayaa ahayd madaxa hawlgelinta ee falcelinta UK ee ku aadanaa cudurka Ebola ee Sierra Leone.

Sidoo kale, waxa ay Kate horay uga soo shaqeysay hay'ado ay ka mid yihiin Save the Children, IRC iyo UNHCR.