Cudurrada aan dawada lahayn iyo sida loola noolaado

Inkastoo heer sare laga gaaray daweynta cudurrada iyo soo saarista dawooyin cusub sannad walba haddana waxaa jira cudurro iyo xaalado aan weli wax dawo ah loo hayn.

Cudurrada noocan ah waxaa ugu badan kuwa loo yaqaan ‘advanced progressive’ oo ah xanuunno isa soo tara kuwaas oo soo afjari kara nolosha qofka jira da’ kasta ee ay ku dhacaan muddo maalmo, usbuucyo, bilo ama mararka qaar wax sannad ka badan ah.

Haddaba cudurradani ma laha dawo si sax ah uga takhalusaysa marka laga tago dawooyin lagula tacaalo in lagu dhimo saameyntooda.

Marka ay qofka ku dhacaan cudurrada aan la daweyn karin ee la ogyahay inay soo gaabinayaan nolosha qofka, waxaa is badala nooca daryeelka qofkaas isaga oo aan ka fakarayn inuu dawo raadiyo maadaama aysan jirin, balse inuu ku noolaado nolosha ugu fiican inta u hadhay cimrigiisa sida:

Xakamaynta saameynta xanuunka

Raadinta xorriyad maskexeed

Wanaajinta dareenka diineed iyo dhaqanka

Qorsheynta mustaqbalka dhow

Sidan ma sameeyaan oo kaliya dadka loo sheegay inay dhowr maalmood uun sii noolaan karaan, daryeelka noocan ah waxaa loo raadiyaa qof waliba oo uu hayo xanuun aan rajo laga qabin daweyntiisa.

Hadaba waa kuwee cudurradan iyo kuwooda ugu caansan?

Kansar (Cancer)

Dabcan haa, waxaan ka bilaabeanaa cudurka kansarka oo laga yaabo inaad in badan maqashay, ‘qof hebel inuu intaas oo maalmood haysto ayaa loo sheegay’ marka uu cudurkani ku dhaco kadib.

Kansarku waa cudur ku dhaca unugyada jidhka. Caadi ahaan unugyadu waxay u koraan oo u tarmaan si xakameysan, hase yeeshee mararka qaarkood unugyadu waxay noqdaan kuwo si aan caadi ahayn u kora. Unugyada aan caadiga ahayn waxay samayn karaan tiro unugyo ah oo la yiraahdo buro.

Kansarka waa ereyga loo isticmaalo in lagu qeexo ururka unugyadaas koraya oo suurtogal ah in ay ku faafaan jidhka dhexdiisa. Maaddaama unugyada kansarku ay ku dhalan karaan ku dhawaad nooc kasta oo unugyada jirka ka mid ah, kansarku wuxuu waxaa loo kala saaraa 100 cudur oo kala duwan.

Sharraxaadda ugu da'da weyn ee kansarka (inkasta oo ereyga kansarka aan loo isticmaalin) waxa laga helay Masar waana tixraac jiray shan kun oo sano ka hor. Waxaa loo yaqaan Papyrus Edwin Smith waana nuqul ka mid ah buug hore oo Faraaciinta Masaaridu adeegsan jireen, kaas oo ku saabsan qalliinka burooyinka iyo dhaawacyada. Wuxuu qeexayaa ilaa 8 xaaladood oo burooyin ah ama boogaha naaska oo lagu soo saaray qalab ka samaysan biro dab la geliyey. Qoraalku wuxuu cudurka ku tilmaamay “mid aan la daweyn Karin”.

Sida ay qortay ha’adda caafimaadka aduunka, kansarku wuxuu sannadkii 2020 oo kaliya dilay ku dhawaad 10 milyan oo qof. Sannad walba, ku dhawaad 400,000 oo caruur ah ayuu ku dhacaa.

Asaasaq

Cudurka asaasaqa (dementia) waa cudur ku bilowda xaalad xusuus xumo oo yar, wuxuuna badanaa ku dambeeya in qofka uu ku dhaco uusan awoodin inuu ka qayb qaato waxyaabaha yar yar sida wada shekaysiga, ka falcelinta waxyaabaha ka dhacaya agagaarkiisa amaba in uu qofku qabsado hawlaha nolol maalmeedkiisa.

Waa xaalad ku dhacda dhibaatana u keenta qaybta maskaxda uga masuulka ah xusuusta iyo luuqadda.

Nooca xis-guurka ee ugu caansan waxaa loo yaqaan (Alzheimer) wana kan ugu badan ee la soo darsa dadka waaweyn, waa suurta gal inuu ku dhoco da’ yarta balse uma badna.

Sannadkan oo kaliya sida aan kasoo xigannay hay’adda caafimaadka adduunka, 55 milyan oo qof ayaa caalamka oo dhan la ildaran cudurkan, waxaana sannad walba soo baxa ku dhawaad 10 milyan oo kiisas cusub ah.

Waa mid ka mid ah toddobada dilaa ee ugu weyn sannadkii 2019 waxaa cudurkan u dhintay ku dhawaad laba milyan oo qof. Dhimashooyinkan waxaa ka mid ah kuwa uusan si toos ah u geysan cudurkani balse si dadban, sida qofka oo dab ku gubta ama meel ka dhaca cudurkan awgii.

HIV/AIDS

HIV waa caabuq weerara unugyada difaaca ee jirka. Noocaiisa ugu caansanna waxaa loo yqaan AIDS.

Wuxuu weeraraa unuyada cad ee difaaca wuuna wiiqaa, taas ayaana u suurta gelisa in qofka ay xitaa ku dhacan cudurro kale oo waaweyn sida, qaaxada iyo kansarka maadaama uusan qof lahayn unugyo difaac oo ku filan amaba uu cudurku wiiqay awoodooda.

Markii u horreysay cudurka Aids-ka waxaa la ogaaday sannadkii 1981-kii waxaana laga helay Maraykanka, balse waxaa la sheegaa in xilligaas ka hore uu isla Maraykanka ka jiray.

Cilmi baarayaashu waxay qiyaaseen in dad gaaraya ilaa saddex boqol oo kun oo qof ay la noolayeen cudurka Aids-ka wixii ka horeeyay 1980-kii. Waxaa la aaminsan yahay in HIV1 oo ah nooca ugu caansan fayraskan uu ka yimid daanyeerka asal ahaan xilli lagu qiyasay 1930-kii ama ka hore.

Wuxuu cudurakani galaaftay ilaa hadda tiro u dhaxaysa 32.9 milyan ilaa 51.3 milyan oo nafood. Cudurkani wuxuu dheer yahay labada aan kor kusoo xusnay inuu yahay mid la iska qaado ama laisu gudbiyo, waxayna dalalka qaar soo sheegayaan sare u kac isu gudbintiisa ah walow mar lagu guuleystay in hoos loo dhigo faafitaankiisa.

Sokorow/Macaanka

Sonkorowga waa cudur daba-dheeraada oo lagu garto heerka sare ee gulukoosta dhiigga (ama sonkorta dhiigga), taasoo u horseedda muddo ka dib dhaawac halis ah oo soo gaara wadnaha, xididdada dhiigga, indhaha, kelyaha iyo neerfaha.

Nooca ugu caansan ee Sokorwga waa kan 2-aad, oo sida caadiga ah ku dhaca dadka qaangaarka ah, kaas oo dhaca marka jidhku u adkaysto insuliinka ama aanu soo saarin insulin ku filan. 3-dii sano ee la soo dhaafay baahsanaanta nooca 2-aad ee xanuunka macaanka ayaa si aad ah kor ugu kacday caalamka oo dhan.

Nooca 1-aad ee macaanka, oo mar loo yaqaanno sonkorowga dhallinta ama sonkorowga ku tiirsan insulin-ka, waa xaalad daba-dheeraata oo beeryaradu ay soo saarto wax yar oo insulin ah. Dadka qaba cudurka macaanka, waxaa lagula tacaalaa dawooyin kaliya lagu dhimo dsaameynta waxaana ka mid ah irbadda insulin. Waxaa jira hiigsi caalami ah oo la isku raacay in la joojiyo kororka cudurka macaanka iyo cayilka marka la gaaro 2025.

Qiyaastii 422 milyan oo qof ayaa qaba cudurka macaanka caalamka oo dhan, badidoodu waxay ku nool yihiin waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah, halka 1.5 milyan oo dhimasho ah uu si toos ah u geysato cudurka macaanku sannad kasta. Tirada kiisaska iyo faafitaanka cudurka macaanka labaduba si tartiib tartiib ah ayey u kordhayaan dhowrkii sano ee la soo dhaafay.